Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 27, 2006 Ku: Muriidi Suufi Ka: Awoo Suufi ________________ Aboo Muriidi 114ta suuradood ee Qur'aanka aan kuugu salaamaa, salaan ka bacdi, unuka muggoo waa iska roonahay, Ilaaheeyaan u xamdiheena,adi ma iska roon tihido, abbaayo Shoobto ma iska fiicno, aayaday Maano ma iska roono,abboogeey Abba Shiikh ma iska fiicno, Ilaaheeyaan u xamdiheena wax mala sheegaayo, gaalka aan la joogno mana dhibo Ilaahaa nooga soo qaaday lacag, minan fiican aay na dejiyeen wax ku murjihaayo ma arkaysid, laakin cabsidoo waa nagu jirtaale, maxaa jiraa gaal mala aamini karo lug lee u laaban, maanta waa kuu qoslaa berri makuu qoslaayo, wixii aas kuu qabtayna dadka oo dhan aas u sheeg sheega, [ ] waa ku faanaa, waa shaqadii munaafaqa waaye. Ilaahaa ku xamdiheena oo naga soo waday tuugayaashii Xamar yimid iyo Marka Caddeey iska degay, markii ay alaabteena aruursadeen waxay dhaheen aaway gabdhayaashii bocoryaasha ahaa oo nuunuuraayay ee aad dhasheen iyo dahabkiina, dahabkii waa u sheegnay meeshii aas ku jiray waana aruursadeen, masas Ilaaheey ha ooga dhigo, laakin gabaryaashii waa ka kaaynay, sariirta hoosteeda aan ku qarinay, Ilaaheey ma tusin haddii ay ishooda saari lahaayeen, sidii ay dahabka u qaateen camal ayay gabdhihiina u qaadan lahaayeen. Aboo Muriidi kuwii Xamarweyne iyo Marka Caddeey minan Aw-Cusmaan naga soo buriyeen Ameerikana waa joogaan, dhacowgii iyo tuuganimadii ay Xamarweyne iyo Marka ku haayeen Ameerikana waa ku haayaan waxay u maleehaayaan in Ameerika ay tahay sidii Xamarweyne iyo Marka Caddeey oo kale, tuugayaashii oo inta yimid (Ameerika) waxay noqdeen kuwoo la qabqabto, kuwoona isteeshinka aa la geeyay oo lagu xiray kuwoo kalane jinni aa ku dhacay, jidka markii ay marmaraayaan waxaa arkaysa iikoo kaligood qosqoslaaya, Ilaaheey jinniga haku sii badiyo, kuwii la xirayna Ilaaheey haku haayo meeshooda, aakhirana naarta Ilaaheey ha geeyo. Aboo Muriidi waxaan maqlay in jasuuryaashii Xamarweyne iyo Marka ku yaalay ay eriyaal carbeed ka qeelihaayaan jasuuryaashoo kalena waxaa la sheegay in Geeloo gunbacoo la geliyay [ ], jasuuryaashii dhana waxay noqdeen abuul abuul camal, iska sabra wax kasta adduunkan waa la arkaa, masaajidka u bata shanta waqti dukta, cawo iyo maalin inkaara kuwii minankiina xoogga ku qaatay wilina ku jiro, kuwii dahabkiina qaatay, kuwii gabdhayaashii xoogay, qofka aad inkaareeysiina magaciisa sheega, waxaad dhahaysiin 'Ilaaheeyow kan minankeena xoogga ugu jiro waxaad u keentaa jirro xun aas ka kacaynin,' aboo Muriidiyow qofkii la dulmiyay Ilaaheey docodiisa waa aqbala, habaarkiisana waa aqbala, ma kuu sheegino kuwii Ameerika yimid jinni aa ku dhacay inkaartii ayaa qabsatay, tuugayaasha Xamarweyne iyo Marka Caddeey joogana jinni Ilaaheey haku rido, salaatullayl soo kaca, markii aad dukataan inkaara [ ], waqtigaasna wixii Ilaaheey laga tuugo waa aqbalaa. Aboo Muriidi waxaa i soo gaartay in Macoow Maye aas la saftay tuuggii ugu weenaa ee Marka joogay, Awees Caddena aas la saftay tuugayaasha Xamar jooga kan ugu ween, u sheega kan Marka jooga in aas la safanin tuugayaasha, kan Xamar joogana saas oogu sheega, waxaad dhaheesiin nin tuug ah ma la soo dhaweesto, u sheega nin taroox ah akhwaan ma laga dhigto, u sheega nin tuug ah qaraabo ma noqdo, u sheega nin tuug ah wax ma lagu aamino, waxaan kaloo maqlay Muriidiyow in tuugayaasha kan ugu weyn ee Xamar jooga aas soo jarsaday Suufi Cadde abbaaydiisa ee Jiija, hala siinin muggoo, u sheega Suufi in abbaydiisa aas ku darin nin tuug ah, ha loo diido xataa haddii aas banduuq soo baxsado hala siinin, haddii aas xoog ku qaatana Ilaaheey ku deeya inkaarna raacsiiya. Aboo Muriidi Ilaaheey hana ammaansado meeshan aan joogno waxaa soo baxay naagayaal iyo nimanyaal aan shiixaynin oo gaallada war u sheeg sheega si ay beeso uga qaataan, waa tiftifyaashii Xamar joogay camal