Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 4, 2007 Paltalk waa mucjisa [ Qeybtii koowaad ] Waa galab, guriga oo dhan waa laga kala tagay, hal gabar iyo kombuyutarkeedii oo kale ah ayaa iskula soo haray. Aabaheed masaajidka ayuu aaday markuu shaqadiisii ka yimid kadib, hooyadeed iyo labadii yaryaraana waxeey aadeen meesha ay ilmahu ku dheelaan, oo halkaas ayaa ilmo badan oo Soomaali ah iyo hooyooyin Soomaali ah iskugu imaanaayaan galabkaan, walaalkeed ka weeyna banooni ayuu aaday. Sidaas daraadeed ayeey kaligeed guriga ku tahay inkasto ay saacadu hada tahay oo kale ah afarti galabnimo, hadane banaanku waa mugdi, oo baraf iyo ciiryaamo ayaa dabooshay, laga yaabee in roob yimaado ama baraf cusub. Fadhigay hada ku fiirsaneeysay filinka loogana kala tagay ayeey dhex fadhisaa weli. Filinkii waa dhamaaday, kuwa kale ayeey raadsatay, wax nah lehna waa ka weeysay. Waa ogtahay in hooyadeed si fiican kaga dardaarantay in ay shaqooyinkii laga adeejiyay sameeyso inta aysan bixin ka hor, sidaad daraadeed ayeey u kacday si ay iskaga kala hagaajiso guriga dhan, waxeey casho ka dhigi laheydna ka sii fekerto, oo in ay sii diyaariso ayeey rabtaa. Gabadhaan galabta gabar sida lagu yaqaanay ayeey u dhaqmeysaa, waxaana cad in hooyadeed markay soo laabato, ay u mahadcelin doonto inbadane shaqsiyada wanaagsan ee gabadheeda Maariya yariisey amaane doonto. Maxaayeelay si qurux badan ayeey guriga u hagaajisay, mushqusha u dhaqday, qolalka jiifka, kushiinka nal ayeey ka dhigtay, xataa dariishadahii tirtiritaankooda oo ay markasta hooyadeed ku canaanay jirtay galabta ayadaaba soo xasuusatay. Dabcan waa weeynaatay, aqli ayaana u siyaaday, laakiin maahan gabdhaha howsha jecel, raashin karis wilka ka yar ayaa kaga fiican, oo gurigaan raashinkiisa laga jecelyahay. Inkastoo asna ceebtiisu tahay inuu kushiinka alaabta taalo dhan wada wasaqeeynaa, waxaasna hooyadiis madax xanuun ayeey ka qaadaa, oo kushiin iyo alaab wasaq ah oo meelaha taaltaalo maba arki karto. Dabeecadaas gabadheeda yar ayaa ka raacday, laakiin labada waa weeyn in ay yihiin kuwa qasaaray oo wasaqda deris la ah ayeey u aragtaa. Maariya galabta calaamadahii hooyadeed jecleed sida in ay buug ku qorin jirtay oo aqrisay oo kale ayeey u buuxisay, waana sugi la'adahay inta hooyadeed ka imaaneeyso, oo sida ay ugu farxi doonto shaqada ay qabatay ayeey isku sawiri kartaa ayadaba. Shaqadii hooyadeed ka dardaarantay durbadiiba waa tan dhamaatay saasta ay tahay reerkiina sooma dhawo waqtiga dhimanna waa badanyahay in ay kaligeed halkaan fadhidane waa wax aysan ogolaanin weli. Balsa ma rabto in ay banaanka aado, ama talefanka ka wacdo saaxiibteed oo ay ka balan qaaday in ay soo weci doonto markay iskuulka ku soo kala tagaayeen maantay. Fadhiga ayeey marka dhinac ka fiirisay, kombiyuutarka ayeey indhaha ku dhufatay, hadane waa tan is dharbaxday, oo is tiri:" Maxaad ka ag sheegee kombiyuutarna saacadaan, wax falan aad tahee!" Markiiba qolkeeda ayeey gashay oo ka soo raadisay wax uun hagaajis kaga baahan, waa tan tinteedii sameeysay ugu dhaqaaqday, jirkeeda iyo wajigeedii fiirfiiris u gashay, aadna isku cajabisay, sina markay u fiiriso suniyaheeda ay ka weeysay isla sinma, waa isku xanaaqdaa. Laakiin aad ayeey iskugu qanacsantahay, ineey qurux badantahay xaafada in looga sheekeeysto waa ka warheeysaa. Mobiilkeeda ayaa soo dhacay, dhegaha ayeey ka qabsatay, ma rabto ineey saacadaan war