Nephissa Posted March 17, 2005 Anigaba waan ka yaabay sheekada sida ay ku dhamaatay. Muna ma waxaa sarta ka soo tuurtay midii jiniga ahayd? Acuudu-billaah acuudu billaahi..billaahi…. muftaaxii iyo kaanshaddii baabuurka ayuu isku beegikariwaayay. Firig…firig..firig…..buuuuuuuuuuuuuffffffffffff intuu xawaare la-yaab leh kaga dhaqaaqay guriga Faarax hortiisii ayuu isagoo aan samafare eegin, oo dhinacna jalleecin dhabbo weyn oo wixii gaadiid Toronto joogay mulacyaynayaan toos ugu dhexdhacay..jiqiiiiiiiiiiiiiiq………bush…bashkakax…dhiiiiiiiiiiiiiiiiidhhhhh… LOL@bush bashkakax. Sheekada sida loo qoray waan ka helay. Yaa Sheikhana accident ka gashay? Baabuurka asna naagtii jiniga ahayd aa la waday miyaa. Fandhaal: Mahadsanid. Ilaahay waxaan ka baryaa inuusan Kiilo cune inoo soo martin. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted March 21, 2005 A LA BUGDHABO! Wagii hore dadkii deganaa Afgooye si ay u yimadaan Xamar wey isaga soo lugeyn jireen. Marka waxaa dhacday in jidka uu ku dhibay Bahal isagoo la hari jiray hadba qofkii ugu hub iyo orad yar. Odayaashii xamar ayaa la soo wargeliyey cabsida halista bahalkaas. Haddba iyagoo ka tashanaaya sidii laga yeeli lahaa loogana hortegi lahaa Bahalka Musaafurka ka soo cawdeen, ayey isugu yimadeen Jasuur ku yaala xaafadda Koodka ee xamar weyne Markii odayaashu fool baxsadeen, Shushumow, Bajiye, Qunbo, iyo Baalbaalowna ay qaxwo xaraarey ku cabeen, ayaa waxaa istaagay Xaaji Mardaadi, wuxuuna odayaashii warbixin ka siiyay dhibaatada soo badaneysa ee Baahalkaas, wuxuuna warkiisa ku bilaabay “Akhyaarey dareenaa jiro, Bahalkoo aan la kaseen oo laga cabsahaayo aa cawo gashow duurka ka dafo musaafurka xamar u soo socda, istaqfurowgii hore intii ka dambeysi Lamaatan iyo Sagaal qof aas cunay, xalaa u dambeysi dadkii baahalka aas cunay waxaa ku jirtay Shoobto habarteed, Xaajiyo Faay Abooki, waa tan maroogsinteedii ka dhacday markiis baahalka la rooray, Xaajiyo Faay waxay diiqo u soo wadday gabarteed oo Aaw Aweyska loo soo guuriyay. Baahalkaas haddii dad ow cuno ka waayo jidka ma leys warsahaayo iniis dirito u soo abbaaraayo koodka iyo Raqayga, wixii kale ee talo ahna akhyaartey u taashaaâ€. Awbaari oo ka mid ahaa akhyaartii halkaas fadhiday ayaa isagoo kor u taagayay Baakoortiisa ku dhawaaqay “ A LA BUGDHABO INTIIS NAGU DHEX BURSAN LUUQYAASHAAN" Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted March 21, 2005 ABOOWE II WARAN Wiil reer waqooyi ah ee yiraado Jaamac ayaa waxey is barteen gabadh la yiraaho Deeqa oo reer koonfur ah. Deeqo waxey mar kasta Jaamac ku tiradaa Aboow. Jaamacse maba oga waxa loola jeedo Aboow. Maalintii dambe ayuu wuxuu weydiinay will ay saaxib yihiin waxana loo sheegay in Aboow ay la mid tahay Walaal. Maalmo ka dib ayuu Jaamac la kulmay Deeqa iyo hooyadeedi oo wada socda, markaasuu hooyadii ku yiri: "Aboow ii waran?" Kol haddii Jaamac loo sheegay in Aboow la mid tahay walaal wuxuu u qaatay in Aboow la dhihi karo wiil iyo gabadhba. Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted March 21, 2005 Akhyaarey dareenaa jiro, Bahalkoo aan la kaseen oo laga cabsahaayo aa cawo gashow duurka ka dafo musaafurka xamar u soo socda, istaqfurowgii hore intii ka dambeysi Lamaatan iyo Sagaal qof aas cunay, xalaa u dambeysi dadkii baahalka aas cunay waxaa ku jirtay Shoobto habarteed, Xaajiyo Faay Abooki, waa tan maroogsinteedii ka dhacday markiis baahalka la rooray, Xaajiyo Faay waxay diiqo u soo wadday gabarteed oo Aaw Aweyska loo soo guuriyay. LoooL Awbaari oo ka mid ahaa akhyaartii halkaas fadhiday ayaa isagoo kor u taagayay Baakoortiisa ku dhawaaqay “ A LA BUGDHABO INTIIS NAGU DHEX BURSAN LUUQYAASHAAN" LoooL asxantu Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted March 22, 2005 Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin