Laba-X Posted January 30, 2007 Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele lix iyo toban halaan soo cayimay caynka ka higaadsha;- weel caanihii laga dhamee canuggu heemaarshay oo ciida loo dhigay afkii laga casheynaayey oo dhayi caaddaa ka tahay waaa cajabe sheega? Ceesaamo kuu dhalahayaan dhiilo loo culannin oo naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega? cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyay oo aadan cimrigii daawanayn waa cajabe sheega? ceel buuxa aan laga cabayn cidina kuu diidin oo maaxi caadaa ka tahay calowna keenaaya oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega? calaf aan laguu qorin asaad cunni aroor noolba aan caato iyo gaajo bi'in cawro waysaga e oo aanad cayaar uga dhergayn waa cajabe sheega cad baruur leh caysh iyo bariis caawa lagu siiyay aad caafimaad iyo kalgacal calalisoo laysay oo aadan caweysimi karayn waa cajabe sheega? caal weyn lo'aad iyo libaax,caranayoo jooga oo xero ciriiriya ku jira caabuqna isyeelin aan xoola looga cabsanayn waa cajabe sheega? waxaad cunni asaan eebahay kaaga calaf yeelin oo aadan cayaar kaga dhergayn waa cajabe sheega cir onkaday hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa oo rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega waxaan caradhuubyadu dhex marin calalna jeexaaya aan ciiska waran lagu karayn waa cajabe sheega? caqiido naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha aadan cadaab kaga baqayn waa cajabe sheega????? caday waxaad ku laysiyo ulaad caro u soo tuurtay oo aadan dad kaga ciil baxayn waa cajabe sheega? cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga in kastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega? waxaan caga lahayn oo kacayn sida curyaan naafo oo samada hoos kaga calaqan waa cajabe sheega? Share this post Link to post Share on other sites