Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Magacyada, naaneysyada, meelaha...

Recommended Posts

Salaan...

 

Dad badan ayaa aad ugu wareero magacyada, naaneysyada, meelaha iyo wixii lamid ah marka magac ahaan loo qoro. Qaarkood waa isku dhajiyaan, qaarkood xariijin yar oo "dash" ah u dhaxeysiyo, qaarkood laba erey ka kala dhigo, qofba si la saxsan ayuu u qaataa.

 

Inkastoo Afsoomaaliga qoraal ahaan uuna lahayn qaanuun lagu raaco oo degsan, hadana hab ayaa jirto la isku raacay. Intaas sano aan aqrinaaye qoraallo Soomaaliyeed, mid qoray aqoonyahay iyo mid iska jacburis qoro, wax badan ayee iska raacsanyihiin. Inkastoo isku raacaan "consensus" ahayn, hadana hal dhan ayee u badan yihiin dadka qoraallada qoro.

 

Sidaas daraadeed waan isku dayaa, habka ugu saxsan ama ugu macquulsan markee ku saabsan tahay magacyada, naaneysyada, meelaha mise waxee afka shisheeye lagu yiraahdo "nouns" oo aanan afkeena hodanka ah ku jirin.

 

"Nouns" ama magacyada, naaneysyada iyo meelaha dhowr ayee u kala baxaan markii qoraal ahaan loo qoraayo.

 

Waa mida koowaad aan ku bilaabo kuwa israaco, ama la isku qabadsiiyo:

 

Magaca markuu naaneys yahay oo laba erey Soomaali yihiin ka kooban tahay, laba erey waala is raacsiyaa, sida "abtidoon, caydiid, wiilwaal, dhagdheer, barwaaqo iyo wixii lamid ah.

 

Haduu ka badan yahay xataa laba erey la isku dhajiyo waala isku dhajiyaa. Mar ayaan ka maqlay Beenbeensii [bBC] wariyahooda u fadhiyo Jubbooyinka oo magac yaab leh lahaa, hadaan xasuusto aan u maleeyo Bashka Jugsoodhacay oo ka kooban sadex erey magaciisa dambe jug/soo/dhacay. Maalin dhawayd Shabeelle ayaan ka aqriye nin la yiraahdo Kabakutukade. [Kaba/ku/tukade]. Sida qaanuunka laba erey, iyagana waala isku qabtaa hadee sadex iyo afar yihiin xataa.

 

Laakiin markuu magac rasmi yahay ama uu "title" rasmi yahay oo qofka lee yahay oo uu raaco naaneys hal erey, markaas qaanuunka ayaa is badalo oo la iskuma qabto. Tusaale hadduu magaca yahay Xasan Dheere, Ugaas Raage, Axmed Geedi, Cabdi Yare iyo iwm [iyo wixii lamid ah].

 

Midaas koowaad oo naaneysyada ah waxaa la wadaago meelaha, oo kamid ah gobollada, magaalooyinka, tuullooyinka, buullooyinka, sida buuleburde, ceelbarde, dhagaxbuur, buurhakabo xamarweyne, warsheekh, gelinsoor diinsoor, maansoor, togdheer iyo meelahii lamid ah. Marka kaliya aan la isku qaban waa markee meesha soo gisho bartilmaameed oo afar kala ah: Waqooyi, Koonfur, Bari iyo Galbeed. La iskuma qabto markaas ereyada oo waala kala bixiyaa, tusaale ahaan Koonfur Afrika, Bariga Dhexe, Waqooyiga Sare iyo Galbeedka Hoose.

 

[shabeellada iyo Jubbooyinka oo aan ku jirin bartilmaameed meel direction sheegaayo inkastoo la kala bixiyo in la isku dhajiyo ayaa ka wanaagsan hadii qaanuunka la raacaayo, tusaale ahaan Jubbada Hoose waa inay noqotaa Jubbadahoose, Shabeellada Dhexe waa in iyadana laga dhigaa Shabeelladadhexe.]

 

Mid sadexdaas ee Soomaalida ku wareersanyahiin markee qoraalka imaato ayaa ah goorta la isku qabto ereyada aan magac weyn ahayn, laakiin walina ah "noun." Yacni waa "minor nouns" oo xarafka ka bilowdo "capital" laga dhigeynin.

