Kool_Kat Posted November 16, 2008 Originally posted by * Prince *: Mdaxweyne Siad Barre walahi abaal weyn buu Soomaalida u galay haduu afka far inoogu sameeyay Afarjir iskool dhigtoo, AfSoomaali lagu baro Awal, awal, awal lama aqoon jirin Kuwii noo albaab furay Noo furay albaabada Aabeheen Siyaad iyo Ilaah baa mahada leh!!! Ala maxaan heestaas heesay anoo shaati cad iyo goono buluug ah wato! Allaha unaxariisto Jaale Maxamed Siyaad Barre... Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 17, 2008 ^^^ Qof la mida Odeyga la waa oo u dhigma, Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 17, 2008 Originally posted by nuune: Bal warqadan yar een qorey bal ila fiiriya Soomaaliyeey, Ku: Masuuliyiinta sarsare ee caasimada wadanka Soomaaliya ku sugan Ka: Guddiga amniga iyo ilaalada xuquuqul insaanka banii aadmiga khilaafka ka taagan shacabka wuu sii saaidayaa , hadaba madaxdii qaranka maadaama aa tihiin waxaad ku mashquul santahihiin kursi raadis iyo xukkun doon, ummadiina waxey ku jirtaa mushkilad cakiran oo qalliban jah-wareer jihana ma heesato iyo jawi loogu soo hagaago, madaxdiina waa inaad tanaasulaad u sameysaan ummada la dhibey ee dulmiga heesato. shacabku wuxuu dalbanayaa in aad dowlad aas- aastaan , dhistaan iskuulaad, matxafyo, jaamacado iyo isbitaalo loo furo si loo helo macallimiin iyo dhakhaatiir , shacabka marka uu intaas helo wuu nasanayaa wixii loogu deeqay ayuuna ku mashquulayaa kadibna waqtiga ka faaiideesanayaa , marka intaas la helo waxaa yaraanayo ama naaqusaya khilaafka iyo danbiga xisaabta aan laheen kaas oo ah mid xad dhaaf ah. BAL JB AYAABA HORTAY WARQADDA SOO QURXIYEY EE ANNA SIDAAN ISKUGU DAYO FIIRI... Ku: Madaxda sare ee magaalo-madaxda dalka Soomaaliya ku sugan. Ismariwaaga ka dhexjira dadweynuhu wuu sii kobcayaa haddaba haddii aad tihiin madaxdii dalka waxaad diiradda saarteen inaad jago raadisaan oo keliya. Umaddii waxay ku jirtaa xilli adag oo ay cakirnaan iyo jahawareer ba'ani hareereeyeen oo aan qaab wanaagsan oo loogu soo hagaago aan lahayn. Haddaba madaxdiinnu waa inaad u garawdaan aadna dadkiinna ka dul qaaddaan dhibka haysta. Dadweynuhu wuxuu codsanayaa inaad hoggaan qaran amase dowlad hirgelisaan aadna u dhistaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee ay ka mid yihiin dugsiyo iyo goobo caafimaad lana helaa aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal ay ka mid yihiin bareyaal iyo dhakhaatiir. Markii dadweynuhu helo adeegyadaas lana qaado tallaabooyinkaas waxa ay ka nasan doonaan kana waantoobi doonaan dilalka foosha xun iyo dhaca waxaana soo noqon doona nabadgelyadii waxaana yaraan doona is-afgaranwaagii hore u jirey. Saaxiib waxay ila tahay dadka afkan aqoonta durugsan u lihi inay baaqa sidaan si ka wanaagsan u qori lahaayeen. Haddii aan isku dayo inaan weeraha ku sharraxo Af-Soomaali qumman: Masuuliyiinta = Madaxda Caasimada = Magaalo-madaxda Amniga = Nabadda Xuquuqul Insaanka Khilaafka = is-afgaranwaa Shacabka = Dadweynaha Saaidaya = Kobcaya/badanaya/kordhaya Dowladda Mashquulsantahey = ku sii jeeda Kursi = Jago Xukkun = Maamul Ummadiina = Dadkiinna Mushkilad = Dhibaato Jahwareer <--- oo tan ma carabi baa? Jiho = Waddo/Dhinac Jawwi = Qaab Tanaasulaad = Ummada = Dad Dulmiga = Dhib Dalbanayaa = Codsanaya Iskuulaad = Dugsi Jaamacado =Waxbarasho Sare Isbitaalo = Goob Caafimaad Macallimiin = Bare Dhakhaatiir Nasanayaa Deeqay = Taakulayn mashquulayaa Danbiga = Xumaan Xad = meel uu ku egyahay/ku dhammaado Share this post Link to post Share on other sites
Prinz Posted November 17, 2008 Miskiin^ Sxb taas beentaa maaha, insha alaah, ayadoo qaranimadeenii soo laabato oo afkeenii sare loo sii qaado baan rajeenaynaa. Kool_Kat lol ani mugoo waagaas waan yaraa kuma soo gaarin, lakin warkeeda aan haayaa, gabdhaha in surwaal ay soo qaadan jireen & shaar, asxan labis fil caalam iga dheh loolz Share this post Link to post Share on other sites