Sharmarkee Posted July 2, 2006 Abaal laawe ama Abaal dhac, waxa u salaan u tiryay gabayga wiil u adeer u yahay, nolashiisha uu furtay laakinse ku abaal furay. PS. All clanish names is taken out. Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday Xoolaha markay timi ninkaan xulayay geelayga Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe ....... Farasna wuxu xakama diid noqdaa kolu xaraamaaye cidluunbaan xayuugnahay sidii xuunshadi Gubane Xeegada hadaan dhalin lahaana xoog madaan ahaye Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jarae Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye Xikaayo iyo baanaba anaan xaraf i seegayne Nin Xukaantu wada naadisoo xaadsadaan ahaye Xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaadhay Xabsigii cadaawaha ninkan xaalal uga saaray Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe Xoontii walaalaha ahayd xodayadii faayo Xarago qaadadkii Suub markay xiito ololaysay Dartaa baan xanaaq ugu lurriyey xaasidkii Buqule Xawdheerta goortaan la baxayna Xaashibay garane Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe Nimankaan xanaanada lahyn Xaawa iyo Aadan Xigaala an tabacaday Reer ^^^^ xarawigii raacye Waayadan xayaat lama kaftamo xaashir nololeede Qasaalkii Xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene Xuska dhalasho waa kula sinaa xilase kaa yeelye Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xoroowdeene Ninkaygii xortaba kaa dhigaad ximi tidhaahdaaye Xidaar baa khaliqigu ii yaqaan xaq iyo maamuse Xamdi baaba lay wada naqaa xeeb haddaan tagoe Sida xayska roob buu nafluhu ii xiddigiyaaye Ooduba xirsiga reerka way bela xijaabtaaye Hadii aniga lay xidho Rabaa xugunki meel yaale Adiga oo xabeebsaday intaad kun igu xaydaantay Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye Xubadaan idiin dhaqanayaad igu xasdayseene Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene Ragba kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe Xawlal mariiddada mergiga xididadays oojey Feedhaha xidhiidhsamay lafaha xuubku ka idlaaday Jidhkaygii xariirta u eekaa xaaluf quruxdiiye Haduun baan xaraarugay sidii Xamilgab awrgaale Xafta waxaydin ii laba listaan xooxdidii la i maalye Ifka intaynu xay nahay hadaynu xiiso kala waynay Aakhiro Rabaa inna xukumi xaqa inoo yaale imikaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye Salaan in Abaal laa'we Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 5, 2006 Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye ^^Raggeedii. Salaan wuxuu ka mid yahay ragga aan sida gaarka ah gabayadooda u jeclahay. I personaly thought that he won Guba contest. Gabay waxaa jiray uu seedigii oo xoolo usoo doontay u tiriyey. Sharmaarkow kaa mahaysaa? Waxaa ka mid ahaa: Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye.... Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 5, 2006 Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye ^^Raggeedii. Sallaan wuxuu ka mid yahay ragga aan sida gaarka ah gabayadooda u jeclahay. I personaly thought that he won Guba contest. Gabay waxaa jiray uu seedigii oo xoolo usoo doontay u tiriyey. Sharmaarkow kaa mahaysaa? Waxaa ka mid ahaa: Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye.... Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted July 6, 2006 Salaan Wacan, Xiin, Deleting the tribal nonsense - Salaan was having in depth of miyi and magaalo, that is why is poems are different than others - he was seafarer,and Nomadic at the same time, and used to live different parts of the world, that give him an insight of culutral prospecive - me thinks, secondly the chances that Salaan's stanza becomes a proverb is so high. see the previous gabay "Afku wuxu la xoogyahy megliga xawda ka jara" is a good example, as as "Waxba yaany xoolana is siin xeergayna i marin - Xaashe nin libin ka xistaiyay xumihi waa yaabe" is another example Waan gartay gabaygaa: Here it's - Xaaji Xiin Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene Oo waliba laasima intay lib isku moodaane Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede Ma laxiibto geelaba hashi lahantay jiilaale Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho wa The end: Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 6, 2006 Ma laxiibto geelaba hashi lahantay jiilaale Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye.. ^^Tells it like it is..and he had unique chioce of words. Thanks Sharmarke. Share this post Link to post Share on other sites
