Meygaag Posted November 2, 2005 Af soomaaligu wuxuu ku kala baxaa laba FOOC 1- Soobaan , 2- Suugaan Soobaantu waxa ay kala tahay : 1.1- HADAL(Spoken) iyo 1.2- HAWRAAR(Formal Statement) Hadalku waxa uu ka kooban yahay: 1.11- LAQANO(Dialects) Waa siyaabaha kala duwan ee afka loagu hadlo ama loogu kala yeedhafo. 1.12- OROG(Colloquil) Waa sida guud ee wada-jir ku hadalkiisa maalin walba looga siman yahay. Waxay 1.2-HAWRAAR-tu ka kooban tahay 1.21- Tibaax(phrase) 1.22- Warbaan(Sentence) 1.23- Codbaan(Speech) 1.24- Curis(Composition) 1.25- Curis-sare(Essay) 1,26- Deex(News-Article) 1.27- Baanise(Legal Argument) Intaas weeye SOOBAAN-tu. SUUGAAN: Waxa aan toos kuu siinayaa qeybata gabayga: Gabayaga Afsoomaaligu waxa uu ka kooban yahay: Tidicyo (lines of poem) Tidic kastaa waxa weeye Laba Odhaahood oo loo kala yaqaan HAKAN + HOORIS, e.g. Dabuubtiisa Gabay (HAKAN) Waanigii Daayey Calow'e (HOORIS) Waxa jira TIBIXQAAR lamaan ,ama Qaafiyad lamaan, oo tidica tusaalaha aha aad ka heli karto waa TIBIXDA "D" oo uu gabaygu ku dhisan yahay. Waxa kale oo aad helaysaa SHAQALTIRIS , tidic kasta waa in laga helaa ugu yaraan 19-shaqal ugu badnaanna 21-shaqal. Tidicyo dhowr ah oo ku wada saabsan arrin-keliya waxa la dhahaa TUDUC(Paragraph) Marka aad gabay hidinayso waxa uu dalban yahay; 1-DABUUB(Theme) 2-DULUC (Contents) 3-MEEXAAN(Harmony/Delicacy) Seid Abdillahi Abdi Mr Seid is an erudite, profitable linguistic, who possessed a broad range of knowledge in the field of Somali Language. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 4, 2005 Meygaag, aad baad u mahadsantahay sidaad noola qeybsatay mawduucaan. Af Soomaali waa suuban iyo hodan. Kii qiimeeyo ayaa garto. Share this post Link to post Share on other sites
Yoonis_Cadue Posted November 12, 2005 Excellent walaal? Alxamdulillah. Share this post Link to post Share on other sites
Legend of Zu Posted December 5, 2005 Waar Meygaagoow..Bal sii wad..Khayr aan kuugu ducaynee' Nabadeey Share this post Link to post Share on other sites