gasho, galabtaan ayada iyo nafteeda ayaa kaligood ahaan doono! Markii hal saac laga soo wareegay, oo ay weli qolkeedii ku dhex jirto, oo ay wixii dhar u yaalay banaanka soo dhigtay, sida ay midba mar iskugu fiirineysay inkastoo aysan asbuucaan u soconin xaflad, hadane meel aan la aqoonin ayeey labiskaan u diyaarinee, sida ay u labisan laheeydna ugu sii fekeree. Waa ku war la'aantaaas gabareey. Qolkii waa ku dhex caajistay, waxeeyna niyada u sheegtay in aysan si kastaba banaanka u soconin, sidaas darteedna waxeey ku soo laabatay fadhigii, oo kombiyuutarkii indhaha ku dhufatay marlabaad, waa tan ku soo oroday, qadka MSN horay ka furtay, markay cabbaar ku jirtayna, gabar ay saaxiibo yihiin u sheegtay in ay ku jirto Paltalk oo la iskugu tagay sidaas darteed ay caawin ka rabto, ayadane si degdeg ah ayeey ku gashay qolkii ay saaxiibteed ugu jirtay Paltalka, oo caaytan iyo aflagaado kaga bilawday wiilkii ay saaxiibadeeda ka sheegatay. Waxyar kadib ayaa qoraal shaqsi ah (Privet) ah u yimid gabadhii kombiyuutarka kas la'aanta ku soo gashay. waa fiirisay, waa magac wiil, waa la sheekeeysatay, magacaa iyo inteed degentahay, kadibna ciwaanada MSNka ayaa la is dhaafsaday. Waxyar kadib waa soo galay, waa la isla sheekeystay, si fiican ayaa la isku bartay, in isku magaalo la joogo ayaa la wada ogaaday. Gabadhaan qofkaan aysan hubin wiil iyo gabar waxa uu yahay, warka uu sheegaayo mid mid ayeey u rumeysatay, aad ayeeyna u xiiseeysay sheekadiisa maalinkii koowaadba. Gabadhaan cashadii ay saacado ka hor diyaarisay xataa ma taqaano wax sameeyay, goor ay hooyadeed timid, ilmahii la kala seexiyay, walaalkeed iyo aabaheed yimidiin uun haday qosolkooda ku soo baraarugtay. Markay aragtay dadkii oo wada fadhiya fadhiga wax aan la aqbali karin ayeey la noqotay, oo tan ku tiri inkastoo la maraa hada sagaalkii habeenimo:" Waraa Amiin goormaad imaateena? waad soo dhaqsateene?" Amiin iyo labadii waalid qosol ayeey isku dhufteen, oo Amiin ayaa ku jawaabay asigoo duqeynaayo walaashiis:" Aabe waan kuu sheegay markii aad keeneeysay kombiyuutarkaan in Mariya ay waalan doonto, oo miirka ay ka qaadi doonaan nimanka adiga kaa waa weeyn oo howla la'aanta ku dhex heeyso kombiyuutarkaan." Waa la wada qoslay, oo hooyadeed ku tiri Maariya:" OO hooyo macaanto yaa baas oo aad ku maqneed, markii aan imaanaayay oo cashada sameeynaayay? hadii aad ku soo baraarugi weysay qayladii iyo ooyintii Caamir oo ay dhab kaa tahay in aadna la soconin mar aan soo galnay guriga walee wax waa ka jiraan warka Amiin!" Waa la is fiirshay, qosol ayaa mar labaad lagu dhuftay, inkastoo ay wiilka iyo waalidiintiisaba foorjo ka wadaan, hadane Maariya inta xanaaqday ayeey qolkeedii horay u gashay ayadoonan u jawaabin. Riyadii macaaneed ayeeyba ka qaseen, maantay nin ay la so hadashay hadii ay aqoon u lahaan lahaayiin meey warkaas sheegi lahaayeen ayeey istiri. Maariyo feker iyo riyo ayeey gashay, midba mid ka sii macaan u dhiibtay, is tustay in qofka ay maantay la soo sheekeeysatay mustaqbalkeeda wax ka bedeli doono si uu kaga bedelaba!! Waa cajaaiib sideee ninkaan marka xigta loola kulmi doonaa? intay ku dhamaan doontaa sheekadiisa? aqriste ha iska hilmaamin qaybta labaad ee sheekadaan, asbuuca danbe aqris wanaagsan!! Mahadsanid inbadan aqristaha qaaliga ah. Aqriste soo celi wixii dhaliil iyo suaalo ah adoo mahadsan marwalba!! Qoraalkaan xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga qoray, amar La`aana lama daabacan Karo, lamana qaadan karo, sidoo kale wax mala'awaal ah waa ka macnuun in laga sameeyso, ilaa ogolaasho laga helo Qoraaga sheekada qoray. Kala soo xariirka ciwaanka hoos ku yaala. Waxaa qortay Ifraax Y. Axmed ( Ifka ) [ La soco qeybta dambe .] Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 4, 2007 Inta sheekadaas qeybteeda labaad soo socoto, tan sii aqrista. ------------- Istacmaalka Chatinka Paltalk faa'iidada iyo Qasaaraha uu u leeyahay Qoysaska isqaba Xaliima Sheekh: "Wax la qariyo Ma fiicna aniga ayaa ka mid ah Dadka ugu Guriga ka dumiyay Chatinka Paltalk, Marka waxaan Haweenka Soomaliyeed Kula Dar daarmayaa in ay iska ilaaliyaan Waxyaabaha Dhalin kara Kala Taga Qoyska." Paltalka waa aalad maqal iyo muuqaal leh, sidoo kale waxaa ay leedahay qayb qoraal ah oo prevet ah, oo hadalka laguu soo qoro uu yahay mid kuu gaar ah, waxaa kale oo uu leeyahay Qol weyn oo ka dhaxeysa Dhamaan Mujatamaca soo galo, oo Qoraal lagu soo Qorana uu Qof waliba ka qaybqaadan karo, Faa'iidada ugu weyn ee laga helay Paltalka Qaybta Soomaalida waxay tahay, in Qol la sameeyay Habeen Habeenada ka mid ah kaas oo ay Sameeyeen Dhalinyarada Reer Maanoboliyo, in ay ku kulmeen Wiil iyo Hooyadii is la'aa Muddo Todobo Sano ah . Halkaas oo Habeenkaas looga hadlayey Qiimaha Jacaylka. Dhanka kale Paltalka waxa uu Door lama ilaawaan ah ka qaataa is dhexgalka Bulshada, ma yara inta Reer lagu Dhisay Paltalka, hadana waxa uu dumiyay Reero hore u dhisnaa,bal iminka ha inoogu sheekeyso Falxad Sheekh oo degan Magaalada denhaag ee Dalka Holand.sida loo isticmaalo Paltolka. "Waxaa jirta in Paltolka uu leeyahay Sedex Qaybood oo kala ah: Qayb Siyaasadda ah, Qayb looga hadlo Arimaha isbarashada iyo jacaylka iyo Qayb Diiniyan ah, waa inta ugu Muhiimsan oo ay isticmasho Soomaalida.hadaba marka aan hal hal u kala dhigo Qaybta Siyaasadda,waxa isticmaalo Dadka Da,dooda ay Hore u badatay, Qaybta Diinta waxaa isticmaalo Dad waa weyn iyo Dad yar yar,ayaga oo ku xiran Muxaadarooyin Diini ah oo Live ah,halka Qaybta is barashada iyo Faaqidaada Arimaha Jacaylka waxaa soo galo Hablo iyo wiilal isugu jira kuwii hore iyo Kuwii maanta. Waxayna u badanyihiin inta badan Dad calaf doon ah. Qolka Faaqidaada Arimaha Jacaylka waxaa soo galo hablo iyo Wiilal Magac aad u Sareeya ku leh, Marka ay soo galaan Qolka Dhexdiisa, waxaa ay la kulmaan inta badan Ereyo ay ka mid yihiin (Salaan Sare ugaaso iyo Salaan sare Ugaas,iyo Umaaac Baby) iyo Kuwo kale; Qofka la salaamo waxay ku qaadataa in uu Radiyo Salaanta ugu yaraan Hal Saac iyo wax ka badan. Inta badan Wiilashaas iyo Gabdhahaas waxay ku muteysteen Magacyadaas Bulshada ay taqaano in ay yihiin Dadki ugu horeeyay ee isticmaalo ayaga oo ahaay Dadka kaliya ee laga soo gaaray sida loo isticmaalo tiknoljiyada Casriga ah,ay Soomaalida isticmaasho dadkii Baray, isbarashadaas oo soo martay Heerba heer, anaga hadii aan nahay Hablaha Soomaaliyeed ayey Tiri Falxad Sheekh waxaan ka shakin jirnay Wiilasha Soomaaliyeed in ay Ragga iyo Wiilasha is dhaxgalaana waxay ahayd mid dhib badan, isdhaxgalka iyo Wiilasha iyo Gabdhana waxaa ka shaqeeyay Mahadi ha gaartee Wiil aan Magaciisa aan Dhaafi Karin Labumba Degenaayne Magaalada Oslo ee Dalka Norway. Labumba waxa uu ahaay Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo la tar tama reer Galbeed asaga oo waxa uu ka soo Faa,ida u soo Gudbin jiray Bulshada