nuune Posted June 4, 2008 Maxaad ka taqaanaa magacyada Geedaha ka baxa Soomaaliya, baro afkaaga soomaaliga ah, ku raaxeeso: Ashacad Argeeg Askax Baar Baaxuur Babaay Badhi-booto Bal Balanbaal Barde Barkin Dhurwaa Baxar Saaf Beeru u eke Beeyo Biile Bilcil Bisiq Booco Booga Dhaye Bugle Buhood Bun Cadaad Caday Cagaar Canbe Canjeel Carmo Cayo Ciid Ciin Cilal Dacar Dal Damanyuluq Dano Dareemo Dhafaruur Dhagmaanyo Dhamas Dhammaajo Dharkayn Dhay Dhebi Dheen Dhidin Dhigri Dhiigsaar Dhikil Dhirindhir Dhunkaal Dhurbo Dhuundhas Dhuur Dhuuse ure Dhuyac Digir Dixi Doofaarqod Doonbir Duur Faramog Gaad Gabaldaye Gabro Gacandhi Gahaydh Galiile Galool Gasaangas Gawlale Garawle Geed Harag Geed-hindi Gob Gogobe Gomashe Goosay Gubtaanyo Gumar Gumre Hadi Handhurwaa Hareeri Higlo Himir Hohob Ilgeesh Ilko Caddeeye Iriir Jadeer Jaad Jaleefan Jaleelo Jarmi Jeerin Jiic Jillab Kabxan Kariir Labi Liin Liin dhanaan Like Maadh Madaxbuq Madheedh Madheedh Qoox Majabe Malmal Mandooye Maraa Marmar Mawe Mayay Maxaansugaa May Subag Maygaag Midhafur Mirdhis Mirimiri Moos Ontor Qabo Qadow Qalaanqal Qalfoon Qansax Qarari Qare Qare Dameeraad Qaydar Qudhac Qundho Raqay Ridhmo Sabansabdho Salaalmaco Sarin Sarmaan Sarmaanyo Siiq Tawaad Timir Tincad Tiin Tukelalmis Uneexo Urundhi Wacanri Wadhi Washaaqaar Xagar Xajiin Xamakoow Xamudh Xangeeyo Xankookib Xaskul Ximre Xoday Xule Xumboox Yaanyo Yaaq Yamaarug Yicib Yucub Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 5, 2008 Buug in la dhaho aan jeclahay Magacyada Soomaaliyed ma aqrisay? Buuggaas waxee Soomaalida u yaqaanaa ka buuxo, magacyadooda, magacyada geedaha, dhirta, miraha, xoolaha, waxa duulo, waxa badda ku jiro. Saas uma sii aqrin laakiin waa soo qaadaa qof haayo aqaanaa. Magacyada dhirta ayaaba i dilay, inta ee u kala baxaan, waligey wax aan maqlayna ku qoran. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 5, 2008 Sxn, buugaas ma hayo, soo quf aan ku dhahay macdanta ku aasan, buugaas oo kale waanba u oomanahay helitaankiisa Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted June 20, 2008 aad iyo aad ba u mahadsantahay Nuune - waxaan u gudbinaya arday soomaaliyeed - lakin waxaa haboonan lahad inaad tixda isugu beegti sida alifbeeta-deena. sikastaba mahadsanid markale. Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted July 4, 2008 Nuunoow aad baad ugu mahadsantahay Saxb, Soomaaligu waa bad, waana sii lumayaa isaga oo weeraar ba'an ay ku hayaan luuqadaha qalaad. In la urursho, oo weliba lagu dadaalo xafididiisa waa lama huraan, mida kale , baal fiiri gabayadii qarni ka hor la tiriyey, waxaad arki in kel mado badan lumeen, ama wax yar laga si isticmaalo, waa iyana jabka luuqada ugu wacan dawlad la aanta, iyo hooygii lagu kaydin lahaa afkeena hooya oo suuray. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 12, 2008 Nuune, buuggaa kuu sheegaaye oo ah Qaamuuska Magacyada Soomaaliyeed labadaan beri guriga uu yaalay, ee caawa ayaa qeyb kasoo guurinaa. Qeybtaas oo ah inta wax, shey ama erey lagu yiraahdo ama ku saabsan timaha ay Soomaalida u yaqaanaan. Magacyada Timaha Baabul Baar Bisqin Bulan Bulbul Cawaandi Cirro Coof Daacuf Deeb Doofil Food Foodshareer Gardho Garmalayto Gas Guud Halab Hareed Hiiro Hool Hoolan Hoolaato Hootif Idif Jaraf Jareer Joof Jeegaxiir Kawir Malaas Qoordiid Raamo Raan Rifrif Sayn Sheexo Shuun Tidic Xaad Xoosh Yaleex Yalax Yix Yoofi Yoos ______________ Qaarkood micnahooda ayaa la socdo, mar kale soo guurinaa, hadda intaas ha inoogu joogto. Share this post Link to post Share on other sites