xiinfaniin Posted May 30, 2005 Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalayaa Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha? ******************************** Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay Nin aqoon leh aw iyo haddii, odayo loo saaro In kastoo ayyaan iyo ayyaan, lagu aloollaado Ninkii maalintaa ka aarinsha, caaqil aw ma aha? *************************************** Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha? ************************ Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin Intuu aqalka baanjiyo nimaan aradda guulguullin Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo Oo aan abaaldhaca aqoon sow ikhyaar maaha? **************************** Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya Aqal weyn aroos bilic leh oo ilaxidh loo yeelay Inan quruxsan oo lagu ashbahay uunsi iyo khayli Oo qool asliya loo gashoo jalamtu eedaami Nasteexiyo wanaag iyo ninkii ilindi kuu keenay umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha? ********************** Share this post Link to post Share on other sites