Sign in to follow this  
nuune

Haween maxaan ku diidaa?!

Recommended Posts

nuune   

Haween maxaan ku diidaa?

Ama kaga durkaa tolaw?

 

Sowtay doraad galab

Anigoo itaal daran

Dabka ii shideenee

Ina soo dugsiyayeen

 

Haween maxaan ku diidaa?

Ama kaga durkaa tolaw?

 

Sowtay laf duudkiyo

Dusha sare i saareen

Dhabarkii daloolshamay

Cududuhuna daaleen

 

Haween maxaan ku diidaa?

Ama kaga durkaa tolaw?

 

Sawtay daleeliyo

Diif iyo laleemiyo

Dacas iiga dhaasheen

Sareedana i daajeen

 

Haween maxaan ku diidaa?

Ama kaga durkaa tolaw?

 

Sawtay gabaan dihin

Intey doobi qaateen

Dabeed ii gobsheeyeen

Buqul iiga duugeen

Dunji dhalanka waayaha

Hayaanadii isdaba joog

Wixii daal la soo maray

Dadaal kuu rag soo galay

Dumar baa kabaayoo

La duduucay hawshii

Nin kastoo dul qaataba

Dumar baa bar-baarshoo

Nin kastoo dadnimo leba

Dumar baa kabaayoo

Nin kastoo bah deeqaba

Dumar baa kal-kaaloo

Nin kastoo la doortaba

Dumar baa u hiishoo

Nin kastoo hal-dooraba

Dumar baa u liil galay

 

Haddaan dumar abuurayn

Dadku may tarmeenoo

Haddaan dumar abuurayn

Dirba muu jireenoo

Haddaan dumar abuurayn

Farac muu durkeenoo

Haddaan dumar abuurayn

Dirba muu jireenoo

Haddaan dumar abuurayn

Duug muu hadheenoo

Haddaan dumar abuurayn

Lama kala dab qaateen

 

Dugsi laga aflaxo iyo

Waa deris ma dhaafaan

Dunji lagu arrooriyo

Dun tafiiran weeyaan

Degel lagu nagaadiyo

Gallad weeye lagu dego

Damal lagu nasanayiyo

Waa deeq Rabaaniya

 

Sideebaan u diidaa?

Sideebaan u daayaa?

Sideebaan u deyrshaa?

Sideen uba dagaalaa?

Dumar waa madhaafaan

Iyo duuga noloshee

Allahayaw mid diintiyo

Ehebtaadu deeqdoo

Derejeysa aayaha

Allahayaw mid diiqiyo

Duco waalid sidatoo

Oon loo dar-daar werin

Allahayaw mid deeqloo

U dadaasha samahoo

Oon didin goolmoon

Allahayaw mid aan dudin

Ama aan il dabinoo

Dadku gacal u wada yahay

Allahayaw mid ii daran

Kaa dooni maayee

Eebbaw mid daacada

Ii door Allahayaw

Midii aan ku dagi laa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allahayaw mid ii daran

Kaa dooni maayee

Eebbaw mid daacada

Ii door Allahayaw

Midii aan ku dagi laa

Abuu nuune, adiga maa qorte?

 

Waa very deep, deep enough for a girl to develop a crush on u. ;););)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^AfMaay aa? Intaaso afMaay eh yaa qori karo ilaahaa na lehee...

 

 

Nuune, ka xaaxaabi hee hada Layzie aa crush kuugu qabto...Iljabis eyba ka bixi la'dahay gabada...Hooy isha lee yee ku daalin yaa dhoho... :D

 

 

Hablaha waa la amaanaa miyaa la caayaa...

Hablaha waa la caawiyaa miyaa la daaliyaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol MMA, Daraasad dhowaang li suubiyi ombo asri eh maay sheegaasee ing lamatha af haskula jereeng geeska Afrika muddo omboo waqti ku bathang lama kung sanna, yeethoo liing aqoonsinya ing af maayka ku horrooyi kang mahaatirigha smile.gif

 

Sxb bal isku soo tijaabi adaa igaga dheereeyo Af Maayga!

 

Mar kale ayaan soo turjumi, waxey u baahantahay in loo shaaheeyo :D

 

 

Leezi-Gaal, lool haye maka heshay alaabtaas smile.gif

 

 

Koolo-Kaat, huuno gabadha haka xishoodsiin hadii kale caanahay isku daadin lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
Koolo lool, ma tiri saas, hadaba aan ayada ka war sugno markey isku daadiso caanaha labeenta leh oo aburta kicinaya si aad adiguna ugu qooshto doolshaha smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@caano labeenta leh, how come caanaha disapora dont have labeenta?

 

What does "aburta kicinaya" suppose to mean?

 

Abuu Nuune and Abaay KK, torobo camiraad aa meesha ka socoto.

 

PS:aniga caano booro aan cabaa, please ha ii gafina with your caano oo labeenta leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@what does aburta kiciya means, haye hada maa Af Soomaali koobeey koow lagaaga bilaabaa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Waxaaba soo xasuustay heestii:

 

Koobeey koow madiido

Labeey labo madiido

Sadaxeey sadax madiidoo

Afareey waa ku taabsahaa

 

I think inee heesta saas eheed...N'who, caano booro cabtooy ciyaal maamo lee iga dheh...Meeshaan caano geel suusac aa la cabaa kaleexaan ku iri adiga iyo caana boorahaaga iyo doolshahaaga...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this