Kashafa Posted July 8, 2006 Xiin, Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye Could you explain these particular lines and how they relate to the gabay in general. I only got the reference to the 21 year old who wrestles with the world(or is it will come into conflict with the world ?). Jazaks Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted July 10, 2006 Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede cool stuff! Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted July 10, 2006 Good one. Salaan Carabeey is one of my fav poets. He is a literary giant. His take on age and aging process is of a particular interest to moi. This particular gabay is very famous. Waxba yaannu xaalkay ii marin, xoolana ii siine, Xaashaaye nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe! Right on! Kashafa, this particular poem is about brother-in-law who came to poet's home for handout. In nomadic tradition in-laws are accorded to special treatment. Salaan is complaining about old age and low funds to do right for this particular in-law as he has done throughout especially in the heydays of his prime years. In the same token he is making a statement about youth indescretion. He's taking a lil dig at the young lad by saying for guns at ur age it is all about material world, getting more, and spending like no tommorow!... Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted July 10, 2006 Salaam, Salaan was a brillian poet indeed, in 1945 some of his friends came to him arguing that Somalis are from Arabs, and from Arabic blood and this and that we are arabs afterall, he was in Burco at that time: He said: Burco iyo Shaam(Syria,jordan,philestine,Lebnan) Miya Daris wadaagayaa Mise aniga iyo nin iga diircadba damac-heshiinayna Mise Diin jacaylbaa midhka igu dukhuulaaya Mise Yamantan dooryaanka leh aya dad iga riixaysaa. he carried on in that way, Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 10, 2006 ^^Good rhetorical question @Mise aniga iyo nin iga diircadba damac-heshiinayna! Sharmarke, you are a literature repository. Caadi ma tihid saaxiib. These are good stuff. Keep it coming. Kashafa, I think good Baashi has answered your question. Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted July 10, 2006 ^^ This called fasaaxatal qowl ya Xiin, Adiga iyo Baasheba waa yasaan ee meesha hanagu waalin, and by the way where is Senor Maygaag, I loved how he reviewed "Qayaash Maasha" of Xuseen Dhiqle. Salaan waas wiil hoog, it was interesting stuff when he said: Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye Xikaayo iyo baanaba anaan xaraf i seegayne Nin Xukaantu wada naadisoo xaabsadaan ahaye When it come to the constitutional prestigious legal instituation which is the "Geed hoostii or Shir" were men are aruging with in the legal frame work and what is wright and what is wrong -hey Am the dashing and the legal ace, so superior in that regard, and when Barristers are in short supply am the one every judged needed to have in his court. what a self-Boasting of Salaan. Xoolaha markay timi ninkaan xulayay geelayga And when it comes to wealth ... Iwas giving away my camels for your sake. Rageedii Yaa Xiin. Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted July 11, 2006 Xiin, and without putting alot of passion and emotion to your reply; do tell me how he won Guba. Awaiting your thoughts on this. Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted July 11, 2006 Cawlkuba markuu cawsha kudu way u cibaroone, Cisaydi markay heli caadaday ku uuraysane, Cururada iyo lawyada intuu ku cuskadoo saaro, Cosob iyo ciriid cunuga beertiisa Carshiguu wara uga eegaya ceerigaa sare, Calaamooyin loo nuuriyuu ku cilmi qaataaye, Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye Inaad culustahaan moodayee, kuma canaanteene Carrabkayga kuma daaliyeen, cod aadan yeelayne Anigoo cadaaduu i yahay maxadu cawlkaase, Cishriin ninkii jiray ma yara cad iyo dheeraade, Haddaan talada caad lagaga rogin, caaqil waa yahaye Cinda-llaahi baan kuula talin caadil oo kale, Bal citibi cabaar gibina baa la cilmi qaateeye, Ceesh lagu ilawsiinayo iyo calaal la boodayey, Inta aad caafimaad wali qabto aan caamil lagu siinin, Cududaha intaadan ka jabin ciidan waa iyage, Ciyaar faarax bay uga tageen caynab iyo dayre, Cararka iyo diidaduna waa cudur u sii dheere, Curudaale aan godob lahayn caato iyo haayir, Abiidkii cad reer kooshin waa naga