waaye, jaasuusyaashan dad ay dhaafayaan ma jiro xataa shiikh iyo shariif waa jaasuusaayaan, markii ay minanka kuu soo galaan tiftifyaashaas, waxay iska dhigaayaan dad sharaf leh, waxay iska dhigaan dad saaxiib ah oo maskiin ah, hoostana waxay ku wataan makrafoon iyo kaamero, dadka warkooda ayay ku duubayaan, waxay duubayaan haddii ilmaha guriga lagu baraayo Qur'aanka iyo waxa minanka lagu haayo oo dhan, ka bacdina gaallada ayay u geehayaan, gaalayaashana warkooda aay maqlaayaan, aniga waan u sheegay naagteeyda Biibi markii aan minanka ka maqanahay in ay dad soo gilinin. [ ] Aboo Muriidi adduunyo gaddoon aa lagu jiraa, Ilaaheey baladkeena ha badbaadiyo, tuugayaashana kow Ilaaheey ha u keeno, unukana gaalladan Ilaaheey hanaga soo wado, hadda waa na jecel yihiin laakin berri waxaa dhici karta markii ay ilmaha weenaadaan in ay gaallada naga raacaan kaasna Ilaaheey ma kaso khasaaro ween waaye, Shiikheena u taga cawadii tuugayaasha haku rido Yaasiinka jinni in aas ku dhacana haku inkaaro. Aboo Muriidi wixii aan bishii kuu soo heli karo aan kuu soo diraa kuna iimaan qab, meeshan Ameerika beeso ma taalo, dadka warkoodana ha maqlin oo dhahaaya Ameerika beesaa taal, kuwaasi beentood waaye, dadka beesada badan soo dirdiraayo waa tuugayaashii Xamar joogay iyo Marka Caddeey joogay camal waaye, tuugayaasha Xamar dadka waa xoogaan laakin tuugayaasha Ameerika jooga dadka ma xoogaan laakin si dhuumasho oo khiyaano ah aay wax ku soo dhacaan, laakin maxay kuugu taalaa hee markii la qabto buunkooda aa la dhawaa madax wareerna waa ku dhacaa [ ], maxaa ii geestayna waa laga keena, aan kala aankaa, ma Xamarweyne iyo Marka maas u maleeyay oo dad masaakiin ah jooga. [ ] Aboo Muriidi halkoo mar waa rabay in aan idin soo fiiriyo, laakin maxay kuugu taalaahe haddii ay tuugayaasha maqlaan in aan Ameerika ka imid bun sharuur camal ayay ii toorahaayaan, laakin inshaa Allah halkoo mar waa idin imaahaa, waxaan maqlay in qofkii Xamar tago aas ijaarto tuugayaal si waardiyo looga qabto ilaa aas ka soo baxana loo waardiyeeyo, anigana saas camal ayaad ii yeeleysiin, tobankoo tuug aad ii ijaaraysiin shantoo boqol oo dollar ah ayaan u soo qaadaa sun Ilaaheey ha oogu dhigee [ ], markii aan baxaayana waxaa tuugayaasha loo sheega in Awoo aas soo noqohaayo labo bilood ka bacdi si damac loo geliyo haddii kale way iigu toorahaayaan markii ay shanta boqol dollar ka dhammaato. Aboo Muriidi waxaan maqlay in igaarkii aas dhalay Buuwe Xaaji aas banduq wato, ha laga qaado unuka banduq ma kaseeno, haddii igaarkaas halkoo xabbad ka fakato, ninkoo jidka socohaayana aas ku dilo waxaa u soo ordaa koo walaalkiisa ah oo maxkamad been been ah furtay, mindi aas soo qaadahaa dadka aas u wacaa waxaas dhahaa arka ninkan aan mindidan gilgilinaayo, diinta ayaana saas qabtaa aas dhahaa, diin maxaas ka yaqaan tuugga. [ ] _________________ Xigasho Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted May 27, 2006 KKKKK! . Aw Muriidi habaar uu meesha la fadhiyaa. Haba la fadhiyee, wax ka habaar qaab daran weligay ma arkin. L0L. Jini Allah ku rido uu ka bixi waayay. Jini jecelaa acuudkiyeee, maxaa jinka loogu sheegay? Jini ku cun oo ku mar dheh. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 27, 2006 lool, alaab khattara waaye wallaahi Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 28, 2006 Hodan iyo Carfoon waa labo dumar oo is xaal og kalana warqaba, labaduba waxay kala deggan yihiin labo dal oo Yurubta galbeed ka tirsan, waa labo dumar oo 'separate' ah, macnaha iyaga iyo raggoodu waa kala address, macnaha wey is qabaan ismana qabaan, labaduba waxay ku nool yihiin ribo, xaaraanta iyo xalaashuna uma kala soocna, faanka iyo beentuna waa u dhaqan, raggooduna suuq madoow bay ku shaqaystaan, lacagta caydha loo yaqaanana wey qaataan, telefoon bay ku wada sheekaysteen, iyagoo is garanaya oo iska war haya bay is khaldayaan beena