nuune Posted June 8, 2007 MIJINTAYDA QAADKA AH Mudduc iyo maddaacalay, Muran iyo isweydiin Maya iyo adaa yidhi, Gar munaasabkii iyo Madashiiba seegtoo, Madaxiyo minjaha iyo Isla-dhaaftay maankii, Adigaa macneeyoo Marinkeeda joojee, Mijintayda quruxooy Maxaan kugu masaalaa, Ma middii la ii qoray Illeyn maalin iyo leyl, Adigay mashquushoo Mar waxaan ilaashaa, Soo muuqadkaagoo Midhiq iyo tallaabiyo, Socod maararowiyo Marba koone joog iyo, Ismaroorin qaadiro Anigoo la muhayaad, Dhawr jeer maqnaataa (jaadkiibaa soo dhiciwaayay) Midkaleeto raacdaa, Meel kale la aaddaa (gaadhigii baa nala dhaafay) Misna kaama maarmee, Intaan maalmo dhoolkiyo Masruufkii la ii qoray, Anoon qado ka maarayn Intaan meel ku biirsado, Adi kugu macsuumaa Waxaan maantadaa helo, Marriin kaaga yeelaa. Mijintayda quruxooy, Horta maadba weeyee Meherkaagu badanaa, Ma magtii bacayrbaa Markii aynu kulanniyo, Madashaynu joognaba Waa uun midh kooke ah, Iyo moos sigaariyo Mahadhooyin kale oo, Lagu maararooboo Naftu ay markaasuun, Muhatoo u-tara khayr Ku masuugimaayee, Horta waxan u ahay marag Maskaxdaad safaysaa, Ninka meheraddaadiyo Macnahaaga badiyaa, Markuu kugu murqaamuu Kolba maayad riixaa, Mayay soo dhoweeyaa Intuu mooso gacamada, Webi mala-awaaliyo Mawjado is-dhaafiyo, Badda kala macneeyaa Haddba muudsigaaguu, Marba daan dhaqaajaa Ka ku xiga mar eegaa, Hadal uu mar hore yidhi Midh yaroo kasoo hadhay, Mid kasii kacaayiyo Oday meesha soo galay, Hadba mid u talowshaa.... Markuu laasto miiddana, Hadba macawistiisiyo Bac yar oo murguxanbuu, Markuu dhaafo koonaha Mefreshkuu kasoo kacay, Meeshii xashiishkiyo Masallaha jin geeyaa. Mijintayda quruxooy, Waxan kaaga ahay marag Mucjisaad u tahay hooy, Habar saar marreeyoo Odayada murmaayaad, Hadba kii mar laga helo Iyo kii mid qoonsada, Si aan meeshu 'mee','hooy' Muxuu yidhi u wada noqon, U markhaati tahayoo Dhallintaad masaakiin, Mashaqayste iyo tuug Giddi wada midaysaa, Faraqooda madhisaa..... Mid salaad u jeedaad, Ka mashquulisaayoo Mid dantiisa seegaad, Marmarsiiyo siisaa Mid muraad lahaabaad, Meermeerisaayoo Noloshaba mutuhis iyo, Mugdi baad ku eridaa... Midse iga dardaarana, Mijinyahay lasoo diray Ragga mahadintiisiyo, Waa meel haggaaguye Maryan iyo Saluugliyo, Muxibiyo Sucaadiyo Muna iyo Suheeriyo, Midhihii jacaylkaad Milic kulul ku noqotoo, Raggay maal ka sugayeen Ama midho kalgacaliyo, Meher ula hawoodeen Ayuun baa ku magansaday, Waxse igu maqaalo ah Mijintayda quruxooy, Malaa adiga aakhiro Midab-roga cadaabtaa, Mefresh lagu barjeeyiyo Maqsin kaaga qoranyahay, Muran kalena kuu dheer. C.C. CIGE Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 2, 2007 loooooooooooooool ,,, walee si fiican buu u dhigdhigay kaasi. Yaa qayilay Share this post Link to post Share on other sites