Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 14, 2008 Ka warama soo jeedintaan uu soo jeediye walaalkeena oo hoos ku qoran. ------------- Kumbiyuutarada [Tubsheelada]: Computer = Tubsheel Disk Drive = Xogmeer Keyboard = Farasoor Input = Xoggelin Output = Xogbixin Central Processing Unit = Unugta Dhexe ee Xogmiirka Software = Qorashka Hardware = Qolofka Program = Qaashaar Programmer = Qaashaaryahan Data = Xog Screen/Monitor = Dhugad Databank = Xogkeyd Technology = Tabraad Multimedia = Indha-badan Ereyada caafimaadka: Prescription = Jalsiino Medicine = Jal Pharmacy = Jalhaye Pharmacist/Pharmocologist = Jalyaqaan Treatment = Dhaqtarin Hygiene = Fayadhowr Ereyada warbaahinta: Magazine = Biiraale Column = Halkudhig Columnist = Halkudhigle Freelance Journalist = Wariye baarfuran [mise madaxbanaan] News article = Deex Waxbarashada guud: Education = Waxbarasho Informal Education = Waxbarasho Dadban School = Dugsi College = Aqoondaar University = Barkoob Library = Qorool {The Library = Qoroolka} Science = Kasmasho Organism = Noole Acceleration = Karaar Velocity = Keynaan Linguist = Afafyahan Xigasho Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 14, 2008 Thanks sxb MMA, Qormadan yar ee soo socoto waa muhiim, waliba xagga eray bixinta, in qofka eray bixinta curinaya waa laga maarmaan in uu yaqaano qaabka iyo xeeldaha loo eray bixiyo. ============================ Af-Soomaaliga oo ah af ka hanaqaaday xaga suugaanta ayaa misna ah af ka soo koraya xaga soobaanta(The language other than the literature). Kolol badan ayaad isu weydiinaysaa erey aad ku aragtay af kale waxa uu af-Soomaali ku noqonayo, lama waayo haddii tab loo leeyahay lana garanaayo tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga. Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga: 1-DOOYEYSI: Tubta 1-aad; waxa la dooyeystaa erey afka ku sii jiray oo lahaa macne hore -si macne labaad oo uu yeesho loogu qabatimo.Tusaale: -GUJISKA BADA; ereyga gujis marka hore waa bahal ka mida bahlaha miyiga ku nool,hasehaatee waxa macne labaad loogu dooyeystay si uu ugadhignaado ereyga SUBMARINE oo ah macne nagu soo kordhay. Tubtan koowaad marka ereybixin lagu hidinayo waxay qofka uga baahan tahay inuu ereyada af Soomaaliga hodan ka noqdo, si uu ugu soo helo ereyga ku soo kordha ereyga u dhigmaya. Tusaalayaal ereybixineed oo sidaas oo kale ah waa kuwan: -Theme= Dabuub -Term= Tiraab -Phrase= Tibaax -Email/Mail/Post= Dhambaal -Dialect= Laqan -Bank Account= Qandi -Bank= Deni -Instrument= Daab -Bachelor= Yood -Master= Yahan -B.A.= Taawo-Yood -B.Sc.= Kasmo-Yood -M.A.= Taawo-Yahan -M.Sc.= Kasmo-Yahan Haddii tubta koowaad lagu hidin kari waayo ereybixinta waxa loo dhurtaa tubta labaad oo ah sidatan. 2-LADHKAB: Tubta 2-aad ee ereybixinta waxaa la isku ladhkabaa laba erey oo ku jiray afka oo kala lahaa laba macne,si ay u soo ifbixiyaan macnaha cusub ee markaas la maaganaaday. Tusaalayaal: Bir+Lab= BIRLAB=Magnet War+Faafin= WARFAAFIN= Broadcasting War+Baahin= WARBAAHIN= Mass-Media War+Geys= WARGEYS=Newspaper War+Baan= WARBAAN=Sentence Biiraa+Leh= BIIRAALE=Magazine Qor+Ool=QOROOL= Library Mash+Dhac= MASHDHAC=Music Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format Or+Og=OROG=Colloquial Gar+Eef= GAREEF= Grammar Hal+Ged= HALGED=Subject Sidoo kale haddii erey lagu hidin kari waayo tubta koowaad iyo ta labaad waxaa loo gudbaa tubta kale ee jirta sida tubta seddexaad. 3-NUDUBSI: Tubta 3-aad ee ereybixinta waxa la adeegsadaa nudubada afka(The Prefixes and Suffixes).Erey jira oo macne la yaqaan leh ayaa macne kale oo ay is-xigaan ka soo baxayaa marka lagu nudbo nudubada jira.Qofka tubtan yaqaanaa waxa uu astaan u yahay af-aqoodnimo(Is a Linguist)maxaa yeelay waa tubta ugu adag ee erey lagu soo bixitimiyo iyadoo Erey lagu hordarayo ama dibkarayo nudub,ereyga markaas la bixitimiyaa waa inuu yeeshaa beeqaab jira.Tusaalayaal: Qor+Aal= QORAAL=A Book/A Writ Cur+Is= CURIS=Composition Gur+Aab= GURAAB=Slang Tub+Aab= TUBAAB=Mathematics[Waxay isku beeqaab(FORMAT)yihiin Hiraab,Tiraab] -Dal+Ti= DALTI= Nationalist[Waxay isku beeqaab yihiin Murti,Marti] Odh+Ni= ODHNI= Oral[Waxay isku beeqaab yihiin Shacni] -Qor+Ni= QORNI= Written Tal+Ni=TALNI=Government Cur+Iye= CURIYE= Element (Seid Cabdi) Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted May 14, 2008 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Kumbiyuutarada [Tubsheelada] : Computer = Tubsheel Disk Drive = Xogmeer Keyboard = Farasoor Input = Xoggelin