isku maaweelinayaan, waa tan sheekadoodu. _________________ Rin... rin... rin... [Dhawaaqa telefoonka dhacaaya.] Carfoon: Halloow. Hodan: Ma Carfoon baa? Carfoon: Haa Hodan, ii warran? Hodan: Waa nabade, maxaad haysa? Carfoon: Nimco iyo barwaaqo, carruurtana wey ii buuran yihiin oo lama oranayo carruurtan caato badnaa, miyaan raashiin la siinin, hal qol oo dhanna waxaa u buuxa alaabta lagu cayaaro, [ ] ninkayguna waxaa loogu yeeray Norway si uu arrimaha siyaasadda ugu soo warramo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan, kaddibna waxaa laga casuumay oo uu aadaya Finland. Hodan: Annaga carruurteena fasax kasta dibedda ayaan geynaa [ ], ninkayguna bisha soo socota wuxuu aadaya Masar si uu halkaasi guri noogu soo iibiyo, meeshaas ayaana u guurayna, carruurtana halkaas bay wax ku baranayaan, waxaana guriga ka iibsanayna xaafadda la yiraahdo Al-Rixaab, halkaas bayna isku ururiyaan Soomaalida lacagta leh oo aan saboolka ahayn, waxaan kaloo doonayna in xaafaddaasi aan ka furno baar weyn oo lagu cunteeyo. Carfoon: Annagu meel aan Soomaaliya ahayn uma socono, hooyaday iyo aabbahayna xajka ayaan geeyay, ninkayga hooyadiis iyo aabbihiisuna xajka ayuu geeyay, Soomaaliyana waxaanu ku leenahay labo guri oo waaweyn, hal guri annaga ayaa degi doona,guriga kalena waxaa hadda loo joogaa 14 kun oo lacagta Euro ah, labo bus oo waaweyna waanu leenahay, mid wuxuu ka shaqeeya Xamar iyo Kismaayo midka kalena wuxuu ka shaqeeya Xamar iyo Hargeysa, warshadda Bakaaraha u dhowna annagaa iska leh. [ ] Hodan: Annagu Soomaaliya waanu doonaynay, laakiinse weli dalkii waxaa ka taliya Maafiyadii, kuwaasoo aan laga qabanna tegi meyno, waxaanu maqalnay haddii ay arkaan qof lacag leh wey afduubanayaan, annaguna haddee waxaanu nahay dad lacag haysta, lacagta aanu haysanana waa 120 kun oo Euro ah, haddii laga saaro guriga aanu ka gadanayno xaafadda Al-Rixaab oo ku yaalo dalka Masar, marka haddii ay Maafiyadaasi na arkaan wey na qafaalanayaan. Carfoon: Oo maxaa dhacay hooyo iyo aabbe weli ma aadan geyn xajka? Hodan: Hay! Mar hore ayaan aabbahay iyo hooyaday xajka geeyay waliba labo goor ayaan xajka geeyay ninkayguna labo goor ayuu hooyadiis iyo aabbihiis xajka geeyay. [ ] Carfoon: Lacagtii deynta ahayd ee aad bankiga ka qaadateen, ma iska bixiseen? Hodan: Waxaa iigu haray oo keliya 14 kun oo Euro ah, bankiga waxaanu u sheegnay in uu hal mar naga wada qaato, hayeeshe wuu naga diiday. Adiguna waa tii aad ka cabanaysay deyntoodiye, miyaad iska bixisay? Carfoon: Wax yar baa noogu haray waana 9,000 oo lacagta Euro ah, haddii aan doonana hal mar baan wada siin karaa. Hodan: Ka warran magaalada aad imminka deggan tihiin, Soomaalidu miyay ku badan yihiin? Carfoon: Kuwaasi warkooda iga daa, qaar baaba soo baxay oo wadaaddo iska dhigaya, dadka waxay leeyihiin deynta yaan bankiga laga qaadan waa ribo, separate yaan la noqon waa xaaraan iyo wax la mid ah, xataa waxay yiraahdaan dadka Masar u guura oo ka dega xaafadda Al-Rixaab la yiraahdo waa tuugo, waxay leeyihiin odaygiina Yurub buu jooga iyaduna Al-Rixaab bay deggan tahay Yurubna qaxooti bay ku tahay, warqad kastoo loo soo dirana odaygaa u saxiixa, markii arrin degdeg ah timaadana iyada imaanaysa. [ ] Hodan: Annagu xataa sidaas bay noo wareeriyaan, waxay iska dhigayaan dad wadaaddo ah, haddana iyagu si gooni ah bay u nool yihiin oo meel bay qaxooti ku yihiin naagahooduna waxay u direen Ingiriiska halkaas bayna qaxooti ku yihiin. Carfoon: Innagadaa, waa dad masayr haye, maanta qof Yurub jooga baa ka dhaaran kara xaaraan. [ ] Hodan: Waa runtaa cid ka dhaaran karto ma jiro, qofkii Allah ka baqaaya oo salaaddiisa oogaya damac adduuna qaadin mooyaane. Carfoon: Allaha innaga dhigo kuwaasoo kale. Hodan: Aamiin. Xigasho _______________ Ileen waxee gabdhaha iyo naagahaba telefoonka saacado ugu hadlaan waxaas camal aa lagu wadaa bootada ah. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 4, 2006 Gaal dil gartiisana sii Waxaa i soo booqday eedaday Birmad curadkeedii. Ima soo booqane waxaa ii soo baahday ninkii Raas ahaa. Anigoo gurigayga markaa ka soo baxay, gacan bac ku sita, gacanta kalena sawir gacmeed aan u siday kuwa gallery lahaa, ayuu Raas iga hor yimid. "Qarni haye," buu yiri isagoo is atooraynaya. "Haye" baan iri. "Maxaad haysaa?" "Maxaan hayn lahaa?" Meel baan ka daahsanahay mana doonayn ninkan hadalka badan inaan u furo. Wuu arkayaa inay taydu ahayn maalin fudud oo wakaa fiicnidiisa inta alaabadaan siday ila qaaday, talaabada ila qabsanaya. Baabuur ma lihi oo baskaan rabaa inaan alaabtayda la raaco. Raas baase diidan. Waxaan qaadanay baabuurkiisii quruxda badnaa ee sida lagu sheekaysto uu ku dhaartay hadduu arko qof Soomaali ah oo mid u dhigma ama ka qaalisan kaxaynaya in uu kiisa qashinka ku dari doono: "Isaga macal furahiisa." Baabuur bas ma aha ee Raas baa sidiisaba wuxuu sameeyaba Soomaalida ku xumeeya. Nolashiisoo idil nacab buu ka wadaa. Hadduu kabbaa ugu yare gadanayo waa inay ahaadaan kuwa ayna Soomaalidu gashan, oyna karin. Sigaarka oo kale kan Kuubaanka ee kuuskuusan buu cabaa. Qaadka ma cuno. Waxaase qaanadda ugu rastaysan qamriga sooyaalka qaaliga ah. Waa ninkii ciyaaraha barafka u bartay Soomaalida waa laga badiyaa. Iska daa wax kalee wuxuu dalxiis u aaday dalal aynaan maqal iyo magaalooyin aan maabkaba ku ool. Nasiibdarro kuwo dacaayadaynaya waxay lahaayeen mar uu Koosta Rika tagay kuwa ilma'adeeradiisuu ku soo arkay. Waxaan hubaa, lama helayee, haddii la oran lahaa soomaalidoo idil waa la janaynayaa in Raas uu jahanama rabbigii weydiisan lahaa. Markaan dantaan maalintaa lahaa soo dhamaystay, dhowr meelood oo aan u baahdayna aan isku marnay, wuxuu noo hor kacay meel aan wax ka cunno. Magaaladii buu naga saaray, mar aan isleeyahay muxuu soo wadaana wuxuu na geeyay Giriig resturanti. Hadda ko hor inaan imid meelmeeshaanoo kale ah iyo in kale ayuu i waydiiyay. Waxaan u sheegay inaan imid. Muuna jeclaysan jawaabtayda. "Kuuriyaanka kibistooda macuntay?" buu i su'aalay markaan tagnay miiskii naloo tilmaamay. "Ma cunin" baan iri ilaah baa ilehe. "Isku day baan ku oran lahaa, hadana waxaan xasuustay inaad arday ahayd. Bariiska Shiinaha ku ekow. Isagaad awoodaan. Mar baanse rabbaa inaan kuu kaxeeyo maqaayad ay leedadahay naag Fiidnaamaysa oo waa dhexdaasa wax naga dhexeeyeen. Waxaad ka helaysaa hilib fardood oo si fiican loo soo kariyay. Farahaagaad goosanaysaa haddaad i raacdo. Farduhu waa dynamic." Ina adeerkay eraygaa aad buu u adeegsadaa. Wuxuuna ugu jiraa halka kalmada hawraarsan soomaalidii hore ugu jirtay. Wax walba wuxuu dhahaa waa dynamic. Gabar Giriig ah baa aniga iyo Raas waxaan rabno na weydiisay. Doofaar buu dalbaday. "Adeer ka waran?" buu yiri markuu dhowr fargeeto goostay. Adeerkay Afdiir isbitaal buu ku jiraa. Ayaan dhexdaas ah baa la dhigay. Raas markuu iga waraysanayo wuxuu rabaa inaan Suubban soo haddal qaadno. "Adeer ka waran?" buu ku celiyay. "Meeshiisii" "Suubban Afdiirna?" "Sideedii" "Ma gudnaan maqlee?" Waan ka aamusay. Wuu dareemay inaan doonayn inaan ka hadlo. Dabadeed wuxuu guda galay dantuu iga lahaa. Xafiiskii uu furtay (Somali Community and People) ee uu ku faani jiray ayuu ka cabsi qabaa in laga qaado -- naag laga cabsado oo Raas iyo ragga kalee xafiisyada furtay ay ku xantaan waa Carraweelo ayaa kormeere ku soo maqan. Waxaa la rabaa in la ogaado wuxuu hayo iyo dadkuu u hayo; in la arko islaamuhuu afka baray, caruurtuu ciyaarsiiyay, dagaalkuu la galay gudniinka, dadkuu dajiyay, waraaqahuu turjumay, dharkii barafka ee u bixiyay, dhalinyaraduu shaqaalaysiiyay; in la hubsado lacagtay galiyeen meeshuu geeyay. Waa go'aan dowlad gobaleed. "Qarniyoow inaad laga roone tahay, xafiiskayga ma timaadid, waxaan lagu oran adeerkay baa ku dhalay. Hadana cuqdad kuuma qaadi karo oo adigiyo