Muhammad Posted July 25, 2005 bacda salaan, bal aan isku dayno inaan tirino inta aynu ka naqaan qalabyada ay isticmaalaan reer guuraaga soomaalida: inta hada aan ka xusuusto waa; hadhuub - geelaa lagu lisaa mudac - waxbaa lagu tolaa waran - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa toori - hilibkaa lagu goostaa / layskuna difaacaa falaad - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa qaanso - waa lagu ugaadhsadaa / layskuna difaacaa xeedho - cuntataa lagu cunaa dhiil - caanahaa lagu shubtaa / qaataa budh - waa laysku difaacaa qarbad - biyahaa lagu shubtaa - qaboojiyaa waxaad garanaysid ku dar: Share this post Link to post Share on other sites