RedSea Posted August 22, 2006 assalamu calaykum, waxaan aad iyo aad uga helaa ama aan ku farax san ahay in aan ka dhashay beesha Somaliyeed ee Ilaahay ku maneeyey ama ugu deeqay wax cid lasiiyo tan ugu qaalisan oo ah diinta Islaamka ah. Waxaan aad aan sidoo kale ku faanaa in aan ka dhashay umad aad utaqaan oo Ilaahay ku manaystay xigmada gabayga. Sidaad darteed ayaan hadana waxaan layaabay sida yar ee ay gabayahanada Somaliyeed uga gaabsadeen in ay xigmada Gabaygee Allah baray in ay Ilaahay iyo diintooda ay ku amaanaan oo ay u adeegsadaan sidii xiligii Carabtii hore ee xiligii nabiga jirtay oo kale. Waayo gabaygu waa shay aad u awoodwayn oo qaadi kara risaalad culus. Sidaad darteed markaad u fiirsato gabayada somaliyeed badi waxay ubadan yihiin wax qabiil ku faana, wax jecaly ka hadla, wax dhulka iyo nabaadkiisa amaanaya. Macnihii maxuma oo way fiicantay, laakin way fiicnaan lahayd hadii oo kor ayuu usoo kici lahaa gabayada somalidu haday ka shaqayn lahaayeen wax yaabo wanaagsan sida nabi amaanka, diinteena oo lagu daafaco, Allah oo lagu ixtiraamo awoodiisa. Tusaale Ahaan, waxaa gabaygan iska leh Allah ha unaxariistee Abwaankeenii Abdullahi Suldaan "Timacadde", waana gabay uu Ilaahay iyo Anbiyada uu ku sheegayo. Gabaygan waxaa layidhaahdaa 'Casiisow'. Bal hada eega haybada gabaygan iyo macluumaadka ku jira. Casiisow Ilaahi cirka taagayee Dayaxa iyo cadceeddiyop Xiddigaa ku cigaalayow ! Ilaahi caadil ahaaye Dhulka caynkan u daadshaye Ku culaysiyey buurta e Isagoon cidi joogin Casiiskii Nebi Aadan Ka buuray cammuudda e Cidhifkaa bidixdiisa Intuu caaro ka jeebay Cadkii Xaawa ka yeelayow Ilaahi Caadil ahaaye Ciyaarsiiyay buxuurta e Ceejiyee ama siiyayow Ilaahii caadil ahaaye Casiiskii Nebi Luud Kuwii caasi gareeyay Amaba ceebta yiqiinnay Habeen cawda u gooyayow Ilaahii caadil ahaaye Casiiskiisii Suleymaan Dabayshuu carbiyayow Ilaahii Nebi Ciise Cilmigiisa ku qaadaye Cashaduu iman doonana Cawar seef ugu dhiibayow Ilaahi caadil ahaaye Casiiskii Ayuub Cudurkii uu ku raajay Marki uu caban waayey Caafimaad ugu doorshay Curuuqddiisii dhammaatiyo Raxmaddii ku dul caastay Cimrigoodi yareeyaye Cusbeysiiyey Jidhkooda E Caruusiinta ka yeelayow Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted August 31, 2006 Waxaa jira gabay aan aad uga helo oo uu Sayid Maxamed tiriyey. waxaan ka xasuustaa: musuqmaasuq soomali waa meheradeediiye. Hadba Midab hor ley kuula iman maalin iyo leyle Malah malahda iyo baanahaa mawdku ka adeegi Masala gaab wadaad ihi wuxuu macabiyaystaaba Madiidaan aqrinayaa wuxuu malab ku daaqaaba goortii muftiga loo tagaa mawdku ka adeegi Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted August 31, 2006 Dhibaatada maanta soomaliya ka taagana Raage Ugaas baa bari hore ka hadley. ma dhamayn karo gabayga ee wuxuu yiri. -Qab qab dhaafay baa laba qabiil, qaran ku waydaaye -Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye -Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine -Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene -Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo! Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted September 11, 2006 Originally posted by Mr. Red Sea: [QB] assalamu calaykum, waxaan aad iyo aad uga helaa ama aan ku farax san ahay in aan ka dhashay beesha Somaliyeed ee Ilaahay ku maneeyey ama ugu deeqay wax cid lasiiyo tan ugu qaalisan oo ah diinta Islaamka ah. Waxaan aad aan sidoo kale ku faanaa in aan ka dhashay umad aad utaqaan oo Ilaahay ku manaystay xigmada gabayga. Sidaad darteed ayaan hadana waxaan layaabay sida yar ee ay gabayahanada Somaliyeed uga gaabsadeen in ay xigmada Gabaygee Allah baray in ay Ilaahay iyo diintooda ay ku amaanaan oo ay u adeegsadaan sidii xiligii Carabtii hore ee xiligii nabiga jirtay oo kale. Waayo gabaygu waa shay aad u awoodwayn oo qaadi kara risaalad culus. Sidaad darteed markaad u fiirsato gabayada somaliyeed badi waxay ubadan yihiin wax qabiil ku faana, wax jecaly ka hadla, wax dhulka iyo nabaadkiisa amaanaya. Macnihii maxuma oo way fiicantay, laakin way fiicnaan lahayd hadii oo kor ayuu usoo kici lahaa gabayada somalidu haday ka shaqayn lahaayeen wax yaabo wanaagsan sida nabi amaanka, diinteena oo lagu daafaco, Allah oo lagu ixtiraamo awoodiisa. Mr.Redsea, Way jiraan Gabayada aad sheegtay laakinse, aqoonta gabayada ayaa aad innogu yar, This is Mohmaed Nur(not Mohamed Nur Fadal of Kenya) he emphasised the importance of Qadarka Ilaahay and destiny, though i think he dont have that kinda of knowledge like muslim imams but he understood well Al Qada - Wal Qadar, He said: Nin Labaatan Wiil Dhalay iyo nimaan aan weli lamaanaanin Lix dan nin ay u foofto iyo ninmaan weli layli raranaynin Kol hadaanu nin laasanahayn waxa u laacaaya Maxaan kaga lul moodaa aduun luma weeyaane. Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted September 11, 2006 ^^ This too Deero-Gaad, a poet from Hargeisa, emphsised in Adaab and akhlaaq of islam, Dadka waa la eega ninkii darjo kaa liita Waa la soo duceeyaa af-xumo looma soo diro Gooodness indeed and always is the best way foward while bad-mouthing is not the best option. Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted September 12, 2006 waad mahadsantay Mr. Sharmarke, Laakin somalidu waxaan umalayn in ay aad u hayaan gabayada badidood, ee waxa uun weeye, in ay Somalidu gabayadooda, Heesahooda in ay u badan yihiin Jaceel oo aanay diin ubadnayn, waa taa suashaydu. Share this post Link to post Share on other sites
Xhevahire Posted January 15, 2007 Mr. Bad Gaduudoow, waa ka cabsadey! intaas oo gabey, raadintooda meeqo sano ey ka qaadatey? Ani horta kii gabey ahaa saas isaguma fiicni, as a matter of fact... jinigeyga aaba neceb. Kaaley sheeg waxii igu direy!....lakiin habeen dhaxdaas aan halkoo gabey oo dardaaran/calaacal ah aan meel inta ah ka heley. Bal indhaha isaga nuurso adiga iyo baandadaada. Gabeygaan waxaa qorey odeygoo Yusuf Bare la dhahi jirey, oo lafahii hore ahaa. Adi calaakulixaal, waxuu u ekaa nin wax badan lasoo gubey, oo soo gamaarey.Iska fiiri lee wadaayoow, adaa wax arki doonee. lolz... Guur Aan Ka La'aado Gurey iyo Darooroow arrini weygu gabileeye Wax I galayba waanuun galgalan gu' iyo jiilaale Garana weyde meeshaan qalbiga ugu gufaacoone Galmi dhabadka waxa iigu wacan hal igu gaaraaye Guddigayga caawaba maqloo galiya laabtiina Oo wada guntada xaajadaa odaygu soo guurshay Gaargaarka waa lagu lumaa gole ka fuulkaase Ha guddoonsan waatii caqligu gaarka ku ahaaye Guri bila ninkii doonayee nacaya goonbaarta Ee guur u jeedoow I maqal waan ku garansiine Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne Bidhaan gabi ka laadlaada waa lagu gulaalmaaye Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel uun baa go'ane Gaboodlayda gaashadu ku taal labada goonyoodba Ee maradu gayn-gaynman tahay guur aan ka laaado Gambadh lagu fariistiyo midaan gaadha fidinaynin Ganuunka iyo xeedhada midaan goor Allaba dhiibin Gar caddaayadii reer tolkay taan u gogol haynin Een geedka