Som@li Posted July 15, 2007 by Maxamed Nuur Fadal 1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso 2. Hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. Dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. Dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. Hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. Meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay 7. Dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. Dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda 9. Dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo 10. Dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso 11. Cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. Dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e 13. Saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. Sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. Dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto 18. Dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso 19. Kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo 20. Dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe 21. Dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade 22. Inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye 23. Dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye 24. Dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde 25. Sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere 26. Inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya 27. Dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa 28. Dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted September 17, 2007 Waa Cilmi qof hurdo lugu tiso ana markaan dhageystey waxaanba umaleyey mid aan maalin dhaweyd Toronto ku arkey. Waxaan xusud mudan Dabshidow dumarka inaan layska amaanine e la amaano uun inta uqalanta. Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye ************************************************** Jaaheeda iyo faayaha ay jibo ku qaadayso Jidhka labada qaaree sidii Jaraha loo soohay Sida jeex intuu doog lahaa jir u gadaaleeye Oo ubaxyo kala jaad ah iyo jimil ka soo boodey Goortaad jalleecday qalbiga jiidataa hodane Waa midaan jilfaha qoorta iyo Jiman u baahnayne Jidhkeedaaka qaaliban waxay yara jecleeyaane Muuse Galaal A.Y. ************************************************** Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone Waa inaydareen lexejecliyo doojin leedahaye Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye Duhur iyohabeen waa inay kuu diyaar tahaye Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe' Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye Share this post Link to post Share on other sites