 

Tusaale qof gaal dilo, qofkaas waxaa loogu wici karaa gaaldile, inkastoo uu magac rasmi ah u ahayn. Laakiin hadii qoraal ahaan tahay, oo "minor noun" ahayn ereyga laba erey uu u kala baxaa, iyagoo kala sidooda gaal dile maadaama qoraal ahaan loo isticmaalaayo hada. [Tusaale: "Adiga iyo gaaldilnimo goormaa kala hareysiin." Iyo tusaalaha labaad: Ninbaa gaal dili jiray.]

 

Midaan lagu wareersanyahay waxaa wehliyo ereyo kale oo yaryar oo ah "prefix/suffix," sida yahay/yihiin/tahay/tihiin ama ba ama nimo ama ta[a] ama kaa ama san ama sa-de ama waa ama ka ama ku iyo baando kale aad u badan. Ereyadaan dhamaantood ereyga kale ee raacaan ayaa lagu qabtaa, kumo xirno hadee yihiin magac, naaneys, meel, "minor" iyo "major" midee ahaato.

 

Tusaale ahaan aan ka bilaawa qeybta "yahay/yihiin/tahay/tihiin."

 

Waayahay, weeyihiin, yaatihiin, waatahay.

 

Ereyga "wareersanyahay" oo aan soo isticmaalay naftirkiisa laba erey "minor suffix" ah oo siyaado ayaa ku jirto, kuwaas oo kala ah "san" iyo "yahay."

 

Kuwa kalena liiskaas ku jiro, sida "nimo, san, ba, ta..." waa sidaas oo camal, lagu wada kabaa. Sida "midnimo/qaranimo/dalnimo..." ama "ilsan, dalsan, warsan..." ama "hadaba, intaba, xagaasba..." ama "xarfaanta, gabarta, yariista..." [ba [ama ka mar mar soo gisho] badanaa wuxuu raacaa ereyada "musculine meaning" leh, halka ta ay tahay kasoo horjeedkiis taas oo ah "feminine connotation."

 

Mid afaraad ayaa jirto, waana tan ku saabsan ereyga af. Af markuu yahay "noun" ama magacyo waa lagu dhajiyaa ereyga soo raaco, sida Afmadoow, Afmaxaatiri, Afsoomaali, Afgooye, Afmaay iyo wixii lamid ah. Laakiin markuu qoraal ahaan oo caadi yahay, laguma dhajiyo, sida "af waakoow meey liki aamee."

 

Dad badan ayaa isticmaalo xariijinta afka shisheeye lagu yiraahdo "dash" [-] markee ku wareeraan laba erey isku dhajintooda. "Dash" Afsoomaali maku jiro, oo aabaayaansheena qorida soo dajiyeyna ka reebay, maadaama xariijinta kamidtahay wax lagu wareeraayo. [Dadka soo dajiye qoraal qoriska Afsoomaaliga ayaa ka reebay wax alaale wixii lagu jahwareeraayo, haka mid ahaadee xariijinta dash.]

 

Waa ogahay in uu magaca aan inta ku joogo "dash" ku jiro, waa inaa qaataa waananeyda oo waa inaa badalaa markaas. :D

 

Qofkii talo, su'aal, soo jeedin iyo wixii lamid ah qabo haku darsado. Meesha waa furantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Capitalization" waxaa la dhahaa xarafweyne mise ereyweyne. Anigaa iska aliftay hadaba. :D Ereyada badankooda Soomaalida waa ka buuxaan si loo alifo ereyo cusubna waa sahlan yihiin.

 

Sida loo dhiso "sentenceyada" [sentence kuma aqaani naftirkeey Afsoomaaliga] waxaa kasoo deensanay haddaa Soomaali nahnay afka Ingiriiska, saa aniga filaayo.

 

Marka badanaa nidaamka Afingiriiska u degsan ayaa u qornaa, oo wixii magac ah waala ereyweyneyaa, wixii "title" ah sidaaso oo kale, wixii meel degsan lagu magacaabo [sida magaalo, gobol, iwm] iyagana waala xarafweyneyaa. Afafka Jarmalka iyo Faransiiska waaka duwan yihiin Ingiriiska hadaa fiirisid wax la xarafweyneeyo, oo siiba luuqadda Jarmalka "capitalizes all known nouns," Faransiiskana ereyweyneynta ayaa ku yar.

 

Laakiin adiga soo sharax waxaa ka wadid su'aashaada maadaama ee su'aal guud ahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Abaadir, ninkan MMA caadi ma ahan, ayaamahan ayaan ka yaabey sababtoo ah lahjad hargeysaawi ayuu soo qorayey, yaab ani!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this