Output = Xogbixin Central Processing Unit = Unugta Dhexe ee Xogmiirka Software = Qorashka Hardware = Qolofka Program = Qaashaar Programmer = Qaashaaryahan Data = Xog Screen/Monitor = Dhugad Databank = Xogkeyd Technology = Tabraad Multimedia = Indha-badan Ereyada caafimaadka : Prescription = Jalsiino Medicine = Jal Pharmacy = Jalhaye Pharmacist/Pharmocologist = Jalyaqaan Treatment = Dhaqtarin Hygiene = Fayadhowr Ereyada warbaahinta : Magazine = Biiraale Column = Halkudhig Columnist = Halkudhigle Freelance Journalist = Wariye baarfuran [mise madaxbanaan] News article = Deex Waxbarashada guud : Education = Waxbarasho Informal Education = Waxbarasho Dadban School = Dugsi College = Aqoondaar University = Barkoob Library = Qorool {The Library = Qoroolka} Science = Kasmasho Organism = Noole Acceleration = Karaar Velocity = Keynaan Linguist = Afafyahan ^ what lingo is this MMA ? Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted May 14, 2008 ^Yaa kuu sheegaa hee, malaha waa lahjad cusub! MMA, hade waxaan dhoho ma garanaayo... Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted May 14, 2008 ^ lahjad beel kan may & maxaa tidhi midna maha ! labadaan ugu daran: # Computer = Tubsheel # Disk Drive = Xogmeer Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 14, 2008 ^^^ Geeloos, akhri qormadaan kor ku soo qorey, adaa fahmayo waxa uu MMA soo qorey, qumaati u dhuux, eray bixinta la iskama allifo, tab, xeelad iyo taawo ayey u baahantahay marka la curinayo ama la hidinayo, bal yara akhri qoraalkaas kor ku xusan adaa fahmi doona eray bixinta! Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted May 14, 2008 ^ Cajeeb abti gacan baan kuu taagay runtii inaan afsomali aqaanaan isku haystay belaya i qabsatay badh ka mid ah ma garan lakin wan fahmay qaabka eray bixinta u socoto ....... meeshan hadii la sii joogo maaliba maalinta ka dambaysa in yar baa kaa sii fakanaysa ! Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 14, 2008 i say stick with borrowed arabic or english. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 15, 2008 MMA, wax baa ka yara khaldan ereybixintaas ,, Hadhow baan faahfaahin doonaa IA ,,,,,,, Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 20, 2008 Geeljire, Afsoomaali waaye, wah. Ereyo la isku kab kabay waaye, sida la iskugu keenayna Nuune ayaa sharxay, oo aad u faahfaahiye. MMA, hade waxaan dhoho ma garanaayo.. Hee, xaa jirina. Bir+Lab= BIRLAB=Magnet War+Faafin= WARFAAFIN= Broadcasting War+Baahin= WARBAAHIN= Mass-Media War+Geys= WARGEYS=Newspaper War+Baan= WARBAAN=Sentence Biiraa+Leh= BIIRAALE=Magazine Qor+Ool=QOROOL= Library Mash+Dhac= MASHDHAC=Music Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format Or+Og=OROG=Colloquial Gar+Eef= GAREEF= Grammar Hal+Ged= HALGED=Subject Nuunka, aad aaba ula dhacay tan. Suu Afsoomaaliga hodanka u yahay arag, runtii. Qeyb ayaa jaamacadii Gaheyr oo Afsoomaaliga hormariskiis ku taalay, badanaana ereyada cusub meeshaas laga alifi jiray. Jacbaro, soo daa waxa ka qaldan. Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted July 24, 2008 MMA iyo Nuune, waxaaba adag kuwa Soomaaliga lagu turjumay in la dhaho ama la fahmo. JIL kulahaa, medicine=daawo. BIIRAA+leh kuyeh inta.. baba maxaa la isku geeyey inta waaye? "leh" waaba la fahmee "biiraa" fasirbal inta. Midba mid uu ka sii adag yahy. Kuwa Somaaliga ah intuu qoro inuu Enshlish ku turjuma aaba ka fududeyd..Waa ka haray ani :confused: :confused: Ps: brother put good effort though and need to be praised for that. Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted July 25, 2008 Kolay Soomaaligan kii aanu naqiinay maaha,lol, How have to be so difficult, kelmado yar yar oo fudud baa la isku geeyo. Kuwa badan waa macquul, Sarwaji = facial skin Goorayso= Watch Saxe =Spell checker Share this post Link to post Share on other sites
Prinz Posted July 26, 2008 Miskiin>> Sxb ereyadaan iney hirgalaayaan ilama ahan. Teeda kaleeto, ayaga dhan dhagax camal ayeeba u adag yihiin, xoogaa naga soo jilciya nooh. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 29, 2008 G.T. iyo Prince, qoraalka qofkaas soo bandhigay suu u arko waaye. Ani kuma raacsani in uu badalo wixii horey loo micneeye, sida farmashiye iyo jaamacad uu ereyo cusub Afsomaaliyeed ah usoo saaray. Waa wax fiican, laakiin jahwareer lee keenayaan kaliya. Kuwa ereyada cusub ee afka shisheeye kaga haboon in ereyo Soomaaliyeed cusub loo helo. Share this post Link to post Share on other sites