Muhammad Posted July 16, 2005 Gabaygan waa mid jawaab ah oo Cali maax uu u kaftan celinaya nin reer miyi ahaa oo aanan magaciisu nasoo gaadhin. Ninkii reer miyi ahaa ayaa isagoo layaaban dhaqanka magaalada tixdan gabay ku saluugay Waxaanu gabaygan iyo qoraalkan aanu kasoo qaadanay boga internet-ka ee Gabagiina waa kan: Dununucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo Dayn qaate meeshii nin ragi debec ka maalaayo Duryan xume markuu deeqo buu dunida hiifaaye Diintiyo wuxuu caayayaa Eebbe daa'in ahe Dacwad aan la garanayn iyo dafasa baas sheegte Waxaa daw dara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga Intaa markuu yiri ayaa Cali maax u jawaabay oo isna yiri: Wallee daacufloow reer miyaan docna garanaynin Dablashiday aroortii haduu daamanka isdhaafsho Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye Hadii roob ilaah shubo oo duni barwaaqowdo Oo doobi caanaha riyaha looga dalafsiiyo Oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo Isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye Dam damtiyo hangoolkii majiro, diriri maayaane ninkii dan lahaayow maalintaa daaso hadalkaaga. source: http://www.laasqoray.net/Literature/miyi%20iyo%20magaalo.htm Share this post Link to post Share on other sites