Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 13, 2006 Salaan... Maki Xaaji Banaadir, Eebba ugu hideeye sida sahlan ee ereyada la iskugu toosiyo. Gacan iyo nus ayaan u taagay. Shiribkaan (shirib miyaa horta? Saar?) hoos ku qoran oo loogu magac daray Wamal Xayaatul Dunyaa ila Mataacul Quruur waxaa la alifay, saan filaayo, shirkii Carte ee Jabuuti lagu qabtay sanadkii 2000. Cajal aan wali haayo oo shirkaas laga soo duubay ayuu ka qaaday, oo xataa madaxweynihii Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo nafta ka baxday suu ugu qoslaaye cajalkaas ku jiro. [Qeybta hoos ku qoran ma'aha qeybtaas oo qosolka miiran ah.] Shiribkaan mid dheer oo kala baxa ayuu ahaa, laakiin intaan ayaa soo guurinaa hada. Mar haddeey madaxdeena madasha toos u furaan Murunka soo afjaraan Muujiyaan is walaashi & mowduuc nabadeed Maslaxo caam ah dhisaan Masaakiinta caruurta Maatida heer tabareedka In mudnaanta la siiyo Midnimo loogu adeego Moxogoodana u xirtaan wax macaan badan waaye Oon ku miirsan kareyno maskaxdeen ku dageysoo Muraalkeen ku dhismaayo Muuse shaah iga dhiib Macoow haashka isii Maaxi koostar isaar Maanaboolyo igeey Muxudiin alif keen Maadeey qaam iska baar Mursal ii macbileey xaajiyayaasha midood ood macruufo tihiin Madiinaan u socdaa Ama meel uun ku sheeg Maska diirta cambuulo iyo madaalka galeey Inaan maanta niraahno Mehered noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareysoo miraheed la cunaayo Masaariifta caruurta Mugdi beey ku jirtaa Marasho, madaxsaar iyo minan ijaar ma awoodno Mushahar meel laga dhiibo Oo maciishadda suuqda Maamulka qoyska Lagu moodi karaayo Marhoraa u dambeysay Inaan meesha yuurarnoo Maalin daa'in marqaano Waa marduuf ama qeyb Majin iyo qoriyaal maskaxdeen ku duqeyno Meherad noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareeysoo Miraheed la cunaayo Mufumeento la'aanta Mashaalkilka taagan Macbuudoow naga mooti Maslaxo caam ah nasii Inaan maanta niraahno meesha waa ku jirtaa Mindi daab an laheyn Madax dooro ma gooyso Xataa malaay sarsaroow ma awoodi kareyso Midigta & bidixdeeda ismagan sashadooda waa muhiimadda guusha Mowqifkeena israaca Midnimo & xasilooni Maslaxo & nabad waarta Wax kaloo na maraaya Ineey meesha oolin Wa iska muuqan kartaa... } Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted January 13, 2006 Hadiin waano maqleeno Oo Macbuud ka baqeeno Iska deeyno maneeno Maki Xaaji banaadir Murtiduus ku hadlaayo Maskaxdeena ku beerno Waa muhiim aad u ween Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 13, 2006 Aaheey!! Hadii kale wuxuu lahaa[?] Wataa. Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted January 13, 2006 makki xaaji banaadir waa jiraa! mexee eheed horta aayadii Quraanka oo markasto hal qabsi u eheed? something something illaa mataacul qaruur......saas mee eheed MMA? Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted January 13, 2006 Great stuff MMA. Macbuudoow na mooti! Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 14, 2006 Qeybtii labaad. Magaceena Soomaali Mushtamaceena Islaam Mawaadiniinta dadkeena Midab oo kala sooco Mabda' oo kala qaado Meesha iigama muuqato Midigteena kitaabka Mahuraanka islaamka Iyo mowqifka diinta baan ku mideeysanehee Waxa meesha iiga muuqda Oo masiibada keenay Iyo macaluusha kordheeyso Maamul iyo kursi waaye Muran taa kama joogtee Maanka hanoo taliyo Maskaxdana ha shaqeyso In Soomaali maseerto Midnimo loo hanqal taago meesha waa ku jirtaa... _______________ Passion, adiga ma aqrin miyaa kor. Meeshaas ayeeba ku qoran yihiin ereyada "wamal xayaatu dunyaa ilaa mataacul quruur." Maki Xaaji Banaadir abwaanimo iyo jilaaye uu isku darsaday. Filimaantiis cusub laga keeno qofkii fiirsado waala dhacaa. Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 16, 2006 MMA waan ku salaamay marka hore, long time no see, sxb ilaahay amarkiis maki xaaji banaadir waagii hore aan aad oga heli jiray balse hadda iigu ma baxdo nooh somehow, hadda ruwaayadaha uu dhigo wuxuu sameeyaa asigoo jaad cunaayo, somehow i dont find him funny anymore, but i still listen to his old riwaayado... thanks for posting this... Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted January 17, 2006 Wamal Xayaatul Dunyaa, Ilaa mataacul Qaruur.. Ilahey dadka wax garadka ah Somalia Haka qaadin.. Maka waa abwaan Culus.. ilaahey ha dhaafo danbigiisa.... Wareer Badanaa!!! Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 17, 2006 Maki riwaayadaha ama aflaanta uu ku jiroo dhan waa wada halaag, khattar cathiim waaye Odeygaan Ilaah ha daayo. Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted January 17, 2006 ma fiirsateen ruwaayada WADCI...msrkuu makki dhahaayo "moos maku siiyaa"...naagta haa ee dheehee....markaas oo isaga wuxuu dhahaa "qolka noo suubi adna isa suubi, anna waa isa suubinaa, markaas wixii la suubin lahaay aan suubineynaa".............looool xaajiga caadi ma aha yaaqe! Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 21, 2006 ^^^ P4F, loooooooooooooool sheekada maxaa udhameestiri weesay! wax ma la suubiyey hee? MMA Sxb, great stuff from great man! thanks! By Paragon Hadiin waano maqleeno Oo Macbuud ka baqeeno Iska deeyno maneeno Maki Xaaji banaadir Murtiduus ku hadlaayo Maskaxdeena ku beerno Waa muhiim aad u ween [big Grin] Thats true! the guy is hilarious and true abwaan. I am true fan of this him! am Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 27, 2006 Originally posted by Passion_4_Fashion: ma fiirsateen ruwaayada WADCI...msrkuu makki dhahaayo "moos maku siiyaa"...naagta haa ee dheehee....markaas oo isaga wuxuu dhahaa "qolka noo suubi adna isa suubi, anna waa isa suubinaa, markaas wixii la suubin lahaay aan suubineynaa".............looool xaajiga caadi ma aha yaaqe! Waa kasaa Maki Awxaaji Banaadir Abaa Xamar aan ka hadlaaye. Raggeedi. Aaheey, "moos" maxaa ka macaan? Filinkaas inaa mar fiirsado waaye, dhowr mar ayaanba magaciis maqlay. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted May 27, 2006 ^ Ninkaa aad ka hadlaysaan kan ku jiro miyaa film kaan cusub'e Xaajo Ugub? Midka ku qaylinaayo Hindi-Somaliga, isha Sangub inuu gato rabo, asaga miyaa? Oo dhahaayo: "Unuka Somali aa nahnay, Islaan aa nahnay, il la gato, beer la siibo, calool la bixiyo, unuka ma kaseeno, sharafkaanyaa ka ween." L00L. Funny guy wallee, haduu kaas yahay. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 28, 2006 Bishaaro, ninkaa ka hadleyno Maki Xaaji Banaadir waaye, wah. Filankaas oo "mooska" ka sheegaayo waxaa la dhahaa, sida kor ku qoranba, Wadci, [ma'aha wacdi] oo wuxuu soo baxay, saan u maleeyo, 2003. Jilayaashii ugu shactirada badnaa aniga qaas ahaan saan ee iskugu xiggaan: Awkoombe Jeeyte [Eebbe ha u naxariisto] Awkuuku Xaaji Banaadir Siyatoom Odey Cabdille Ninkaas Jeeyte la dhihi jiray oo lambarka labaad aan siiye dad badan ma yaqanaan, laakiin hadaa fiirsatid riwaayadahiis sanbab iyo beer xanuun aa kugu dhacaayo qosol daradiis. Meeshaan ka fiirso Jeeyte, Siyatoom iyo Awkuuku oo nafta inay kaa baxeyso u maleynaysid qosol daradiis lee. Share this post Link to post Share on other sites