Wiilo Posted November 2, 2004 Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo labixiyo soonka markii la furo Qaybta: 8aad ee Taxanaha Ramadaanka Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la'aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1) Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4) Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah. Yaa la siinayaa Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn. See loo bixinayaa Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9) 1 ehelkiisa. 2 dariskiisa. 3 qofkasta oo muslima ah. Wabillaahi Towfiiq: Quote Share this post Link to post Share on other sites