Sign in to follow this  
Paragon

Ismail Mire's 'Oogii horey nagu keceen' :)

Recommended Posts

Paragon   

Ooggii horay nagu keceen

 

Naagyahay awow iyo awow iyo abkaan sheegto

Iyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede

Aqdaan buu lahaan jirey raggaan ka isirraa waaye

Ol'olaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane

Maruun baan umaamaday waxaan aabbahay faline

 

Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye

Albaabki Burcaan tegay anoo aaladii sida e

Amminkiiba lay yimid sidii eegi lay yahaye

Ooggii horay nagu kaceen adhi dillaalkiiye

 

Dar imaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye

Amankaagay goortay wankii araxda tuujeene

Intaa weeye iyo ma ahadii la is-ilaaqaayey

Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye

Il maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye :D

 

Afar bawlad laga gooyey bay igu asluubeene

Anigoo arkaayaa gamcaha laygu iibsadaye

Adhigaad i weydiinaysaan uun kalow baxaye

Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene

Ushaa jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene

Ascaartaba rag bayga badshee idinku weydiiya

 

This piece, everything I read it, I just can't stop laughing...the imagery and the scence of the trickery is so vividly depicted in Ismaaciil Mire's poem. It can almost be visualised the state in which he was left, while the brokers and dealers huggled over the price of his goats.

 

More to much of his dismay, a living livestock which to him are 'La Cag' with other living livestock, were taken out of his hands and in return he was given a change of money [read: bawlad or half a shilling). This is a man whose share in wealth mostly came with the camel rustling his clan's warriors conducted on other clans and to find a market which is suppossedly 'peacefully' becoming the state of swindling was to much of his distaste!

 

I am sure there is more information can be derived from this poem but I will leave to the rest Odeyaasha in Doodwanaag section to explore it and share it with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL! Ar odoga waa dhaceen! Reer Burcaa loo haystaa mashaqadaas.

 

Thanks Paragon, a very entertaining poem indeed.

 

Bal aan Sharmaarke dhowrno...isagaa bahasha noogu badshaye'e!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ LOL. Waxaan aad uga hela ninka jabtiisa qirta ee runta iska sheega-yiraahdana wallee rag bey helay oo hilfaha ii laabey! Ismaaciil Mire iyo Sayidkuba markuu jirriif iyo jab soo gaaro waa iska sheegaan :D . Very comical and entertaining lol.

 

Sharmarke, adigaan kaa war sugeynaa sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^^ LOL. Waxaan aad uga hela ninka jabtiisa qirta ee runta iska sheega-yiraahdana wallee rag bey helay oo hilfaha ii laabey! Ismaaciil Mire iyo Sayidkuba markuu jirriif iyo jab soo gaaro waa iska sheegaan
:D
. Very comical and entertaining lol.

 

Sharmarke, adigaan kaa war sugeynaa sxb

Salaan sare,

 

Waaryaa Paragon, this is master piece, from a great impressionist ninyow, i never saw this poem of Ismail's before but indeed he was a real bard, a wordsmith on his own right.

 

LOl :D i liked : Ooggii horay nagu kaceen adhi dillaalkiiye.

 

Waaryaa odayga indho sarcaad bay u dhigeen dilaaliintii burco smile.gif a non-trasparnet,and shady deals baa ku dhacay, Go'a ay isku dhiibeen.

 

- he should borrow a word from Qamaam Bulxan:

Dibnihiina ayuun baan galo waa idudubiseene.

 

I like Ismail mire's peoms like those popluar ones Anakoo taleex naal or Guuglihiiyow

 

Guuglayeeyow hadaad guga u ooyeyso

Ood moodo keliga inuu gubayo jiilalku

oo ay gocosho awgeed ilmadu kaga gobo layso

Gumays ciroobaan ahee war aan ku gaarsiiyo

Garta maaha inaad gaar u cabataaye

Gidigood adoomaha waxaa gaaray nabar weyne

Abar gaag ma reebata dhacday iyo gaadamoo kale

Geeli aduunka u adkaa gobolo waydowye

Golihi ka kici waa raggi gaydho hayn jiraye

Tuulada ayay ilgabdhleenayaan gobol barbaartiiye

Ninkii timirta goob dhigi laha jiingaduu galaye

Gamaankii ka maray dhoodi galaxyeediiye

Gumburigii badh baa joogsaday goroyo cawshiiye

Saryankii garbaha weyn laha geed ka kici waaye

Wuxuu gooni daaqi habsaday gubadadii hawd'e

Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haray'e

Gobay iyo askari geyfan ba goodirkii jaray'e

Kama guuxo aar goonlihii geliga toomood'e

Shabeelki gabraar lagu idlee giiro layn jiray'e

Hargihiisa nimankii gataa guuddarraw siday'e

Gaadiikii la dhaansanahayiyo giindhaygii maray'e

Ahminkii lagawricjirayo gaabay adhigiiy'e

Basaaasba timihii uga go'een gaaridii dumar'e

Galowgiiyo fiinti naf bay giida la hayaan'e

Gorgorkiyo dhurwaagi laftaad galayax moodaaye

Ayaxii geygiga joogijiray guuto lagu saary'e

Gubinyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada'e

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw baday'e

Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsaday'e

Adigabaa lagu gaadayaa waanad garnayn'e

Guuxiyo cabaadkiyo hadaad gooha damin waydo

Qurumahan wada gayfan baa baalka ka guriy'e

Gaagaabso oon aamu yaan gaar la gaa qaban'e

 

in conculsion he showed that the country was losing excitement long time ago and even the wild game is either immigrated to kenya or been killed by those trigger-happy geel jire of that time and now dont mention now all this de-forestration and deadly civil wars, bloody bleak.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayaxii geygiga joogijiray guuto lagu saary'e

Gubinyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada'e

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw baday'e

Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsaday'e

Adigabaa lagu gaadayaa waanad garnayn'e

Guuxiyo cabaadkiyo hadaad gooha damin waydo

Qurumahan wada gayfan baa baalka ka guriy'e

Gaagaabso oon aamu yaan gaar la gaa qaban'e!

 

Waxaa gabay ya layiraahdaa! You better be quite kulahaa haddii kale waa lagu qalayaa.

 

Xattaa Ayaxii baa baxsan waayey!

 

Many thanks yaa Sharmaarke!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this