Somalina Posted July 6, 2011 Showqi;732359 wrote: MMA, thanks for the lovely pictures, and the wonderful articles of the Kowda Luuliyo. Waxaan rajaynayaa mar dhow in sawiradaan quruxda iyo sharafta leh ay noo badali doonaan kuwa hada ka buuxa Google. Make sure you recommend the page. Thanks MMA for the thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted July 6, 2011 I will certainly do that Somalina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 7, 2011 Showqi, Aaliya iyo Soomaalina, idinkaa wada mudan. _______________ Iswiserlaan Koob Lagu Maamusayay Munaasabada Sanadguurada 51aad ee 1 Luulyo oo ka dhacay Gobolka Zurich ee Wadanka Switzerland Waxaa ka dhacay Cariga switzerland magaalada zurich munaasabad balaaraan oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada iyo qaranimada Soomaaliyeed ee 1da luulyo waxaana lagu qabtay koob ay ku tartamayeen afar kooxood oo heerka koowaad ah gobolka Zurich ee wadanka Switzerland Sii aqriso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Happy Kowda Luulyo mar kale. Since 2002 ayaa u dabaaldagoyaa Kowda Luulyo right here on SOL. Maba iloowi kari. Calansaarkii u horeeye ee 1960: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Happy Kowda Luulyo mar kale. Since 2002 ayaa u dabaaldagoyaa Kowda Luulyo right here on SOL. Maba iloowi kari. Pictures and celebrations around the world to come in the coming days, Eebbe hadduu idmo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Suudaan 2012: Xaflad Lagu Maamuusayey 26ka Juun Oo Ka Dhacday Suudaan Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galeen boqolaal Arday ah iyo Jaaliyada soomaaliyeed ee Dalka Sudan ku nool oo ka dhacaysay Hool ku yaala gudaha Jaamacada Africa ee Magaalada Khartoum ayaa inta badan looga hadlay taariikhda ay soo martay halgankii ay xurnimada ku qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Sidoo kale xafladan oo ay dadka dhan gacanta ku haysteen calanka soomaaliya ayaa waxa sidoo kale lagu saaray calankii soomaaliya iyadoo korna loo roday bululeerka taasoo lagu muujinyay farxada ay habeenkan dadka u leedahay Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan Mudane Ibrahin Guure Maxamed oo goob joog ka ahaa xafladdaas ayaa sheegay in soomaaliya xiliyadii ay dolwadda wayn ahayd ay ahayd dowladdii ugu xooga badneed Geeska Afrika oo ay ahayd dowladi aas aasastay ururka imanka kulmiya ee IGAD. Hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo maama maryan ayaa halkaasi ka qaaday heeso dhiiri galin ah oo ay ku muujinaysa dareenkeeda ku aadan munaasabadan kasoo wareegatay 52 sano xurnimadii gobolada waqooyi ee 26 Juun. Sawiro kale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Calansaarkii 1960: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 30, 2012 Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan. Indhawaydba waataan Salalaysay arladaydiiyee Ma samaynin maansooyinkii aan Saayidka u helaye [saankuleer?] ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede subucii dhamaadaba marbaan saari jiray luuqad sidde la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere labadaba markuu seego wayga sirgacantaaye Aan sameeyo maansadii [dixdeey sidatay rabii]? Anigoo Sabi ah oo Sita leeb iyo qaanso [Oo sideedo iskucaano]? Sabad reer ka fogaaninoon la’ii aaminin soofkiyo saacan maanta aan joogno gabaygu wuygu sugnaa-yoo suxufiinta dhawaaqdana anigow ugu sareeyo -e Hadii aan sixi waayo aa – ama aan sarsariigo ama aan sarma seejo ama aan ka salguuro ama laygu saluugo saamiciinta maqlaysaay isu’aalo hadhowto – ee ee…. Ilaahaan waxba seegine subuciisa quraankiyo sabaxooyin ku sheegayoo saciira iyo naciima rabigii kala seerayow marka suurtu dhawaaqdo e lasoo saaro makhluuqa shaqiga iyo saciidka maalintaad kala soocdo danbigaanu samaynay rabigayow naga saamax ee ee….ya Subciyoo ka dukeeyeye sowt kaleetona waayoo Soomaaloo calan taagta Saakaa inoogu horaysoo Iinsiga inaad tihiiniyo Inkalaana saxaynine Sadex wiik iyo maalmo Hadaan soor cuni waayo Safrad laygama yaabo Sari mayso naftayda e Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Ka’ sideetan Sabaano Calankaanu sugaynay een sahankiisa ahaynow Sermawaydo hilaacdayoo sagal maanta daroorayoo siigadii naga maydhayoo Saqdhaxaanu ahayne kii soosaaray cadceedow samada ki u eekaayee Xidig-gam isa siiyayow Saaxirkii Kala guuraye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Saalixiinta Islaamko Sirta kay ku arkeenoow Saahidiinta quraanka Subcisaa jimcayaashiyo Sibhantiyo haweenku Calankeey Sahadsheenoow Cidina kaanay na siinine Saatir noogu yaboohayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana siib Kanna Saar Kaana siib Kanna Saar Sanku neefle dhamaantii Khalqiga kii u siinaaye Mid saaxiib la’ahaynoow Mid saaxiib la’ahaynoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii saciida la keenayoow Samadu kay ku xidhnaydoow Salaankii Sayruukhii afrikaadoow Siraadkii na’ iftiinshaye Soomaaloo dhan xoreeyayoow[ Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Faralka iyo sunaha Wixii diinta ku Sahabsan Isna kii sadexeeyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Kii gumaysiga saaraye isticmaarkii sumeeyaye seedihii kogsanaa -iyo Seetadii naga gooyayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Soomaaloo is cunaysa oo Isa seegan dhamaanoo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysku Cabaystiyo Hadba soof la xanbaariyo Sareecyo dami waydiyo Kii laydhiisu na saaqdaye Kii safeeyey qabaa-ile Saf walaalo ka yeelayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Nimankii na siraayeye Waax-waax noo kala saaftaye Solonaayey cadkeena Inagoo dhexda suunku Sabarkeena qarqooray Kii sadkeena cunaayey Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye daaro loo sibidheeyiyo Sariiraha lagu seexdiyo Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo sagaal booyd iyo kuug iyo Aayad saarta caruurtiyo Waliba seeska uu lahaa Sabanka uu labayoow Saaxirkii kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar Sawjada qofka qaataye Intuu soodhka ka taagay Uu diyaarad Salaantiyo Saraakiisha amraysa Sifiihii isticmaarka ka siyaadiya maanta Sibilkeenan agjoogoow Sibirtiisa istaaga Ninwalbaa sigib beelo Sare u taaga gacmahoo Sacabka isu garaaca oo Nin walbaa sadex goor Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 30, 2012 Axmed Ismail Dirie "Qaasim", Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee, Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain. Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen. Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan lahaa arrintaana wuxuu yidhi: Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Istanbuul, Turkiga 2012: Munaasabad Lagu Maamuusayey Sanadguuradii 52aad Ee Xornimada Gobollada Waqooyi Oo Lagu Qabtay Caasimadda Dalka Turkiga Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayey sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa lagu qabtay caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax kabarata,mas’uuliyiinta Safaaradda iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi Turkiga Maxamed Sheekh Mukhtaar oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga qabanqaabada Munaasabadan qiimaha leh waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay Ardaydu aad udhiiragelineyso in ayaga oo Dalkooda ku sugan si lamid ah ay Munaasabadda qiimaha leh ee 26ka June u xusaan. Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay qiimaha ay maalintaan ugu fadhido shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ka safaarad ahaan ay mar walba u taagan yihiin sidii ay Ardayda Soomaaliyeed u dhiiragelin lahaayeen. Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celiyey sida ay shacabka Soomaaliyeed u garan taagan yihiin waxaana uu safiirku ballan qaaday in lasii laba jibaari doono howlihii Safaaradda isagoo dhanka kalena ammaan u jeediyey shaqaalihii horey safaaradda u joogay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Nayroobi 2012: Qabanqaabada 1da Luulyo Oo Nayrobi Ka Socota Magaalada Nayrobi ee Dalka Kenya waxaa ka socda Abaabulkii ugu balaarnaa oo loogu diyaar garoobayo Munaasabada 1da Luulyo. Magaalada ayaa waxaa ka socda Abaabul bulshada Soomaalida ah ay ugu diyaar garoobayaan Munaasabada qiimaha leh ee maalinkii Xornimada Gobolada Koonfureed ee Dalka. Dadwayanaha Xaafada Soomaalidu ku badantahay ee Islii ayaa maalmihii lasoo dhaafay iibsanayay calamo iyo dhar lagu xardhay calanka Soomaaliyeed, waxaana suuqa alaabahaasi lagu gado uu ahaa mid mashquul ah oo dumarka ay gadanayeen agabka lagu labisan oo calanku kuwada xardhanyahay. Dhan kale waxaa socda abaabulka Munaasabado balaaraan oo la filayo in Magaalada ay ka dhacaan waxaana gudaha xaafada Islii lagu arkayaa Gawaari waaweyn oo ay ku xiranyihiin qalabka codka baahiya kuwaas oo dadka lagu wargalinayo ka qaybqaadasha munaasabadaasi. Safaarada Soomaalida ee Nayroobi ayaa qabanqaabinaysa xaflad heerkeedu sareeyo oo ku aadan Munaasabada 1da Luulyo taas oo ay ka qaybgali doonaan Masuuliyiin kala duwan. Dhalinyarada Waayaha Cusub ayaa abaabulaya iyaguna munaasabad balaaran oo ka dhici doonta Eastlight High School oo xaafada Islii kuyaala waxaana ka qaybgali doonaa Fanaaniin badan oo caan ah oo uu kamidyahay fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle, Waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Masuuliyiin uu kamidyahay Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo kaas oo munaasabada kula hadli doona bulshada Nayrobi. Guud ahaan dacalada dunida ee Soomaalidu ku nooshahay ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacaan Munaasabado waayweeyn oo lagu xusayo maalinta 1da Luulyo. Xigasho ____________________ The best Kowda Luulyo I ever experienced happened at Nayroobi's Soomaali embassy in last year. What a wonderful occasion it was, overcrowded not only by general public but well-known wadani singers like Axmed Naaji Sacad iyo Saado Cali among others. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Salaan macaan by Saafi Ducaale, Eebbe ha u raxmadee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Hees cusub Kowda Luulyo 2012 qaadeyso Ubac Nacfi Waa maalin weynoo Naga mudan xaqdhowriyo Maamuus dhameystiran Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 30, 2012 Holland 2012: XAFLADA 1-DA LUULYO HOLLAND Waxaa dhamaan bulshada ku dhaqan wadanka Holland lagu wargelinyaa in lagu qabanayo xaflad loogu dabaaldegayo 1da luulyo 2012. Xafladaasi oo ka dhicidoontamagaalada Haarlem ee wadanka Holland.Xafladaan waxaa siweyn u soo abaabuley uruka FSAN,SSHO Haarlem iyo M&H Supermarkt oo ahdukaan Somaliyeed oo kuyaal magaalada Haarlem. Quote Share this post Link to post Share on other sites