Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bilooyinkii iyo sidahii hore

Recommended Posts

Bilooyinka iyo sidahii [calender] hore ee Soomaalida laba ayee u kala baxaan: Kuwii hore oo hadda badankood dhumay iyo kuwa hadda sii dhumaayo oo aan Muslimiinta kale aan la wadaagno, inkastoo la Soomaaliyeeye oo magacyadda qaarkood kuwii hore kasoo haray.

 

Soomaalida bilooyinkeeda dayaxa ayee raacaan, sida tan Islaamka.

 

Koley magacyadooda ayaan rabaa inaa inta kusoo dhigo. Haddee qalad ku jiraan, waa sixi kartiin.

 

  1. Dago [dadka qaarkood Sako dhahaan]
  2. Bildhurohore [Miira]
  3. Bildhurodambe [Mowliid]
  4. Rajalhore [Maalmadoone]
  5. Rajaldhexe [bandhexe]
  6. Rajaldambe [bandambe]
  7. Sabuux
  8. Waaberis [soondheere/Gasayar]
  9. Soon
  10. Soonfur
  11. Sidataal
  12. Carafo
-------------

 

Bari oo Axad ah waxee ku beegantahay 27 Waaberis ee bisha Soomaaliyeed, la soco. Soon maalma yar kaliya ka hartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Habeentiris: Islaamka ka hor, Soomalidu miyey lahayd Kaalendar dhaqameed soo jireen ah?

 

Hordhac

 

Soomaalida waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer sababtaa inay lumaan taariikhda asalraaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral society”. Gaar ahaan somalida oo ay u dheer tahay reer guuraanimo, malaha wax hadhaa reeba oo loo qaadan karo tixraac. Maqaalakan oo bar bilow u ah taxane aan kaga hadli doono cilmi-dhaqameedka xiddigiska ee somalida, waxaan si dulkaxaadis ah ugu eegi doonaa hababka tirsiimo ee taariikh ee saamayn ku yeeshay kaalendarka Soomaalida.

 

[Ka
barmaamij isugu kaa beddelaya taariikh Soomaali, Islam iyo Gregorian.]

 

[Kabooday]

 

Habeentiriska Soomaalida (Somali Calendar)

 

Dhulka Soomaalidu ku nooshahay badankiisa hadda waxaa laga isticmaalaa labada tirsiimo ee Gregorian-ka iyo Islaamka. Halka had iyo jeer dowladuhu ka isticmaalaan habeentiriska Gregorianka, dadwaynuhu waxay gooraynta ku xusan diinta Islaamka (ramadaanka, bixinta sekada, xajka, ciidaha, iwm), iyo goobaha diinta (Masaajidka, Malcaamadaha qaarkood, iwm) u isticmaalaan habeentiriska islaamka. Waxay taasi in badan ku riddaa jaha wareer dadwaynaha, oo lagaba yaabo inaanay da'yartu aqooninba tirsiimada kaalendarka islaamka.

 

Waxaa kale oo jirta iyana in ay somalidii hore lahaan jirtey tirsiimo u gaar ah. Habeentiriska somalida oo ka horeeyey intii aan diinta islaamka soo gaadhin. Habeentiriskaas oo u baahan baadhitaan xooggan waxaa waxoogaa ka daah furay alle ha u naxariistee Musse X. Ismail Galaal. Gooraynta Soomaalidu ma lahayn bar bilow, sidaa darteed malaha tirsiimo sannadeed. Somalidu waxay tirsan jirtay xilli, dhererka xilligaasi wuxuu ku xidhnaa dhacdo gaar ah. Waxaa inta badan lagu magaacaabi jirey xilli kasta dhacdooyinka yimaadda (xilli barwaaqo ah, mid abaareed, mid colaadeed, dayax madoobaad, iwm.). Tusaale ahaan waxaad maqlaysaa hebel wuxuu dhashay “xaaraame-cune” hortii yar, ama “abaartii daba-dheer” dabadeed.

 

Hayeeshee Soomaalidu waxay lahayd habtiris waadix marka loo eego bilaha iyo maalmaha. Marka ay Soomaalidu iswaydiinayso taariikhda waxaa sida caadi ah la iswaydiiyaa “waar maanta bishu waa imisa?” iyadoo loo jeedo “taariikhdu waa imisa?”. Arrintanu waxay sal ku leedahay habdhaqameedka habeentiriska Soomaalida oo ku koobnaa bisha iyo maalmaha.

 

Habeentirska biluha ee Soomaalidu wuxuu ku salaysanyahay dayaxa, waxaanuu la bah wadaagaa kan islaamka. Magacyada loo yaqaano biluhu waxay ku kala duwan yihiin degmooyinka ay somalidu degto. Tusaale ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalada burco iyo agagaarkeeda, ilaa hawd, waxaa loo yaqaanaa:

 

Afsoomaali: Tirsiga Soomaalida sida Burco looga yaqaan [Afcarabi: Tirsiga Islaamka]

 

Dago (ama Sako) [Muxaram]

 

Bildhurohore [safar]

 

Bildhurodambe [Rabi`al-Awwal]

 

Rajalhore [Rabi`ath-Thani]

 

Rajaldhexe [Jumada l-Ula]

 

Rajaldambe [Jumada t-Tania]

 

Sabuux [Rajab]

 

Waaberis [shacbaan]

 

Soon [Ramadaan]

 

Soonfur [shawal]

 

Sidataal [Dhu l-Qa`da]

 

Carafo [Dhu l-Hijja]

 

Maadaama ay hadaba bilaha Soomaalida ku salaysan yihiin dayaxa, islamarkaana aad ugu dhowyihiin kuwan habeentiriska islaamka, waxaynu iswaydiinaynaa siday u xisaabin jireen kalgalka maalmaha ku salaysan qorraxda ee ay caado-xusi jireen ee aan diinta islaamka shaqo ku lahayn.

