Haneefah Posted October 15, 2005 Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi rajicuun :eek: Tanina ma ii dhineyd, aduunka intaad ku nooshahay ileen wax walba waad maqli Share this post Link to post Share on other sites
qumane Posted October 15, 2005 Tuujiye iyo akhayaarta kale ee moodaysa inay Geerashayntu hadeer soo baxday waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa mid ka mida gabayada ugu caansan xaga gabay dheegadka waxa loo yaqaan (Gabay dheegad waa gabay hanaanka uu u dhacayo loo eekaysiiyay gabay hore u jiray balse midhaha iyo fikirka uu ka hadlayaa ka duwanyahay. Gabaygan waxa laga soo dheegtay gabay uu tiriyay Ismaciil mire oo kaga hadlayay duulaan ay daraawiishtu gashay halka kan dheegadka ahina uu ka hadlayo gabayaaga iyo 7 asaxaabtiisa ah oo Geerashayn hargaysa ku sameeyay. Gabaygan waxaa la tiriyay sanadahii lixdamaandka ilowgoodii. u fiirsada sida uu u sharaxo geerashayta iyo habka ay u dhacdo. CABDISLAAN AADAN-TUMASHO, TUMASHO Duhurkii Togaa Herer hadaad qado ka soo tuurto Hurdo laguma taamo e naftaa lala tacaalaaye Aniga iyo todoba aan ku jiray tumasho soo qaadnay Rag tabaabulshuu leeyahay ee wax is tusaalaynay Sahan kama tagana meel mirqaan loo tawaawacay e Laba tubaha noo sii cayma hore u tuurayay nay Tog Wajaale qaadkii ka yimid tacab ku soo miidhnay Markay laba tobnaad noo xidheen toobiyaha qaadnay Taksi lagama maarmee nin waday suuqa nagu tooci Tilmaan quruxsan goobtay fadhidee agabtu noo taalay tusmadii hablaa lagu yiqiin saani ugu toosnay Rag kaleeto goobtuu turqaday maare kaga teednay Tubtii horeba boqol jaa'ifa ah taybalka u saaray Nin waliba tankiisii haraaq tiilay ugu laabnay Isaga oo falaas lagu tamilay laysu tebi shaaha Tirsan mayno naag laga tegay iyo tu aan la doonayne Laba aad Tukriga moodo oo tikhilka naagood ah Iyo laba tafiirtii Janada lagu tilmaamaayo Iyo laba wax layskuma tirshee sida tiriigaas ah Iyo taan lahaan jiray markaan tumasho soo qaadno Intaas oo xarago tiicaysa oo timeshla luudaysa Intay toobab noo soo xihdeen tel iyo xiisaan leh Anaguna gabdhaa kama tagnee geerash lagu teedi Kaman talalax leeyiyo durbaan tiririgtood yeedhay Tiiraanya qayshaha rabaab gacanta taabsiiye Ilaahay ha tabantaabiyo e noogu tacab sowdka Anaguna tastuurtay lahayd sacabka tiitaynay Markii ay cabaar naga tumeen tegis u qoondayste Tafwareenka sheekada rag weys tira tireeyaaye Kaftan aan turxaan lagu ogayn la isku taataabay Gabdhahay sheekadu noo taxnayd toganay haasaawe Sidii tayse roob nagu onkoday taaha ku caweynay Warmihii tumaatida cadaa tiirka qabadsiinay Rag takooran baa nagu jirayee tabaha qaar diidnay Inkasta ay taftuba noo dhaweyd teedka sharaf eegnay Habeenkaa ninkii tamar badnaa taxay mirqaan kiisa. Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted October 23, 2005 Qumane tnx sxb..loooooool Wareer Badanaa!!! Share this post Link to post Share on other sites
raula Posted October 23, 2005 Abrar my sentiments exactly, although Iam glad I have learned something ghastly about my people. It seems more like a "groupie" thing. Subxanallah waaba geeri tani :mad: Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 24, 2005 Qumane, mahadsanid, laakin waxani ma ahan wax cussub saad sheegtayba, tuujiska, duqa saas aan kaa rabaa, adi lee kugu cusubyihiin alaabtaan Rauliina, yaabkiina hayye, waxani waa dhaqan soo jireen ah waligiis, ee saas ogsoonoow Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted October 24, 2005 Waraa Tobaliiniyahow kaalay, UK alaabtaan caadi ee ka tahay yaah since idinka xaga Jaadka la idinku daqro..lol...I asked marax yaasha inta qayilo in waxaas sameeyeen oo ee hore u maqleen..lol..wee igu qosleen..lol..Waxaa la i dhahay reer xamarka waataan barnay dee adigu hadaa qayililahay waa hore baanu ku bari lahayn huunon "reer jabuti ee ahaayeen"....Yaab ani.... Raula lol..alaabtaas mardhaw holleywood aa lageynaa oo filimaad ee ka sameynayaan waa og tahay nooh..loooool Wareer Badanaa!!! Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted November 6, 2005 ^^^^Ajaajah, maxaa tiri neh, tuujis sxb hollawood aa kaaga dhagantahay miyaa. waa kuu diraynaa yaaqeee adiineh......... Go figure:......... Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted November 23, 2007 Nuune baaritaanka iga daa nooh....lol... this was a classic topic!!! Wareer Badanaa!!! Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 23, 2007 Gabaygaa imisaan raadinayay ,,,,,,, Share this post Link to post Share on other sites