nuune Posted August 17, 2005 cumar dhuule iyo maryan mursal ayaa qaadey heestan, waxeyna u sameesantahay sidii hal xiraale camal oo su'aala ayaa la is weydiinayaa, waan idin maqashiin lahaa balse waan waayey website ay ku jirto, waa hees aad iyo aad ii cajjabisey, mana ka daalo dhageesigeeda mar kasta hadaba hal xiraalahan heestan ku jiro isku dayya inaad ka jawwaabtaan, qeebta hal xiraalayaasha ah waa qeebta farta madoow ku qoran. Heesta Miraheeda Dhuule: hadal kaa da' weynoo lagu doodi kareeynoo oo daawa aan kuleeyahay dahaboow u fiirso dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ? maryan hadal kaa da' weynoo dib u qaadi doontaa waa haa xeerka dunidee deyroo u fiirso cudurkii ku doorshee daduu helana aan dilin dawa aan yeelan ii sheeg? Dhuule waa iga digniinoo waa iga dardaaranee dabiirta aan ku leeyahay dahabooy u fiirso waxa socodka diinka leh dabeeshana ka orad badan een daalin iisheeg? maryan dabarka iyo hogaankiyo dabbaal jooga weeyaan waxaa la isku dagayee deyroow u fiirso waxa dugaaga raaco dibadana u hoydo dad la moodo ii sheeg? dhuule wixii daacad loo yahay ee lagu dadaalo wixii lagu dadaalo ee daacad loo yahay dariiq looma waayee dahabooy u fiirso xidigahan dusheena middaan uga dan leeyahee doonaayo ii sheeg aan doonaayo ii sheeg? maryan daruur soo hillaacdiyo roob xalayto da'aybaa deg-deg ugu riyoodee deyroow u fiirso qof dibbira la jiifo gaajana la daaco diidaayo ii sheeg? ps: jawwaabaha hal xiraalayaasha aad bey u fududyihiin haddaad qumaati u akhrisid qaabka ay heestu ku socoto, jawwaabaha heesta ayey la socdeen balse anaa ka saarey! laakin ha illoobina heestan ula jeedadeeda dhanba waxey aheyd hal su'aal, su'aashaas hal xiraalaha ah yaa ka soo dhaxsaari karo lyricska aan kor ku qorey? aawey jamaal, jaceylbaro, xiinfaniin iyo akhyaarta kale, kasoo jawwaaba Share this post Link to post Share on other sites
Bakar Posted August 17, 2005 dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn Waxaan filaya haadka duula cudurkii ku doorshee daduu helana aan dilind daawa aan yeelan iisheeg Caashaq/jacayl Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 17, 2005 Bakar, jawaabtaada hore waad u soo dhaweesay balse saas ma ahan, su'aasha si fiican u dhuux, tan danbena waa khalad, balse isku day wacan, kuwa kale ayagana isku tijaabi! Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted August 17, 2005 Tan Car ninkii ka jawaabo! koob oo kun nin buuxsho? Share this post Link to post Share on other sites
lol Posted August 17, 2005 ^^^^ Baqbaq ka fiiriyey yaahuuu.....abaa waaye nooh! Macbuudka Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 19, 2005 Checkie, halkoo xabbo xattaa ma isku dayyi weysey, xabbadoo waalan aa soo tuuree haye si aa u dhuumato, haye waxba la islama hayyo miyaa, gabdhaha ayaaba laga yaabaa iney furaan halxiraalayaashan heesta ku maldahan! Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 19, 2005 Dhulka waxaan u soo degan,, cirkana daarad ku laheyn haddana duula waxa weeye ,, Dayaxa Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 19, 2005 ^^^^ sxb Ray, jawaabta aad dhiibtey hal xiraale kale weeyaan oo ku jiro isla heesta, that is a big HINT, jawaabtaada halxiraalaheeda kasoo dhax hel heesta!! anyway, waxa duula waa un xayawaan saas ogoow. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 19, 2005 Salaan... Waraa Nuune, Eebe makugu soo nabad celiye? "Meeshii" maad gaartay? See ahayd "meeshii"? Nooga soo waran hee, wariyaheena aan u dirsanay ayaaba ahayd. Share this post Link to post Share on other sites
Bakar Posted August 19, 2005 Originally posted by nuune: anyway, waxa duula waa un xayawaan saas ogoow. Nuune, haadkaba waa xayawan, wuuna duula. Mise waxaad rabtaa hal nooc? In other words, are u asking specific one? Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted August 20, 2005 dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ? Galaydhka? Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 20, 2005 dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg waxaan u wadaa waa shimbirta la english ka lagu dhaho Albatros waxa socodka diinka leh dabeeshana ka orad badan een daalin iisheeg? Dayaxa Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 20, 2005 Farxaan, hintigii aan dhiibey baad ka faaiideesatey, waa sax jawaabta, jaceylbaro wuu ka faaideesan waayey Bakar, haa sxb, mid khaasa ayaan rabaa oo hal nooca, salaaxudiin, maya sxb, saas ma ahan, laakin suaasha maad dhuuxdaan, waa dhulka waxaan usoo dagan!! MMA, Ilaah waa isoo nabad celiyey, laakin meeshii ma gaarin, meela kaloo u dhaw baan gaarey, waqtigaa igu yaraa marka saas ay tahay meela badan oy meeshii ku jirin baan soo marey Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted August 20, 2005 ok waxaan u malaynayaa in jawaabuhu ay 'D' ka wada bilaabmaan. dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ? Dukaha waxa dugaaga raaco dibadana u hoydo dad la moodo ii sheeg? Daanyeerka qof dibbira la jiifo gaajana la daaco diidaayo ii sheeg? Doqonka xidigahan dusheena middaan uga dan leeyahee doonaayo ii sheeg aan doonaayo ii sheeg? Damaashaadka? :confused: Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 20, 2005 Salaaxudiin, horta dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ? Dukaha khalad sxb, waxa dugaaga raaco dibadana u hoydo dad la moodo ii sheeg? Daanyeerka waa sax, tan ayaaba ugu fududeed su'aalaha, qof dibbira la jiifo gaajana la daaco diidaayo ii sheeg? Doqonka waa khalad sxb, laakin jawaabtan aad dhiibtey su'aasheeda kasoo dhax hel heesta, meesha aad ka tiri Doqonka ka dhig doqonimo, isla su'aashan jawaabteeda, hint kale, su'aashaas aad hadda khaladey jawaabteeda D bey ka billaabataa xidigahan dusheena middaan uga dan leeyahee doonaayo ii sheeg aan doonaayo ii sheeg? Damaashaadka? waa khalad, balse, su'aashan aad bey u adagtahay. ps: salaaxudiinoow, ma xasuusataa mar aan iri, ula jeedada heestan hal su'aal oo halxiraalo ayey aheyd, ee yaa sheegi karo halkaas halxiraale?, adaa sheegey hadaba, balse midey tahay kuu sheegi maayo ee keen adiga! Share this post Link to post Share on other sites