Sign in to follow this  
Muhammad

Miyi Iyo Magaalo

Recommended Posts

Muhammad   

Gabaygan waa mid jawaab ah oo Cali maax uu u kaftan celinaya nin reer miyi ahaa oo aanan magaciisu nasoo gaadhin.

Ninkii reer miyi ahaa ayaa isagoo layaaban dhaqanka magaalada tixdan gabay ku saluugay

 

Waxaanu gabaygan iyo qoraalkan aanu kasoo qaadanay boga internet-ka ee

 

 

Gabagiina waa kan:

Dununucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo

 

Dayn qaate meeshii nin ragi debec ka maalaayo

 

Duryan xume markuu deeqo buu dunida hiifaaye

 

Diintiyo wuxuu caayayaa Eebbe daa'in ahe

 

Dacwad aan la garanayn iyo dafasa baas sheegte

 

Waxaa daw dara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga

 

Intaa markuu yiri ayaa Cali maax u jawaabay oo isna yiri:

Wallee daacufloow reer miyaan docna garanaynin

 

Dablashiday aroortii haduu daamanka isdhaafsho

 

Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye

 

Hadii roob ilaah shubo oo duni barwaaqowdo

 

Oo doobi caanaha riyaha looga dalafsiiyo

 

Oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo

 

Isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye

 

Dam damtiyo hangoolkii majiro, diriri maayaane

 

ninkii dan lahaayow maalintaa daaso hadalkaaga.

 

 

source: http://www.laasqoray.net/Literature/miyi%20iyo%20magaalo.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this