Paragon Posted February 15, 2007 Ooggii horay nagu keceen Naagyahay awow iyo awow iyo abkaan sheegto Iyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede Aqdaan buu lahaan jirey raggaan ka isirraa waaye Ol'olaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane Maruun baan umaamaday waxaan aabbahay faline Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye Albaabki Burcaan tegay anoo aaladii sida e Amminkiiba lay yimid sidii eegi lay yahaye Ooggii horay nagu kaceen adhi dillaalkiiye Dar imaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye Amankaagay goortay wankii araxda tuujeene Intaa weeye iyo ma ahadii la is-ilaaqaayey Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye Il maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye Afar bawlad laga gooyey bay igu asluubeene Anigoo arkaayaa gamcaha laygu iibsadaye Adhigaad i weydiinaysaan uun kalow baxaye Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene Ushaa jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene Ascaartaba rag bayga badshee idinku weydiiya This piece, everything I read it, I just can't stop laughing...the imagery and the scence of the trickery is so vividly depicted in Ismaaciil Mire's poem. It can almost be visualised the state in which he was left, while the brokers and dealers huggled over the price of his goats. More to much of his dismay, a living livestock which to him are 'La Cag' with other living livestock, were taken out of his hands and in return he was given a change of money [read: bawlad or half a shilling). This is a man whose share in wealth mostly came with the camel rustling his clan's warriors conducted on other clans and to find a market which is suppossedly 'peacefully' becoming the state of swindling was to much of his distaste! I am sure there is more information can be derived from this poem but I will leave to the rest Odeyaasha in Doodwanaag section to explore it and share it with us. Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 15, 2007 ^^LOL! Ar odoga waa dhaceen! Reer Burcaa loo haystaa mashaqadaas. Thanks Paragon, a very entertaining poem indeed. Bal aan Sharmaarke dhowrno...isagaa bahasha noogu badshaye'e! Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted February 15, 2007 ^^ LOL. Waxaan aad uga hela ninka jabtiisa qirta ee runta iska sheega-yiraahdana wallee rag bey helay oo hilfaha ii laabey! Ismaaciil Mire iyo Sayidkuba markuu jirriif iyo jab soo gaaro waa iska sheegaan . Very comical and entertaining lol. Sharmarke, adigaan kaa war sugeynaa sxb Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted February 16, 2007 Originally posted by Paragon: ^^ LOL. Waxaan aad uga hela ninka jabtiisa qirta ee runta iska sheega-yiraahdana wallee rag bey helay oo hilfaha ii laabey! Ismaaciil Mire iyo Sayidkuba markuu jirriif iyo jab soo gaaro waa iska sheegaan . Very comical and entertaining lol. Sharmarke, adigaan kaa war sugeynaa sxb Salaan sare, Waaryaa Paragon, this is master piece, from a great impressionist ninyow, i never saw this poem of Ismail's before but indeed he was a real bard, a wordsmith on his own right. LOl i liked : Ooggii horay nagu kaceen adhi dillaalkiiye. Waaryaa odayga indho sarcaad bay u dhigeen dilaaliintii burco a non-trasparnet,and shady deals baa ku dhacay, Go'a ay isku dhiibeen. - he should borrow a word from Qamaam Bulxan: Dibnihiina ayuun baan galo waa idudubiseene. I like Ismail mire's peoms like those popluar ones Anakoo taleex naal or Guuglihiiyow Guuglayeeyow hadaad guga u ooyeyso Ood moodo keliga inuu gubayo jiilalku oo ay gocosho awgeed ilmadu kaga gobo layso Gumays ciroobaan ahee war aan ku gaarsiiyo Garta maaha inaad gaar u cabataaye Gidigood adoomaha waxaa gaaray nabar weyne Abar gaag ma reebata dhacday iyo gaadamoo kale Geeli aduunka u adkaa gobolo waydowye Golihi ka kici waa raggi gaydho hayn jiraye Tuulada ayay ilgabdhleenayaan gobol barbaartiiye Ninkii timirta goob dhigi laha jiingaduu galaye Gamaankii ka maray dhoodi galaxyeediiye Gumburigii badh baa joogsaday goroyo cawshiiye Saryankii garbaha weyn laha geed ka kici waaye Wuxuu gooni daaqi habsaday gubadadii hawd'e Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haray'e Gobay iyo askari geyfan ba goodirkii jaray'e Kama guuxo aar goonlihii geliga toomood'e Shabeelki gabraar lagu idlee giiro layn jiray'e Hargihiisa nimankii gataa guuddarraw siday'e Gaadiikii la dhaansanahayiyo giindhaygii maray'e Ahminkii lagawricjirayo gaabay adhigiiy'e Basaaasba timihii uga go'een gaaridii dumar'e Galowgiiyo fiinti naf bay giida la hayaan'e Gorgorkiyo dhurwaagi laftaad galayax moodaaye Ayaxii geygiga joogijiray guuto lagu saary'e Gubinyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada'e Geedaha sun baa loogu daray geerinaw baday'e Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsaday'e Adigabaa lagu gaadayaa waanad garnayn'e Guuxiyo cabaadkiyo hadaad gooha damin waydo Qurumahan wada gayfan baa baalka ka guriy'e Gaagaabso oon aamu yaan gaar la gaa qaban'e in conculsion he showed that the country was losing excitement long time ago and even the wild game is either immigrated to kenya or been killed by those trigger-happy geel jire of that time and now dont mention now all this de-forestration and deadly civil wars, bloody bleak. Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 16, 2007 Ayaxii geygiga joogijiray guuto lagu saary'e Gubinyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada'e Geedaha sun baa loogu daray geerinaw baday'e Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsaday'e Adigabaa lagu gaadayaa waanad garnayn'e Guuxiyo cabaadkiyo hadaad gooha damin waydo Qurumahan wada gayfan baa baalka ka guriy'e Gaagaabso oon aamu yaan gaar la gaa qaban'e! Waxaa gabay ya layiraahdaa! You better be quite kulahaa haddii kale waa lagu qalayaa. Xattaa Ayaxii baa baxsan waayey! Many thanks yaa Sharmaarke! Share this post Link to post Share on other sites