 

Tusaale waxaynu usoo qadanaysnaa “Dabshidka” ama “Nawriishka”. Dabshidku waa bilowga sannadka habeentiriska Soomaalida. Aqoonyahan dhaqameedka bulsho reer guura ah u go’aamiya habeenka dabshidku wuxuu isticmaali jirey, sida uu xusay Musse Ismail Galaal, isugaynta bilaha qun-dhalad iyo kuwa toomman oo isku noqda 354 cisho, markaas buu ku dari jirey 11 cisho dhammaadka bisha carrafo. Halkaas buu wuxuu si lama-ilduufaan ah ugu simi jirey bilowga sannad qorrexeedka (xilliga roobka). Markaa, tusaale ahaan, bisha dabshidku soo galayaa wuxuu is beddelaa saddexdii sannadoodba mar. Marka kowaad wuxuu dhacaa bisha horraanteed, sannadka ku xigana bisha badhtankeeda, sannadka saddexaadna dhammaadka bisha. Sannadka afraad buu u gudbaa bishaa bisha ku xigata, kuna nagaadaa saddex sannadood.

 

John A. Hunt wuxuu leeyahay habeentiriska Soomaalidu wuxuu ku salaysan yahay isku-dhaf ah:

 

1. Habkii hore ee Persianka (oo aanaynu halkan kaga hadal)

2. Babeentiriska islaamka

3. Hab lagu saxo tirsiga dayaxa oo saddexdii sannadoodba ku sima tirsiga qorraxda si ay isu waafaqaan xilliyada roobka.

 

Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo midkood odhanayso habeentiriska Soomaalida ee sannadku waa mid kalgal 7'aadle ah, oo toddobadii sannadoodba waxaa loo tiriyaa sannad.

 

-------------

 

Waan tifaftiray maqaalkaan, oo suu aqriska maqaalka u sahlanaado ama u fududaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bogga uu maqaalkaan uu fiiriya leeyahay aanba aaday, oo taariiqda Soomaalida bishaan dhashay ka helay. Waa wareey iga dheh.

 

Maalin Jimco aan dhashay, ku beegan 18 Dago [sako].

 

Meeshaan waaye meesha aad isla barbardhigi kartid.

 

Noo sheeg goortaa dhalatay ee bisha Soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

ha waa buuxo bilan ;) . Ma nicin, laakin wuu igu duugay, marka wala soo nisin :D .

 

I am use to the solar calendar, i always thought the somali bilo where janaayo,feebaraayo etc. Laakin waxay ila tahay inaan dhashtay 15ka Soon or 15ka maayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

janaayo, febraayo were yesterday's government made bilo .....

 

these are the real ones i used to hear from my Ayeeyo Allah yarxamah ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

I was born Shab'an 17. Thanks MMA, I never really knew or bothered inaan is waydiiyo xitaa..now I know, thanks a bunch bud.

 

Buuxo: Janaayo, Febraayo, Maarso, ma af-Somaliyaa u qabtay? LOL. Dad badanoo Somali ah baa 'alle sei' [as in saakay mina subax aan toosay, ala seeey] u qabo af Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Alla sei" oraah Talyaani waaye miyaa ileen?

 

Aniga midii aan aad ula yaabay waxee ahayd maalin 2001 sanadkii ahaa, oo kaligeey iska caajisay Axadna telefashinka ka socday filin la dhahaayo Life is Beautiful, oo Talyaani ahaa oo Oscar xataa helay. Filinkaas ayaan waxaa ka maqlay mid leh "awguuriyo, awguuriyo."

 

Anigii yaab. Dhagaheey ayaan mooday inay wax kale maqleen. Dhagaheey ayaan u maleyn lahaa haddee ahaan lahayn meesha uu ka dhahaaye oo ahayd aroos. Waligeey isma lahayn ereygaas ayaa Afsoomaali ahayn.

 

Buuxo, haye maxaa tiri inay "Janaay, Febraayo, Maarso ..." ahayd Afsoomaali yaah? Qaarkood Afsoomaali weyba u egyihiin, sida "Maarso, Maajo, Luulyo ..."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Nephyst and MMA, ha ila yaabinina. blame the guy that taught me somali at Sunday school.I use to memorise that too, xariifad baan isku maleeyn jiraya,as i was the top in that class.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

aww thanks jacayl.

 

I am a bit annoyed,i was born in ramadan and was not given a name to commemorate this special month.So im going to do my own wanqal(virtual), because i'm too old to get a new name and all. Rayanah is nice,but it's too close to me own name. So nomads give me some suggestions. Shall i stick with buuxo meaning complete,and this related to ramadan based on the assumption ,that the quranic revelation was completed during ramadan,could be wrong. But your suggestions are needed.thanks

 

MMA, sorry didnt mean to troll your thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuxo, magaca Buuxo ma xumeyn, ee asagaa soo ceshan kartaa. Haddaa ka helina Dhuubo ka waran? Ama Biibto? Buubto? Shaxshaxleey? Shuufleey? :D

 

Waxa ugu muhiimsan inay erey Soomaali ahaado magaca. Anigaba inaa iska badalo waaye magacaan ka kooban sadex erey Carabi oo aan 1999 alifay. Ka waran haddaan la baxo Daljirka Dahsoon? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

JB Sooman ,waxay ilatahay kalmaad oo ah lab( masculine).bal midkale sheeg eedo.

 

MMA,Lol@shurufley.magac ramadan ku saabsan oo somali ah, baan raadin.Laakin daljirka-dahsoon maxuuma, i am surprised you allready dont have nick that screams somali.How about Qamarji Khayrqaba? :D ma is raacikaran bal?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this