Tanaad Posted September 4, 2007 JBaro afsomali iyo ingiriis isku karis ah maxaad ku diideysaa ina abti adiguse maxaad ka taqaan gabayada nin baa na yiri waxban soo raadinayaa oo sidii diinkii sahanka loo diray wali ku maqane adigu waxaad haysid oo gabay ah soo daa bal aan ku sii sugnee. Gabaygii hore malaha waa la garan waayay. bal kan isku soo daya CIRKA OON DARUUR LAGU OGAYN DUNI ABAAROWDAY OO HAADDU SOO DAADATOO DEERADII DHIMATA DAYLOOY LAXDII IYO LODABA DAAYAY HADALKEEDA DAANDHEERTA KII MAALI JIRAY CAYDH U DALANDOOL YE inta dhexe lama garanayee wuxuu ku dhamaanayay DACAS LAGUMA WAAREE MARKAY DOOGSIN ROOB CURATO DADKAYGIYO JAHLIGA MAALINTAAN DOW UKALA YEELO GAAJADA DHARAARTAAN DILEE CUDURKA DAAWEEYO ADIYO DAALINKII KAA YARAA DOODA WAA U FURIYE HA DADNAATO XAAJADU MAR BAAN DIIRKA KA CADDEYNE haddii kaa la waayana bal kan fiiriya OLOLIHII MAR UUN BAA LA SHIDI KII ARBACADIIYE MAR UUN BAA DAR IIMANKA QABA LA IMAN DOONAAYE CAANUHU DHAWAAN WAY KA QUBAN CIIL DAR LOO QABO E CAADDAA RAG KORAY BUU NABSIGU HOOS U SOO CELINE CALOOLYOOW AAN KUGU RAAGAHAYN CIIDDA HA U QODANE CAGTA II DHIG WAA KAA NABSIGII SOO CADCEEDSADAYE waa gabayadii ku qornaa buugaagtii suugaanta oo iskuuladii waddankii soomaaliya la oran jiray lagu baran jiray haddii aad wax ka xasuusataan. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 12, 2007 Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Share this post Link to post Share on other sites