cantuugaaye, Maantana dar bay ugu culeen looma ciirsade, Cawado Ilaahay u dhacay calamadii Nuure, Waxaan cudhay waxaan celinayiyo waxaan cashuuraayey, Caruurba wakaa u riday cadaw horwaynkiiye, Adna haatan cudurkii na galay kugu cusboonaaye, Waxaan kaa calool fiiriyaa caynkii reer gorade, Raga kale calaalbuuba helay calafi sooreede, Anigaa cusuyb doonadii laygu cuud tiraye, Waa calaal xaro-daan sidii caado buuxsadeye, kama ciganin geel maalintaan caydhshey dabadeede, waa taan casaan kiisa jaray carab sideediiye, Culimada sadcaalkiyo wadaad caalim may haybshaaye, Imikaan cashiiriyo tolkay wada caroshaaye, kuwii aniga ila cayn ahaa waxay caweeyaanba, Goortuu Cishaagigu galay culus u yeedhaane, Hadhuub culun marqaha caawin bay uga cadeeyeene, Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 11, 2006 Sophistow, remember it’s a personal judgment of mine that Salaan won the Guba contest. Though Ali Dhuux admittedly played the lead role and served as its literary stud, he fell short in many critical areas of great moral concern. Salaan on the other hand, save his introductory verses, which were full of boastful extravaganza, came out as a measured and a rational fellow. Perhaps time had given him the upper hand. I gathered it was Ali who provoked him to participate in Guba when he cited Salaan’s clan in a demeaning metaphorical manner: Harraadkiyo ragggiii aan aqoon hawdka maridiisa Kolay Habar-jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane’e Haweenkuna hadday doonayaan in hadoodaane.. And boy look how Salaan responded with a barrage of historical anecdotes decorated with his clan’s camel-wrestling success. You excel in the ceaseless sophistry, he seems to be saying to Ali, but the facts are not with you this time around. Embarrassingly you can’t affect a favorable change to the kin in whose grief you dwelled. Keep talking in vain, Salaan concludes, as angels record your banter. Haddaad ficil haraatiday asaad hiilin kari weydey Ma afkaad ku hawl bixin cidlaad ka hanjabaysaaye’e …………….. Iska hadal aakhiraba waa lama huraankiiye’e This is not to conclude that Salaan owned the literary thrown of that emotional contest but it’s to say he quelled Ali’s uncalled insults. Hence he won in that regard. Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted July 11, 2006 Xiin, Ali Dhuux was nothing but "naar afuuf" aakhirkiina waad ogtahay inuu gabeygii ka xidhmey. Sida gabayda raggii cali yaqaan kacad, cali diralaale ayuu ahaaye Alle haw dambi dhaafo e. Ismaaciil Mire wuxuu Cali Dhuux ku yidhi: >>Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ... Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye... Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e Allay lehe dubbuur kugu danniyay, waaba kuu digaye Qamaan Bulxan Wuxuu yidhi: >>Dabbaad ololisaa kumana gubo, daa'in abidkaaye Intaad dogob shiddaa baad taqaan, dirdirayn jaane Daaskaad fadhido saw gubee, degelkan qiiqaabi Buraale Cali Ubaxle >>Waa iga da'weyn yahay ninkaa, dirirta oogaaya,… Da'day maaha reer nabad ahoon, diradireeyaaye Ismaaciil Cigaal Bulaale oo Cali Dhuux seedigii ah: >>Nin da'yari dambaab iyo ha galo, diradirayntaase Diintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddid Oo aadan dariiqada ka bixin, duudkii Nabi Aadan Oo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab ahe Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?... Adaa D-i-r iyo d-a-o-d dhex dhigay, dab iyo baaruude Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye Salaan Carrabeey >>Bal inuu hanfade waalan yahay, habi la'aantiisa Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu, humay colaadiisa? Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, holocyadaad oogi Halna kuma xereyside dadkaad, ku hawaraysaaye Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi, hollacii naareede Iska hadhaye aakhiraba waa, lama huraankiiye Rabbaa wacad gondaha kuugu xidhay, waadna gogataaye Adunbaa geyiga uunka yaal, gubaya waa noole Hadba inaad garidda duul ku tumi, galuhu noo keenye Afkaagaaba Geydh lagu diliyo, Gaani berigiiye Jaamac Xirsi Guuleed, Ina Dubbe >>Deyn qaadka gabay waa xun yahay, dira-diraaluhuye Duq gaboobay waxa u roon afkii, inu daboolaaye Marse haduu duleeddada ka ciyo, waa darxumo weyne Damenaanse Caliyaw rag waa, laga dambeeyaaye Darbo waxaad Islaan kula jirtoo, dab isu dhiibtaaba Dux ka guro dib uun baad u dhiman, duuga weligaaye Share this post Link to post Share on other sites