laga naadin hayn guur aan ka laaado Gaar gaarka awrtiyo nirgaha geela laga reebay Guri jooga xoolaha midaan goosanka u diidin Een garanin soo dheellan ee guriga uun joogta Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka laaado Allow garawo giirkiyo afkiyo ganafka taagaysa Oo qoolka uun kula galdii magac waxay gaadho Gandihii miduu wada nacee gacal ka fiigaysa Gool boodadii laga samree gooysay ubadkeeda Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka laaado Geediga hayaanka ah midaan gaadhin waligeedba Ee gabanta loo sido sidii goodir noo curatay Waa geeri naagtaan ratiga kuu gadh qabanayne Reerkoo gawaan degey dadkoo gibiladii waabtay Anoo galancalciyo oon la tuban furayna gaadiidka Geedaha haddii lala dhex galo gudimo oodeedka Galoon badhax ah uma dhaamin karo geedatadan jaanee Guul iyo cidlay igu wadaa goox aan yuururo'e Gosha laga cabsoodiyo xidhkay gooshu ka adeegi Gaadiyo intay bahal isiin lahayd guur aan ka laaado Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo Ee socodka uma gaatisee gininif laynaysa Ee guro ma laacdee ratiga juu ku ganac goysa Janbadh gibin ah een golos lahayn guur aan ka laaado Carmalkii hortay guursatee geedo soo shidatay Ee iga gu' wayn oo taqaan gaadmo iyo dhuudmo waxay gogosha ii saxartirtoo ilaxir goysaaba Dhawr habayn markii lala golyee gaax lakala maalo Gadaal bay la soo bixi dabarro horay ugu gaaraaye Intay galab I aynabi lahayd guur aan ka laaado Midaan cawska soo guran aqoon garab ku boodhlayda Galgalin jiifta bacadka uun galgalan gu iyo jiilaalba Ee golaha qoyskiyo minkuba leexadu is gooysay Ee giiryar baa cunay I odhan guur aan ka la'aado Galbashada dharaartii midaan gaadhka iga haynin Een garanin goortiyo wakhtiga anan gafayn reerka Een guurahaygii mulshiyin aar gudaan ahaye Anoo lugo gorgoray taagnidii gogosha oo laaban Intaan ciil la gow odhan gaada iga haysa Amaan goor xun day dayan lahaa guur aan ka laaado Maradaan u gaday khaylidaan gugakan soo iibshay Garbasaar haddaan ugu dariyo boqoro giirgiiran Gol ma xidhato ganaca uun banayn guur aan ka laaado Galoolkiyo cawskiyo badhkood guno ka goostaane Garbadhuubantaan laga dayayn gole inay duubto Waxay hooyadeed garab dagtoo la I gargaaraaba Markii aan ka guurana haday baydna garan weydo Gabaad kob aan lahayn kuma gam'ee guur aan ka laaado Dumaal gaban leh gaayaa tufley waa mas geed galaye Hadaan wiilka guul guulo wey igu guhaadoone Waa gool dhashii haysatee guur aan ka laaado Gabdhahoo cayaar tuman ragoo yare dul goocaaca Golostay u jeedeen hadday guluca soo saarto Waxay guuntu boodoo cayaar daba gablaysaaba Goobtii midii lagula hadhay geedka dhiniciisa Gadhaclayda geelada irmaan guur aan ka laaado Gool wayn midii loo qalay iyo ??????? la soo dhoobay Gab haday tidhaahdoo martidu igu dul gowdiido Nin guraar guntii loo dhigay gobi la yaabtaaye Intaan ciil la gow odhan lahaa guur aan ka laaado Talaabada midaan gow ka siin gooray soconayso Oon gola baxayn oon xarago gacanta tuuraynin Oon dumarka gaasirin gidigi guur aan ka la laaado Allow gaaridii loo xishiyo gabadha loo aayo Raaliyo garaad badan midaan iga guhaadaynin Adaan gacanta kuu hoorsadee hay gefsiin caawa. Tan oo kale waa tii daangada loosoo duban jirey, koobkaaga qaxwaha lee meesha kasoo dhoweysey..wax badan kursiga waad ku rakibnaan doontaa. Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 17, 2007 ^inadeer,waan ka helay.Gabaygu badi wuxu u muujinayaa wax run ah oo jira. Thanks Xhevehire Share this post Link to post Share on other sites