Ina Kariyaba waxbaad barataan. Midse ii sameeya. Beri waxaa nala balansan naag dhib badan. Waxay baaraysa waxaan bulshado u qabano. Waa naag xun, niman soomaalidaas kale ah baana igu soo diray. Waxaan adiga iyo Kariye iyo Suubbanba idinka rabaa inaad meesha ii soo camirtaan. Gaar ahaan adiga waxaan rabaa inaan kugu daro dadka aanu sheegayno inaan shaqaalaysiinay." "Sug saaxiib" ayaan la soo badaaday markay ii muuqatay meeshuu wax ku wado. "Waxba ha'iga qorin. Way igu adagtahay inaan waxaad gaar ahaan iga rabto sameeyo." "Ma saas baa?" "Haa" baan iri, "Dadweynaha imaanayase inaan noqdo waxba kama qabo." "Shirkeennu bulshadoo idil buu u banaan yahay. Taayadu ma aha xero qabiil. Imow beri todabadiyo barka. Ha soo daahin sida Soomaalida." Markuu intaa yiri wuxuu ku celiyay inayan tiisu ahayn "xero qabiil", wuxuuna xusay hebel iyo hebel Soomaali Maxamed ahi inay xafiiskiisa ka xamaashaan, meesha niman ilma adeeradiis ahi ay intaa arji u soo qoranayaan. Raas beentiisii buu u riyaaqay. Anse kama akhrisan. II Shirku wuxuu ka dhacayay dhulka hoostiisa. Waana loo dhammaa. Ardaaga kore waxaa tubnaa anna i soo tilmaamay gabdho dharkii "hidiyo dhaqanka" wata, calamada labada wadanna warfinaya. Qolkii weynaa ee dadka badan qaaday ayaan soo galay anoo kaligay socda, dadka qaarkii muuna iman qaarna wuu imaanayaa anoo arkaya. Meeshu waa meel hanaansan dad hormar doonayana ay soo habeeyeen. Olale weyn baa ii muuqda. Gidaarada waxaa laga simay sawiro Soomaalida Kanada ku saabsan oo laga qaaday dadka xafiiskani uu wax u qabto. Waxaa kaloo darbiyada ku daadsanaa halhaysyo aan wado hayno, sidaa `aqoon la aani waa iftiin la aan` ama 'aan is weheshano walaalayaal' iyo ugu danbayntii 'dugsi ma leh qabyaaladi.' Meesha mudanayaasha la maaganaa inay fariistaan waxaa barbarkeeda babanayay labadii calan oo cirka lala simay. Anoon wali qolkii qof ahaan ka bogan ayaa waxaa soo saftay guddigii dowladda gobalku soo dirsatay. Waxay ka kooban yihiin haweeneey ookiyaal xiran iyo laba nin oo xanaaqsan. Waxaa la socdo nin Soomaali ah oo turjubaan iyo la taliyeba u ah. Dhanka Raas iyo raggiisa way dhan yihiin. Waxaan arkay hebel iyo hebelkii uu ku faanayay. Waxaan kaloo arkay hebel iyo hebel uu ka kala tagay. Saf waxaa ku jiray dhowr islaamood oo isugu jiray eedooyinkiis iyo habaryarihiis oo buuggaag cusub babinaya, qalimo markaa loo qaybiyayna si qalad ah u haya. Laba nin oo si si ila ahna inta dhar nadiif ah loo xiray ayaa golaha dhexdiisa la fariisiyay. Mid baan gartay; wuxuu qabaa Raas walaashiis Sanyar. Hooyo Soomaaliyeed iyo caruurteediina waa diyaar. Waxaa kaloo goobta joogay arday Soomaaliyeed oo sidii ubaxii kacaanka dhar isku eg lagu dhex riday, si qaabdaranna u qaadayay heesta calanka Kanadiyaanka. Raas isaga rabsho kama muuqato. Wuxuu qabaa dhar qaali ah iyo jaakad sidaan jeclahay talyaaniga lagu soo tolay. Qoorta waxaa u suran qool uu ka sii laalaado qalin qurux badan. Ilama aha inuu i arko. Dadkuu kala duwayaa, marna kala hagayaa, haddana kala habaynayaa.. Qof walbana wuxuu rabo Raas buu waydiinayaa. Mar wuxuu u tagayaa odayaasha tolka, marna islaamo eedooyinkiisa ah. Qofkii soo galaba wuu salaamayaa gacalnimuuna intaa gudbinayaa. "Dynamic" taasuu hayaa. Waxaa shirka furay, faataxadana noo akhriay wiil reeraha ah. Markuu dhameeyay Raas ayaa u mahadnaqay Mursal, intaana ku daray in diinta iyo dhaqanka ay yihiin laf dhabarka dadkeena. Isagoon hadalkii ku sii dheeraan wuxuu soo dhaweeyay guddigii dowladdu soo dirsatay. Waxba mayna didine waxay islaantii ookiyaalaha wadatay dooddii ku soo ooday in ayada uu tuhun ka galay xafiiskan, ayna rabto inay ogaato sababtuu u furan yahay iyo wuxuu Soomaalida u qabtay. Waa la yaabay. Qofna muuna filayn inay si toos ah oo qayaxan weerar u soo qaadi doonto. Ninkii Soomaaliga ahaa baa la wada eegay sidii uu isagu soo diray. Raas ma ahayn nin la handadi karo. Intuu