Meygaag Posted November 12, 2005 TAA YAREEY HOOY! Waa hawraar kaftana waxa is dhaafsanaya oo ku haasaawaya Oday iyo Gabadh, waxa bilaabaya Odayga oo faduulinaya gabadha oo meel taagan oo sugaysa wiil faceeda oo ballan ay la haayeen :- Odaygii: Taa yarey hooy Cidla taagnidu Waa tabaalee Kaalay tamashlaha Ku tukubiye Tabta caashaqa Mataqaanide Kuu tilmaame Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Kaa tukubayow Ha ii tookhine Anaa talo wacan Kuu tilmaamiye Toos wadada raac Taada ku ekow Oo ha talax tegin Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Odaygii: Taa yarey hooy Talo xumidaa Towdhablaha wiil Ee aan Tiisaba Wax ku tari Karin Tab magaaliyo Hadba taas qabo Taladiis tahay Haysu taagine Tin cirroolaha Aan ku tuureyn Tiisa raacoo Haku tababaro Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Waxbaan tari jiray Wax baan tumi jiray Laga soo tagay Iska tuuroo Maanta Tabar Iyo taag ma hayside Ha isku tacadiyin Toobiyaha raac Taada garo oo Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Odaygii: Cadar timihiyo Toobka lagu shubo Waagaan turuqiyo Tagooga adkaa Waagaan toban toban U soo tubi jiray Taadan oo kale Tiro kuma jirin Liiska tumashada Waan ka tiri jiray Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Waqti kaa tagay Oo mar hore tagay Tiigsimaad ma leh Haw tawaawicin Oo dib ha u tebin Tartiibtaa soco Toobiyaha raac Taada ku ekow Ha noqon tukulush timir gaari waayay --- Weligaa wax ka Haasaawe Macaan ma aragtay labaas qof? Cajiib! War illeyn Haasaawuhuba wuxuu ku macaan yahay hawraarta Suugaanneed! Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted November 14, 2005 Odayga maba naxaayee, yareey hooy kulahaa. Indho adkaa oo af xumaa. Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 15, 2005 lol@Taadan oo kale Tiro kuma jirin Liiska tumashada Waan ka tiri jiray Meygaag, tani waa classic saaxiib. Jecliyaa marka mid iskibrisa lasoo rido! Bishaaro, odaygu Shummeey oo kale uma turo ! Share this post Link to post Share on other sites
Meygaag Posted November 16, 2005 Xiinfaniin, Odaygu sxb waa rugcadaa hadal ruug ah; dabuubtiisaa aad jeclaatayna waxaan filayaa in ay faa'ido badan keeni doonta mar marka laysugu yimaado barxaddaha qaar aad garan. Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted November 16, 2005 Lol, Ala maxeey hunguri weyn yihiin odayaashu ooy damac badan yihiin. Wey ka reysay though. Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted November 17, 2005 Ragii Hore xigmadoodu waa cajiib. Xiinfaniin, ma maqashay midii yarad ee is yara kibrisay heesta loo qaaday. Inanyahay nin weynoo Waayo soo jiraayoo Ilaa sabankii wiilwaal Hadba dumarka tii wacan la wadaaga caashaqa wiglada ha uga sheekayn Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 17, 2005 ^^Maya maqal Abaadir. Laakin where did you get that, ye Caashaq gatherer ? Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted November 17, 2005 Xiin, wallee inta kuma taalid! Aniga waan kaa yaabay, toloow intee sanaad jirtaa? Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 17, 2005 ^^Dhuuboy, bal qiyaas inta sano een jiro . Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted November 17, 2005 ___________________________ Bishaaro said: Xiin, wallee inta kuma taalid! Aniga waan kaa yaabay, toloow intee sanaad jirtaa? _____________________________ ina abti maad iska daysid da'diisa, yuusan adna ku weydiine Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted November 18, 2005 ^Wacade waa beentiis, kuma dhaco. Asba waa og yahay waxaas la isma waydiiyo. Xiin, koleey saaxiibka Baashe kama yarid. Laakin sidi uu MMA u kashifay asaga camal, aan Illaah ka baryaa in adna laguu kashifo. Remember markuu MMA soo sawiray Oday Baashi saaxiibo ahaan jireen ayagoo yar yar. Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 20, 2005 ^^^Ciddii i kashifi lahayd waxba kama noola !Lakiin Baashe aa? Bisinka iyo Burdaha aan ku dhahay . Ar kaa naf yaraa ku jirta, Dhuubo Mar labaad kunoqo! Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted November 20, 2005 Qoute: _____________ Tin cirroolaha Aan ku tuureyn Tiisa raacoo Haku tababaro _____________ Wax baa ka jira. Maahmaahdii soo ma ahayn Nin ku dhali kara, baa ku dhiqi kara Share this post Link to post Share on other sites
Meygaag Posted November 21, 2005 Wax baa ka jira. Maahmaahdii soo ma ahayn Nin ku dhali kara, baa ku dhiqi kara Waxay ila tahay sxb in ay wax ka jiraan, iyadoo ay u muuqato in ay maahmaahadaasi salka ku hayso xigmad ku sargo'an waaya-aragnimo, malaha, laga dhaxlay wakhtiga iyo waayaha ay maahmaahda lafteedu ku taxaluqdo. Badanaaba maahmaahda Soomaaliyeed waxay ka turjuntaa dhacdooyin aan la iska oran balse ku salaysan xaqiiqooyin la soo dersay dadkii ay afkooda ka soo maaxdeen; waana halka ay Soomaalidu ka addeegsato maahmaahda orannaysa: 'Somali been waa sheegtaa; Beense kuma Maahmaahdo!' Had & jeerna waxay la saanqaadaa (Maahmaahdu) hadba wakhtiga lagu jiro. U fiirso! Haddiiba aad u yar dhaba-gasho waxaa si sahlan kuugu muuqanaya in, inta badan, ay maahmaahyada Somalidu ka soo-jeedaan dhacdooyin lala soo dersay. Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted November 25, 2005 hada waxaas shukaansi moo ahaay? ar maraxsana! odigaas wuxuu kasoo jeedaa qarnigii nineteen oore oorihii Share this post Link to post Share on other sites