Sign in to follow this  
nuune

Maansadii mijinta qaadka aheyd

Recommended Posts

nuune   

MIJINTAYDA QAADKA AH

 

Mudduc iyo maddaacalay, Muran iyo isweydiin

Maya iyo adaa yidhi, Gar munaasabkii iyo

Madashiiba seegtoo, Madaxiyo minjaha iyo

Isla-dhaaftay maankii, Adigaa macneeyoo

Marinkeeda joojee, Mijintayda quruxooy

Maxaan kugu masaalaa, Ma middii la ii qoray

Illeyn maalin iyo leyl, Adigay mashquushoo

Mar waxaan ilaashaa, Soo muuqadkaagoo

Midhiq iyo tallaabiyo, Socod maararowiyo

Marba koone joog iyo, Ismaroorin qaadiro

Anigoo la muhayaad, Dhawr jeer maqnaataa (jaadkiibaa soo dhiciwaayay)

Midkaleeto raacdaa, Meel kale la aaddaa (gaadhigii baa nala dhaafay)

 

Misna kaama maarmee, Intaan maalmo dhoolkiyo

Masruufkii la ii qoray, Anoon qado ka maarayn

Intaan meel ku biirsado, Adi kugu macsuumaa

Waxaan maantadaa helo, Marriin kaaga yeelaa.

 

Mijintayda quruxooy, Horta maadba weeyee

Meherkaagu badanaa, Ma magtii bacayrbaa

Markii aynu kulanniyo, Madashaynu joognaba

Waa uun midh kooke ah, Iyo moos sigaariyo

Mahadhooyin kale oo, Lagu maararooboo

Naftu ay markaasuun, Muhatoo u-tara khayr

 

Ku masuugimaayee, Horta waxan u ahay marag

Maskaxdaad safaysaa, Ninka meheraddaadiyo

Macnahaaga badiyaa, Markuu kugu murqaamuu

Kolba maayad riixaa, Mayay soo dhoweeyaa

Intuu mooso gacamada, Webi mala-awaaliyo

Mawjado is-dhaafiyo, Badda kala macneeyaa

Haddba muudsigaaguu, Marba daan dhaqaajaa

Ka ku xiga mar eegaa, Hadal uu mar hore yidhi

Midh yaroo kasoo hadhay, Mid kasii kacaayiyo

Oday meesha soo galay, Hadba mid u talowshaa....

 

Markuu laasto miiddana, Hadba macawistiisiyo

Bac yar oo murguxanbuu, Markuu dhaafo koonaha

Mefreshkuu kasoo kacay, Meeshii xashiishkiyo

Masallaha jin geeyaa.

 

Mijintayda quruxooy, Waxan kaaga ahay marag

Mucjisaad u tahay hooy, Habar saar marreeyoo

Odayada murmaayaad, Hadba kii mar laga helo

Iyo kii mid qoonsada, Si aan meeshu 'mee','hooy'

Muxuu yidhi u wada noqon, U markhaati tahayoo

Dhallintaad masaakiin, Mashaqayste iyo tuug

Giddi wada midaysaa, Faraqooda madhisaa.....

 

Mid salaad u jeedaad, Ka mashquulisaayoo

Mid dantiisa seegaad, Marmarsiiyo siisaa

Mid muraad lahaabaad, Meermeerisaayoo

Noloshaba mutuhis iyo, Mugdi baad ku eridaa...

 

Midse iga dardaarana, Mijinyahay lasoo diray

Ragga mahadintiisiyo, Waa meel haggaaguye

Maryan iyo Saluugliyo, Muxibiyo Sucaadiyo

Muna iyo Suheeriyo, Midhihii jacaylkaad

Milic kulul ku noqotoo, Raggay maal ka sugayeen

Ama midho kalgacaliyo, Meher ula hawoodeen

Ayuun baa ku magansaday, Waxse igu maqaalo ah

Mijintayda quruxooy, Malaa adiga aakhiro

Midab-roga cadaabtaa, Mefresh lagu barjeeyiyo

Maqsin kaaga qoranyahay, Muran kalena kuu dheer.

 

 

C.C. CIGE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this