soo qabtay buu tiriyay: "durmarkaan idin horfadhiya" buu yiri intuu eedooyinkiis oo wali buugtii babinaya farta ku fiiqay "xafiiskan ka hor eray Ingiriis ah mayna aqoon maantana way ku murmaan." Wuxuu markuu intaa yiri u tagay labadii nin ee golaha dhex fadhiyay. "Labadaan aad arkaysaan," buu yiri isagoo isku kalsoon "Wax waalan bay ahaayeen ilaa aan wax u qabanay." Markuu dhowr tusaale oo meesha taagnaa soo qaatay wuxuu eedeeyay gudigii gaalada ahaa, wuxuuna codsaday in caawimaadda loo soo kordhiyo. Waxaad wadaan buu yiri waa hoo oo ku dhimo. Waxuuna madax adaygiisa u turjumay maahmaahdii gabadhu tiri mana wasni warna i raac. Mudday qaadatay in loo micneeyo murtida ka danbaysa oraahdaa iyada ah. Markiise lagu guulaystay, gaaladii, waliba haweenaydii ookiyaalaha wadatay, way ka heshay, waxayna soo qaadatay qoraa Kanadiyaan ah oo Soomaalida suugaanteeda amaantay. Raas wajigiisa farxad baa soo fuushay, wuuna furfurmay. Wuxuu iska dhigay nin maskiin ah oo loo tashtay, isagoo naftiisa difaacayana wuxuu doodiisii ku yiri: "Soomaali haddaan nahay been waan sheegnaa beense kuma maahmaahno." Maadaama u si fiican u turjumay tanna gaaladu way la garatay. Meeshaasay ahayd inuu maahmaahyaha uga haro. Muuna yeeline mid dabin ah buu dalaq yiri: "Maahmaah kalaa jirta ee marka hore aan af soomaali ku sheego. Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa gaal dil gartiisana sii." Wuu galay. Ninkii Soomaaliga ahaa ee dowladda la talinayayna waa diyaar. Raas waxaa laga rabaa inuu maahmaahdaas turjumo. Asba wuu gartay markay afkiisa ka soo baxday inuu dabin galay. Wuxuu bilaabay inuu balaayaduu keenay bixiyo. 'Gaal' wuxuu ku fasiray qof aan Ilaaheenna aqoon, wuxuuna yiri waa la dilaa, dabadeedna waxaa loo sheegaa buu yiri sababtaad u dishay. Ajnabigii baa argagaxay. Way garan waayeen siduu wax u wado. Dilkana maxaa keenay bay is yiraahdeen. Ku noqaa la yiri. Raas baa ku noqday. Markaan ma'aqaan meeshuu ka keenaye 'gaal' wuxuu ku macneeyay qofkaan Soomaali ahayn ee dagaal lagu qabto. Way u socon waysay. Ninkii Soomaaliga ahaa baa isku dayay. Wuxuu yiri, isagoo dadaalaya, "dil qofkii aan Muslin ahayn wuxuu doonayana sii."[ ] Gaalkii garabka ka fadhiyay ayaa si xun geeska uga eegay. Gaaladii way soo taagan yihiin waxayna kaga dhagtay maahmaadaas dhacday. Mid baa ani i waydiiyay waxa la isku dilayo, qof dhintayse sidee buu gar u qaadan karaa. Waa yaabe waxay is yiraahdeen sir baa fakatay, oraahdaas aragtida ka danbaysa hadaad ogaataan soomaali waad ka sal gaaraysaan. Raas iyo raggiisii dib bay isugu noqdeen. Dhowr islaamood oo eedooyin ugu aadanaa way ku ag wareegayaan. Raas wuu qalqalayaa wuuna og yahay hadduu sadexdaa qof qancin waayo in xafiiskiisa la xirayo. Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii uu goonida ula baxay si ay xujadaa iyada ah xal ugu helaan. Maadaama aan jaamacad jiray waxay iga filayaan inaan ina adeerkay fakiyo. Nasiibdarro, luqadaha ma baran, Maxamed Kariyena ma'ahi. Ayadoo madaxa aan iskula jirno ayaa Raas oo aan is ogayn maahmaah kale adeegsaday. Wuxuu nagu yiri "hadal nin si u yiri; ninna si u qaaday." Habaryartiis Culus baa afka qabatay: "War meel joog," bay tiri, "Maahmaahdanbana yaan lagaa maqal, middii horaa kugu maqane." Eedadiis Rumaa ku raacday "Balaayaduu keenaan bixin la' nahay markaasuu buur kale koraayaa." Waa lagu wada kacay. "Meesha ma waxaad mooday googaalaysi iyo in gabayo la isku tirinaayo. Gaalaa ku sugaysa." "Ka qaadqaad adaa qaladka keenaye." "Dabakanaax, ma barwaaqadii buu eeday?" Raas wuu waalan rabaa. Mar wuxuu eegaa islaamihii haaraamayay marna ajnabigii sugayay. Wakhtigu wuu ku socdaa dadkuna way wareeriyeen. Talaa ku cad, tusaalaana laga raacay. Goor danbe oo nala daahsaday ayaa gaaladii loo noqday. Labo sidoodii bay u fadhidaa midkoodna intuu sigaar soo dhamaystay buu la saftay. Dowladdu waa diyaar. Markay dhowr qof oo aan ka mid ahay hadalkii qaateen maahmaahdii way sii qaabdaraatay. "War dynamic ku day" qof gadaal ka yimid baa soo qayliyay. Balaayaa na haysata. Naftii baa naqabatay. Cid maahmaahdii micnaysa ceebeey nalaka waa. Maalingaal bay tani ahayd. "Balaaya kuu maahmaahatay," eedadiis oo leh baan maqlayay anoo sii baxaya, "Bal maxaa ku watay." _______________ W/Q Wiilwaal. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted June 4, 2006 "dil qofkii aan Muslin ahayn wuxuu doonayana sii." L0L. Wallee wu ka raayey. Sheekadan reminded of a time I was interpreting for islaan duq ah (meesha cayrta) oo marki wax kasto loo dhameeyay oo la yiri suaal ma qabtaa waydii. Ee intee soo booday kute, "wax kasto wuu ii ogolaadaye, Allaha asagana ha soo hanuuniyo ku dheh." Niyadan waxaan ka iri naa hooy hooy intan yaree uu ku siiyay yuusan kaa ceshan. Anna waxaan ugu fasiray inay Thank You ninkii tiri. Waxaa iiga sii darnayd markaan a friend of mine oo sidii (RAAS) camal ah, aan habartii oga sheekeeyey. Ayadana intey soo booday kute: Somalidan aniga wa ka yaabay gaalada maxay noogu musliminayaan. Haday soo muslimaan sheekadan maa jirto, naxariistan ma lahaanayaan anymore oo waa na wada tarxilayaan sidii Saudi Arabia. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 5, 2006 Bishaaro, Sawaaxiligaan aad naga daba wadid iyo magacyadaan qaabka daran oo lagu dhawaaqi karin xataa ayaaba kugu nacay labadaan bari. Magac maashee, Tyj...maba kari, yaahuu. Kiikuuyo [Kuukaaye] maa ka keentay? Mise Kalenjiin? Heestaas reer Kiinya wadaniga u ah, Luul Jeylaani oo qaadeyso maa ka maqashay? Maxee ahayd horta? Jambo, jambo saana; habaari, habaari gaani. Wakarabisha. Keenya, Keenya yeeto... War maba awoodi waxaas, oo maba xasuusan kari. Kud ku dheh ganfuurweynyaashaas iyo wixii astaan u ahba. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted June 22, 2006 ^ Ganfuurweynyaashaas Я us. Iska jir . Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 29, 2006 Aar Libaax Anoo arday ajnabi ah ku dhex jira, wiil Falastiiniyaan ah oo dadkiisa ka faanana uu sheeko noo wado, ayaa waxaa i arkay Faarax Badal. Ma inkiri karoo hadhow baa la oran Qarni oo gaalo ku dhex jira ayaa nin ina adeerkiis ah inkiray. Waa gacaldiid bay siddii Maxamed Kariye suuqa ii galin. Ardaydii baan inta iga raali ahaada iri u tilaabsaday meeshuu taagnaa. Waa nin xoog badan oo inkastooy murqihiisu go'nayn haddana dhirir iyo lixaad u dhashay. Waa tiiri tunkiisana lama taaban karo. Garbaha ku yaala waad yaabaysaa. Gacantiisa midig ilaahoow dhaha intay na dharbaaxdo aynaan dhulka galin. Dadka intiisa kale wuu ka dheeryahay dhulkuna uma dhawa. Cagihiisana weynankooda kabaha lalama wadaagi karin. Bidhaantiisa baabuurtan faraha badan wuu ka dhex muuqdaa. Wuxuu qabaa shaar ku dhagan iyo funaanad qoorta ka haysa. Ninkan aad arkaysaan wuxuu ku abtirsadaa geesigii dirirta ba'anaa, halyeygii dadkiisu wali hadalka hayaan. "Aarlibaax" ayaa awow u ah. Waa Aarlibaaxii ay codowgiis uga cowdeen "inta aarlibaax aan arkayo aarsan kari maayo." Isagan iyo walaalihiis oo wada waaweyn qurbahay qaabdaran yihiin. "Maxaad haysaa?" buu yiri markaan hoos istaagay. "Waxba" ayaan iri. "Odaygii ka waran?" Odaygu waa adeerkay Afdiir, caaqilka cidaha. "Suubban baa haysa." "Waan kuu baahnaa" buu yiri. "Maxaan kuu sameeyaa?" baan ku iri. "Dhaqtar baan rabaa inaan arko, cid iiga afcelisana waan rabi lahaa." Waxba kama qabaan iri. Markaan waydiiyay inuu dhaqtar gooni ah leeyahay iyo in kalena wuxuu ii sheegay inaanu waligiis jiran, waayadan danbese uu isku arkay wadne xanuun uu garan waayay. Wuxuu markuu taleefoonkiisa qoray igala dardaarmay inaan u balamiyo dhaqtar nin ah oo usan doonayn inay dawayso qof dumar ahi. Wuu igu adkeeyay. Wadaad ma aha. Waranlayaal buu ka soo jeedaa. Wuxuu dumarka ku diidayose ma weydiin. II Waxay gabadhii kalkaalisada ahayd ee ay ka