Haneefah Posted October 20, 2005 hehe! You funny lot! Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Meeshaan waala isku waabsanooyaa. Waabsasho iyo nus, nin meeshan ah qof inaga dhiciya ayuu ubaahanyahay. Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega? I say Cilmiga, and that's my final answer! ya jamaaca, enjoy the rest of Ramadan Insha'Allah. Ha la isu soo duceeyo...esp in your khatmul Qur'an. Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted October 20, 2005 Salaams, Abrar, walaal, ciidamada aad iigu wacaysid waa maxay? Cilmiga ma aha, laakiin waad u dhowdihiin, adiga iyo Baashi oo yiri Lacagta. try again. Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted October 20, 2005 Abraar, ma Mahamad baa kugu buuqay? Idinkoo maskiiniin ah uu iska kiin arkooday ehy. Waar anigaa ah ragii birta calashaday maxamadoow isoo aad... Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega? Bal aan qarxiyo jawaabaha, waa labo wax a) kitaabka b) buntukha/seefta Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted October 21, 2005 ^ lool walaashay ha igu dirin. waxaad miciyaha soo miishaaraysoba ma kitaab iyo buntukh baad tiri? lol Khitaabka dad aan wax akhrin aqoon baaba jira ee sidee loo khilaafin. seeftana ma arkin miyaa budhist monks oon dagaalka aaminsanayn ba. hint: bal aan idiin fududayeey jawaabtu waa wax dadku isku wada raceen oo aanay khilafaynin(kuwo diidin). Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 12, 2005 Originally posted by M u h a m m a d: Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega? Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega? Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega? Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega? War xaggee jirey markuu Maxamed saan dadka u harowsaday . 1-Indhaha 2-Cunnada, weliba waxa si habeydan u furay Xaaji Gooni oo ahaa ninkii la xujjeeyey: Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin waa cajab ilaahee Cunno weeye oo waa naqaan caynka ay tahaye ------- waa waxaad kurtiin calalineysaane Maxaad iga carayn saa anaa ka ciraab badane! Waan soo noqon haddii alle idmo. Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted November 12, 2005 ^ haye Sheikh, mid baa dadkii cunaha istaagtay ee maysku dayi? Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 12, 2005 ^^Dee waa cunnada. Sow maaha, yaa Muhammad? Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted November 12, 2005 Originally posted by xiinfaniin: ^^Dee waa cunnada. Sow maaha, yaa Muhammad? Inay dhaylo kuu noqon waan ogaa! Share this post Link to post Share on other sites
Yoonis_Cadue Posted November 14, 2005 Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega? ""Waa Biyaha"! Mise "Mowdka". Share this post Link to post Share on other sites