Sign in to follow this  
Paragon

-- Qabri geliya

Recommended Posts

Paragon   

Qoomamooyin badanoo

Qiiriyo qaracanloo

Naftu qaadan weydoo

La qiyaasi karinoo

Qalbigeyga saaqdaan

Qabri geliya leeyahay

 

Qoys hodan ninkii ihi

Qaanqaadhey ubadkii

Lihi qaran wanaagsani

Oon la quursan abidkii

Oo maal ka qani ahi

Qofki qolo ka doorbiday

Wuxu qumani moodaan

Qabri geliga leeyahay

 

Qaadirkii Illaaheen

Noo qaybshay calafkee

Nafna aan qatani dhigin

Quraankiisa qaaliga

Ninkii qolo u qaadacay

Wuxu qumani moodaan

Qabri geliya leeyahay

 

-By Anonymous

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
Paragon, Cammuu subag yaroo macaan ayaad soo bandhigtey, Allaylahay Qabri geliya leeyahay, Maashaa Allaah, illeen abwaan dhuumanayey ayaad aheyd, waa lagu helay waxaad dudun gashaba, adigaa Kullan iyo Sarrif is keenay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Nuune, thanks brother. That is something I wrote while on the tube earlier that day :D . Experimental actually. Insha-Allaahu, waxaan isku deyi inaan bal uruuriyo my amateur pieces :D .

 

Sxb, adiga iyo xiin iyo laba-xiniinyood bal waxaad qarineysaan soo tubo 'gubbada' :D .

 

PS: Looool@Sarrif. How about Biya-madow? Nuune sxb, are you by anychance or remotely from there? smile.gif Would love to know...how many times ayaan arkey iyadoo casar-gaab gaari ka-baydh (gacanle) la rarayo oo derisku leeyihiin waxaan u safar u nahay 'Kaakacaay' , xagga iyo lo'dii irkaanka ahayd iyo wiilashii rimeyda la jirey :D

 

Kullan waa raamo geela u fiican sxb qayb tinbuuxna wey leedahay. The perfect place to settle. My old class-make has been made the Chief of Kullan :D . And his brother Dhamaajaaleey. Do you remember Dhamaajaaleey? If your memories stretches back, how about Raamo-Guddaa, Allan-go-arbaa iyo Daad-Showr? Bisiqleeyna? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Paragon, sxb, dhulka aad sheegtay oo dhan aad baan u aqaanaa qaarkoodna waan arkey oo saffar gaaban baan ku tagey mar aan Kitanbulusha soo sameesanayey, illen anigu dadkii dagaaladii sokkeeye ka soo qaxey baan ahaayee illaa Xamar, deegaan ahaan dhulkan reeraheena ayaa dago, Lagdheer, Sarrif, Biya Madoow, Kullan, Dhamaajaaleey etc, Balcad iyo Xamar nin ku soo barbaarey muxuu Bannaanneey iyo Biya Madoow ka garan, waa anigee smile.gif

 

Kullan waa un soo mari jirey oo safarka markaan nahey baan ku nasan jirney, ee aad uma aqaano magaalada, nin adeerkey ah oo magaciisa waad maqashey dhulkaas caan buu ka yahay waxaa la yiraahdaa Qaaqle waa reer Afgaab ah, ayaa daggan Kullan markii iigu danbeesay, Qaaqlaha waa mid jinni ah maalin buu intuu i kaxeeyey ayuu baadiyaha i geeyey caana geel oo markaas la lisey siduu iigu wadey ayaan anigii dhannaa tuubooyinka dhuumaha saliida butaaciya noqdey subaxdiiba waan kasoo cararey :D igama uusan harinee todobaad baad joogi buu iyiri, anoo waxaan soo noqdey caloosheydu ay tahay mataramakis smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this