inteeda kale,Labumba waxaa lagu Xasuustaa in uu lahaay Qol la Yirahdo,La Baashaal Ku Baashaal,inkastoo Qolkaas aan lagu sameyni Cridt Card hadana waxa uu qaadi jiray Laba Boqol Qofood,waxa uuna isku dayi jiray in uu bulshada dhan wada qanciyo Labumba waxaa lagu xasuustaa in uu Dadka is wada barto is wada maqlo hadana is wada arko, ayaga oo Dadka ku kala sugan Qaarado kal fog oo Aduunka ah,taasna waxay sameysan in ay Dad badani ay manta isyaqaanaan." Falxad mar aan weydiiyay Su'aal ku saabsaneyd Qaabka ay u dhacdo Habka isguursiga Dhalada Maadaama ay Barashada tahay mid ku eg Dhalada Computerka, Falxad waa ay Qososhay waxayna tiri, "Maantay Habka aan isticmaalno waa mid Casri, internekana waxa uu Qayb Libaax leh ka qaataa, isbarashada Hablaha iyo wiilasha, waa ay jiran Hablo iyo wiilal Tiro badan oo iska Guursada, aniga Saygayga oo aan iminka ku faraxsanhay waxaan isku baranay Paltalka Maantana waa Caruurteyda Aabahood. Marka kii aad Live u barato iyo aad Dhalato ka barato Soomaali waa isla Soomaali." Waxan weydiiyay Falxad Sababaha keenay in Hablo badan ay Luuqooda xirtaan ayaga oo madax banaana si aanan loola hadllin Taasi maxaa dhaliyay ayaan weydiiyay, waxayna Falxad oo Arintaan ka war celineysa waxay tiri: "Sideeda banaana Badeeco waa tii Banaan Taalo, Qofka marka uu Balan galo inta badan waxa uu sameeyaa si uusan Saxiibkeeda ugu Caroonin waa in ay Xirata Luuqa, Dadka ugu badan oo ay daneyneysana waxay Geshataa ad me listi oo ah in ay la hadki karto Dadka ay rabta Qof kalena uusan la hadli Karin, inkastoo taasi Ragga Qaarkiisa aysan jeclayn." C/laahi Jaamac Cali waxa uu Deganyahay Magaalada Qaahira, Xaafada ugu ilbaxsan Qaahira oo ah Ardi luwa, waxaana wax ka weydiiyay Qaabka loo Isticmaalo Qolalka Siyaasadda waxa uuna yiri: "Aniga waxaan Bilaabay Paltolka Sanadki 2000 waligeyna waxaan ku dhex jiray Qolal Siyaasadda, Qaybta Siyaasadda Waxaa looga hadlaa Hadba Siyaasada Maalintaas Meesha ay Taagantahay, Dadka Isticmaala Qolalka Siyaasadda Da'dooda kama yara 35 ilaa iyo waxii ka badan, waxaana wada qaybsana Mica waxaana iskugu jirnaa Qolo Xiligaas waxa socda Diidan iyo Qolo Taageersan. Inta badan waxaa jirto Murano Fara badan oo ku Saleysan Dimuqraadiyadda oo kala Fikir ah, inkastoo mararka qaar ay na dhibaan Caruur yar oo Qurbaha ku dhashay Waalidkoodana ay rabaan in ay Bartaan Afsoomaaliga. Iska soo qabsada micga iyaga oo ku jira Saf ku waas oo loo adeegsado in laga tuuro Qolalka,waayo Micga waa mid kaliya waxaana laga rabaa Qofba mar in uu Qabsado." Mar aan C/laahi weydiiyay Dadka istacmaalo Qolalka Siyaasada uu wax guur ah dhex maro, maadaama ay yihiin dad kala fakir duwan Siyaasiyiina ah waxa uu ii sheegay in ay jirto haddii la wada sheekeesto uu Guur yimaado, laakiin inta badan waxaa isguursada Dadka isku Fikirka ah, inta badan dadka Siyaasiyiinta ah waa ay kala shakiyaan, waxayna ka baqaan Qofka uu la hadlaayo ay isku Qaarad ay joogaan Maadama uu CVgiisa uu wax badan kala Socdo, laakiin anaga waxa nasiib wanaag inoo ah, in Haweenka Qaahira ay Boqolkiiba toban %10 isticmaalaan Paltolka, marka sas baan kaga badbaadnaa, hadana qofka lama aamino ilaa qofka uu kaa siiyo Telefankiisa, dabadeed ay Timaado is fahan guud." Xigasho ------------- Meeshaas wax ka jiro in aan soo arka waaye, weyba naga bad badiyeen. Hal maraa 2000 mar galay iguna dambeysay meeshaas. Share this post Link to post Share on other sites