muuqatay inay meesha ku cusub tahay noo hor kacday qol meeshan ah oo balaqan. Way furtay waxayna tiri is fududeeya. Waxaan jeleecay Faaraxaan u turjumayay. Qolku waa ku ciriiri qaabdaradiisuuna soo saaray. Meeshuu gacanta saaraba waxbuu ganbiyaa. Cabsi aynaan caado u lahayn baa ka muuqato. Waxaa nabad ugu danbaysay markuu daarta soo galay. Anagoo sidii isu dhexdaadsan ayaa waxaa dalaq soo yiri dhaqtarkii. Waa qof dumar ah. Waa qof da' yar oo aan qurux yarayn.Waxaan waydiiyay maxaa ku dhacay Morriskii aan la balannay. Wuu bukaa bay tiri. "Keebaa labadiina la hayaa" bay tiri intay waraaqihii ay wadatay dib ugu noqotay. Faraax Badal gabadha markuu arkay wuu baydaday. Gadaal buu u gurtay. Wuxuu u ekaa xayawaan la soo xiray oo dadkuna xasadnimadood daawanayaan. Wuu isla dirirsanaa, wuxuu damacsanaa inuu oodda jabiyo. Nasiibdaro, qof dumar ah baa ilinkii isku gudubtay. Waan u gudbiyay in ninkan ina adeerkay ah la hayo, anna aan afhayeen u ahay. Waxay fiirisay Faarax. Wuu arkaa in la eegayo. Way ku soo durugtay. Dib buu u siqday. Darbigaa soo celiyay. Anuu i soo dayay. Kama sii dayn. "U sheeg" bay tiri "inuu shaarka iska bixiyo." Waan u sheegay. Wuu ashahaatay. Markuu arkay inay talo ku caddahay, intuu dhinac kale u jeestay uu dhabarkiisii baaxada lahaa na soo aadiyay, ayuu bilaabay inuu dharkii iska bixiyo. Oogadiisa waxa dhogar saaran. "Soo jeeso dheh" bay tiri. Wuu soo jeestay. Wuu dhididayay. "Jir qurux badan baad leedahay" bay si toos ah Faarax Badal ugu boorisay. Muuna maqal. Wuu naxsan yahay. Naf baa haysa. Waxay farta ugu fiiqday inuu fariisto. Wuu yeelay. Markuu fariisto madaxay ugu joogtaa. Intay u soo dhawaatay bay kalyaha ka taabatay. Xabadkana bir ay u baratay intay ka saartay bay tiri "haah dheh" Wuu dhahay. Faro cadcad bay wajigiisii fiicnaa saartay. Dabadeedna afkay fur tiri. Wuu furay. Way ku falaadaysaa. "Aah dheh" bay tiri sidii ilmahii. Wuu yiri isagoo ilmayn raba. Faarax Badal gacan bay gabadhu ku dhigtay. Aniguna sidii tiir baan soo taagnahee turjumaadayda waa horaa laga tanaasulay. Aadmigu sida la og yahay inta badan oogaduu ka hadlaa. Faarax way aragtaa inuu fiigsan yahay. Sidii faraskii buu dagaalamayaa. Hadba boggay ka soo marta mooyee bogga kaluu isugu bataa. Waxay u dhiibatana sidii owr dhib badan wuu ku tuntaa. Mar ay thermoomatarkii afka u galisay ilkihiisii is garaacayaa gooyay. Gabadhu way yaaban tahay; tannoo kalene mayna arag. Markii ay is mari waayeen ayay turjubaankii meeshan joogay ku soo jeesatay. "Waxaan u baahnahay" bay tiri "saxaradiisa." Runtii waan naxay. Waxaan ku hadlaan garan waayay. Faarax Badal inaan dhaho kaadidaada iyo xaarkaaga koonbo ku soo shub kuma dhaco. Ilaah baa ilehe waa arin aan la turjumi karin---gogol baa ka imaan karta. Gabadhiina way iga afdhowraysaa. Faaraxna wuu i dhowrayaa oo wuxuu sugayaa waxaan soo wado. Talaa igu cad. Mar danbaan isku dhiiriyay waa la dhimane wax un dheh. Siddan baan nin doorkii u dareensiiyay waxay inantu ka doonayso. Ina adeerkay markuu ogaaday wuu argagaxay. Dharkiisii buu bilaabay inuu xoog u xirto. Wuu na dardaray. Albaabkii furnaana orad buu ugu baxay. Galabtaasaa iigu danbaysay. Faarax Badal wuxuu mootan yahay sanad iyo dhowr bilood. Dadku waxay dhahaan amar ilaahay buu u dhintay. ________________ W/Q Wiilwaal Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 29, 2006 Sheekadan reminded of a time I was interpreting for islaan duq ah (meesha cayrta) oo marki wax kasto loo dhameeyay oo la yiri suaal ma qabtaa waydii. Ee intee soo booday kute, "wax kasto wuu ii ogolaadaye, Allaha asagana ha soo hanuuniyo ku dheh." Niyadan waxaan ka iri naa hooy hooy intan yaree uu ku siiyay yuusan kaa ceshan. Anna waxaan ugu fasiray inay Thank You ninkii tiri. Bishaaro, iska qiro nooh. Aniga uu ahaa iska dheh, waxba islaan haku marmarsiyoon yaaqeey. Share this post Link to post Share on other sites