Muhammad Posted July 19, 2005 this is dedicated to the mothers including the future to be! Hooyoo La'aantaa Hooyooy la'aantaa; Adduunyadu hubaashii habeen kama baxdeenoo iftiin lama haleenoo dadku uma hayaameen dayax heego joogoo sida haad mafuuleen xiddig hawd ka lulatoo hawo laguma gaadheen hubka laguma tuureen cirka hirar ka muuqdoo ruux aad hagayso usha mid aad u haysaa Hilin toosan weligii ka habaabi maayo hooyooy addoomuhu halkay maanta joogaan adigow horseedoo intaad hanad xambaartee haaneedka siisee horaadada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo tiro lagu heleynoo Marka aad nin hiillo laga baqo hashiisiyo halyey diran dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa marka aad nin hoo-loo gurigiisa habaqluhu isku soo halleeyoo hayntiisa quudhoo hor Illaahay geystiyo lama hure dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin himilada hilin toosan mariyoo hir markii la gaaraba ku labaad hilaadshoo haga maatadisoo & la higsado dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin hoogiyo ka hor tago dagaalkoo garta hubin yaqaannoo xaqa hoos u eegoo halistiyo colaadaha dabka hura bakhtiiyoo ku hagoogata dhiigoo dadka kale hagaajoo kala haga dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Markaad hoobal caaniyo hindisa farshaxanoo hab-dhaca iyo luuqdiyo hawraarta maansada heensayn yaqaaniyoo Rabbi hibo u siiyoo labadaba hannaanshiyo hal abuur dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Dumar iyo haween baa nolol lagu haweystaa kuwa lagu hammiyayee sida hawd caleen weyn rag u wada hammuume ishu halacsanaysaa hablahaaga weeyee marka guur la haybshee gabadh heego dheeroo hoobaan la moodoo karti iyo hub qaadloo quruxdana ka hodaniyo hufan laga aroostaa hooyo lagu xasuustaa Hooyooy la'aantaa higgaad lama barteenoo hooyooy lan'aantaa hadal lama kareenoo ruuxaad habinoo kolba aanad hees iyo hoobay ku sabinoo hawshaada waayaa hanaqaadi maayee hoygii kalgacalkee naxariistu hadataay Hooyo dushaadaa nabad lagu hubaayoo hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam'aayoo hooyooy taftaadaa dugsi laga helaayoo waxaa lagu hal maalaa hooyo ababintaadee hayin lagu badhaadhaay hogol lagu qaboobaay gogol lama huraaneey dugsigii hufnaantaay hidda lagu arooraay Intaad hooyo nooshahay hambalyiyo salaan baan hanti kaaga dhigayaa hamrashiyo xaq-dhawr baan dusha kaa huwinayaa hooyo dhimashadaaduna hoogeyga weeyoo Weligay hoggaagaan ka dul heesayaayoo hiyiga laabtaan kugu haynayaayoo hengel baan u xidhayaa inta haadka duushiyo idil habar dugaaggee IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON Share this post Link to post Share on other sites
Haaraahur. Posted August 18, 2005 What an excellent poem! Well it has been said that what comes from the heart touches the heart. I don't even know if they words to describe how I feel about Hooyo. * in tears* Share this post Link to post Share on other sites