doqon ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta, Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o, Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa". Ninkii Faarax ayaa waxa uu la sheekaystay gabadh reerkoodu leeyahay degaanka ay u soo guureen Faarax iyo walaalkiis Kabo-Calaf, Gabadhii ayey go'aan ku gaadheen iney is guursadaan, Iyadoo arintii halkaa ay ugu xidhan tahay Faarax iyo Gabadhii ayaa waxa dhacday iney is laayaan Faarax reerkoodii iyo gabadha reerkoodii. Dagaal xun baa dhex maray labadii reer, rag badan na way iska laayeen labada dhinacba,'Talo ayaa faro ka haadey' oo waxay ku qabsatay Faarax iyo Kabo-Calafba inay meesha ka guuraan oo degaankoodii dib ugu noqdaan, ninkii Faarax ayaa ka samri waayey gabadhii ay is jeclaayeen ka dibna wuxuu go'aan saday in uu gabadhii la soo tago, reer miyiguna waxay samayn jireen, dumarka boqolkiiba sagaashan 90% waa lala tegi jiray, tobanka hadhayna waa la bixin jirey 10%. Sidii caadada u ahayd dadkii hore waxay samayn jireen marka nin gabadh la soo tegayo, wuxuu kaxaysan jirey ilmaadeertii, haddii lagama maarmaan noqon weydo ayuun buu kaxaysan jirey walaalkiis iyo adeerkiis, sababtoo ah marka uu gabadha la soo tago, waxa reerka gabadhu ka dhalatay loo diri jirey walaalkiis iyo adeerkiis iyo aabihiis si ay u soo waydiistaan gabadha, Ninkii Faarax wuxuu ku soo dhex dhacay ilmaadeeradii, wuxuu u sheegay in aanu marnaba dhaafi karayn gabadhaa oo uu jecel yahay, naag kalena aanu il saarayn inta gabadhaasi nooshahay, ilmaadeeradii waxay kula taliyeen in uu iska daayo, waayo colaad xun oo rag layska laayey ayaa ka dhex dhacday labada reer, markaa hadii ay arkaan niman ka socda reerkii ay is laayeen waxay u malaynayaan iney doonayaan in ay rag laayaan. Markaa iyagana waa la laynayaa, sidaas awgeed ayey kula taliyeen in Faarax uu ka samro gabadhaa. Faarax kuma qancin arintaa ay u soo jeediyeen ilmaadeeradii, wuxuu go'aan ku gaadhay in uu keligii iska tago. Walaalkiis Kabo-Calaf oo ***** loo yaqaan ayaa jiridhi aniga ayaa ku raacaya mar haddey ku diideen ilmaadeeradaa. Kabo-Calaf ayaa raacay Faarax waxayna aadeen gabadha iyo meeshii ay degenaayeen, dhulka u dhexeeyaa waa abaar cidlo ah reerana ma yaaliin, mudo illaa habeen iyo maalin gaadhaysa ayey nimankii wadada sii hayeen, maalintii danbe ayey ku soo bexeen degmadii gabadhu ka dhalatay, maalintii oo dhan ayey dhuumanayeen sababtoo ah colaadii ayaa weli sii qoyanayd, casarkii ayey gabadhii oo awr caraabinaysa meel ka heleen, waxayna ku yidhaahdeen "gabadh yahay adiga ayaanu kuu soconaa, waadna og tahay labadeena reer colaadda ka dhex oogan markaa waxaanu doonaynaa ilow iyo ilowba in aad na raacdid caawa" Gabadhu waa naag naago ka tagtay oo fariidnimo meel isla taagtay. Markiiba waxay u sheegtay geed ay ugu timaado caawa. Wakhtigu weli waa go' oo roobku wuu da'ayaa. Afarta jaho ayaa waxa iska soo qabsaday roob, nimanku wax yar oo jicsina ayey siteen intiina habeenkii iyo maalintii ay jidka ku soo jireen ayey soo laasteen. Markii abeenkii dumay ayaa waxa dhacay in nimankii roobkii geedkii hoostiisa uu ku qadhqadhiyo gabadhiina ay ka raagto. Gabadhii waxa ku dhacay walaaladeed iyo ilmaadeeradeed oo geela hor seexan jiray ayaa roobkii guriga ka soo jirsadey sababtaa awgeed ayaanay gabadhu u soo bixi karayn. Nimankii waxay raagsadeen gabadhii markaasay gurigii dudadiisii intay isi soo taageen ayey dhegeysteen meesha ay ka sheekaynayso, dabadeedna way gujiyeen, gabadhiina way garatay in loo yeedhayo markaasay sheeko ay iyagana wax ugu sheegayso walaaladeed iyo ilmaadeeradeedna ay sheeko dhacday uga dhigayso ayey ka sheekaysey. Waxay tidhi" beri ayaa waxa dhacday nin iyo gadhab ayaa is jeclaa, labadoodii reer ayaa is laayey, nimankii gabadhii way ka