Sign in to follow this  
AYOUB

Qabyannimada qoraalka af soomaaliga

Recommended Posts

AYOUB   

Qabyannimada qoraalka af soomaaliga

 

Posted on Thursday, December 13 @ 21:11:55 CST by redsea

Qoraalkani ma aha baadhitaan dhammays ah wuxuuse ku kooban yahay waayo’aragnimo toban sano jir ah, waanan hubaa in ay tahay tabasho uu ila qabo qof walba oo af soomaaliga wax ku qoraa.

Qabyannimada qoraalka af soomaaliga marka aynu ka hadlayno ugu horraynba eedda waxaynu dhabarka u saaraynaa far soomaalida oo aan maalintii la hirgeliyey ka dib wax horumarin ah, wax turxaanbixin ah iyo wax cilmibaadhis ah lagu samayn, hawlahaas oo haddii la qaban lahaa dhaliilo badan oo maanta jira lagu fardaamin lahaa. Eeddaas waxaa kale oo qayb ka ah iyada oo aanay maanta jirin hay’ad iyo cid aqoonsi ummadeed haysata oo u xilsaaran xallinta dhibaatooyinka jira.

 

Haddaba dhibaatooyinkaas waxaynu ku koobi karraa saddex kala ah: 1) af soomaaliga eraydiisa oo aan la isla wada aqoon mar haddii aan qaamuus lagu koobin; 2) kala duwanaanta dhawaaqyada af soomaaliga oo aan qoristooda xeer laga dejin; 3) farta loo doortay in wax lagu qoro oo haddana adeegsigeeda lagu kala duwan yahay mar haddii aanay lahayn halbeeg lagu ....

 

 

 

 

Qorista af Soomaaliga ma aha qabyo

 

Waxaan qormadan ku lafagurayaa dood ku saabsan qabyonimada af Soomaaliga oo qoraaga Ibraahin Yuusf Axmed (Ibraahin Hawd) ku soo bandhigay mareegta halkan ka eeg. Ibraahin wuxuu rumeysan yahay in
“qabyannimada qoraalka af soomaaliga marka aynu ka hadlayno ugu horraynba eedda waxaynu dhabarka u saaraynaa far soomaalida oo aan maalintii la hirgeliyey ka dib wax horumarin ah, wax turxaanbixin ah iyo wax cilmibaadhis ah lagu samayn, hawlahaas oo haddii la qaban lahaa dhaliilo badan oo maanta jira lagu fardaamin lahaa.”
Cilmi baaris badan ayaa lagu sameeyey dhinacyo kala duwan oo af Soomaaliga ku saabsan. Waxa jira buug lagu soo ururiyey tixraaca cilmi baarista af Soomaaliga; waxa la soo saaray buuggaa muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano. In maanta lagu dhiirrado in af Soomaaliga la baro shisheeyaha waxa kaalin weyn ku leh macallin Guush ( B. W. Andrzejewski), Joon Ibraahim Saciid iyo cilmi baareyaal kale. Waxa cilmi baareyaal afeed oo macallin Guush ka mid yahay qireen in af Soomaaligu muddo yar ku gaaray horumar afafka kale ku qaatay dhowr qarni. Taa loolama jeedo in af Soomaaliga dhammaystiran yahay. Ibraahin wuxuu xusay in dhibaatooyinka af Soomaaliga soo foodsaaray ka mid yihiin....

 

 

 

 

 

Ma Af Soomaaliga ayaa Qabyo ah Mise Far Soomaaliga?

 

Waxaan ku arkay qoraalka uu Ibraahim ku lafo guray kala dhinaanshaha qorista afka Soomaaliga is waafaqsanaan la’aan farabadan oo ka muuqatay qoraalkiisa, masheegi karo in qoruhu u badheedhay oo uu uga jeeday in uu muujiyo in aan farta Soomaaligu xasilin weli iyo in kale.

Guud ahaan qoraalka Ibraahim waxa uu ka koobnaa saxed qaybood oo waawayn oo kala ahaa: 1) af soomaaliga eraydiisa oo aan la isla wada aqoon mar haddii aan qaamuus lagu koobin; 2) kala duwanaanta dhawaaqyada af soomaaliga oo aan qoristooda xeer laga dejin; 3) farta loo doortay in wax lagu qoro oo haddana adeegsigeeda lagu kala duwan yahay mar haddii aanay lahayn halbeeg lagu wada khasban yahay.

Dhammaan sadexdan qayboodba waa meelo lagama maarmaan ah in la cadeeyo sida ay qabyada u yihiin. Waxaa jira sharciyo iyo qawaaniin wax qoriseed oo ay wadaagaan afafka wax lagu qoraa kuwaas oo aan inta badan muran dhalin oo deggan, sida xarafka magacayada ugu horeeya oo la .....

 

 

 

Af Soomaali: Qabyannimo, Xasilloonidarro Iyo Aqoondarro Intaba

 

Maqaalkii aan cisho dhowayd faafiyey ee cinwaankiisu ahaa
“Qabyannimada qoraalka af soomaaliga”
wuxuu dhaliyey dood dheer oo kollay aniga qiimo badan ii lahayd. Fikradaha dooddaas lagu soo bandhigay in aan xirfaddayda qoraannimo wax uga kororsaday ka sokow, waxaan ku diirsaday in ay abuurtay, abuurina karto, aqoon iyo aragti isdhaafsi mawduucan ku saabsan. Ma jiro heer kaas ka sarreeya oo uu maqaal gaadhi karaa: in uu yeesho xiiso dhaliya dood iyo baraarug. Haddaba afarta qoraal ee ilaa imika maqaalkaygii laga dhiibtay oo aan jawaabtan uga duulayaa waxay kala yihiin:

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” waa raggeedi. Aad ayaan u jeclahay in aan aqristo sheekooyinkisa (imaginary stories) ee aadka uxaraarad badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this