samri waayeen , dabadeed waxay soo aadeen gabadha reerkoodii markaasaa roob da'ay sidan caawa oo kale, markaasay nimankii gabadhii la hadleen waxayna ku tidhi, haddii aad gaajoonaysaan caanaha dhiilka ku jira ee xirada adhiga dabadeeda yaala caba, haddii aad doonaysaan in laydin laayona guriga soo gala, haddii aad aniga idoonaysaana geedkii taga" Nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen may fahmin arinta, laakiin waxa markiiba fahmay nimankii gabadha duunayey ee ahaa Faarax iyo Kabo-Calaf. Markiiba waxay qaateen dhiilkii caanaha ahaa ee ay gabadhu u tilmaantay waxayna tegeen geedkii balantoodu ahayd. Markii roobkii is taagey ayaa nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen gurigii ka tegeen oo ay xeradii geela horteedii u hurdo doonteen. Gabadhiina markii ay nimankii ka hoydeen ee ay firaaqo heshay ayey soo aadey geedkii ay kula balantay Faarax iyo Kabo-Calaf. Nimankii gabadhii ayey gacanta qabsadeen oo guure ugu dilaacsheen. Habeenkii oo dhan ayey sii guuraynayeen, markii waagii dilaacay iyagoo maraya meel aan wax dhaqaaqaa joogin cuntana aan sidan ayey gabadhii nimankii ku tidhi: "Ina quraaciya" Faarax oo ah ninkii gabadha la soo tegey ayaa yaabay oo yidhi isagoo la hadlaaya Kabo-Calaf "walaal gabadhu maxay leedahay" ma meel wax lagaucuno ayeynu joognaa waa maxay quraacda ay doonaysaa gabadhu?" ayuu Kabo-Calaf waydiiyey. Wuxuu Kabo Calaf ugu jawaabay: "waxay leedahay ina caddaysiiya" wuu fahmay dabadeed waa la caddayday. Markii ay duhurkii noqotay ayey daaleen ka dibna geed hadh weyn ayey fadhiisteen markaasay haddana gabadhii tidhi: "Ina nasiya" Faarax ayaa haddana yaabay oo yidhi: "walaal sawgana fadhina ee hadhsanayna maaha waa maxay nasashada inoo hadhsani?" Wuxuu haddana Kabo Calaf ugu jawaabay: " Waxay leedahay kabaha inaga bixiya" kabihii aya layska bixiyey wayna nasteen, kadibna galabtii ayey ka caraabeen geedkii, Markii qoraxdu sii dhacaysay ayey gabadhii tidhi: " Degmadii ayeynu soo galnay" Faarax ayaa yidhi: "gabadhu miyey inaga dheer tahay mise way inaga indho fiiqan tahay waa maxay degmada aynaan arag ee ay iyadu aragtaa?" Wuxuu Kabo-Calaf ugu jawaabey: "waxay aragtay haad" Haadu had iyo jeer waxay joogtaa meesha ay oodhu taalo/degmadu taalo. Faarax oo la yaabay gabadhu waxay leedahay iyo sida uu u afgaranayo Kaba-Calaf ayaa waxay soo gaadheen degmadii ay sheegaysay gabadhu. Reer degmada ugu kooneeya ayaa marti geliyey nimankii iyo gabadhii, ka bacdina waxaa loo soo dhigay cunto, sidii reer miyigu samayn jireen marka ay dad marti geliyaan oo ahayd in ama xoolo loo qalo martida ama raashin koob suba ah la soo dhex dhigay iyo caano, reerkii ay u hoydeen na sidii oo kale ayey sameeyeen oo waxay siiyeen raashi koob subag ah la dhex dhigay iyo caano. Gabadhii ayaa waxay ka xishootay si ay subaga ragga hortooda ku shubato cuntada meesha ay ka cunayso, markaasay aragtay ninkii Kabo-Calaf oo subag dhiniciisii ku shubtay ninkii kalena wuu ku shubtay, gabadhii ayaan inyarna looga tegin subagii, markaasay intay fandhaalkii raashinkii dhinacii Kabo-Calaf saartay ayey tidhi: "maanta Kabo-Calafaw hadal aad I tidhi beerka ayuu sidaa ii kala jeexay", markaasaa subagii iyo caanihii oo is wataa waxay u soo dareereen dhinaceedii, waxay faruurtay gacan dhan oo ay u soo raacaan subaga iyo caanuhu, ninkii Kabi-Calaf oo markiiba wax fahmi jirey ayaa fahmay waxay gabadhu u jeedo, oo ah in ay caanaha iyo subaga intay caawa ka shubato raga ay berito ka dheerayso halkaana ay ceebi ka raacdo raggaa, markaasuu isna intuu raashinkii oo dhan isku dhex walaaqay walaaqay ayuu yidh:"Ana hadal aad I tidhi maanta caloosha oo dhan ayuu sidaa ii walaaqay". Gabadhii ayaa ka yaabtay fariidnimadiisa ninkii Kabo-Calaf, markiiba waxay qoondaysatay in uu guursado ninkaa Kabo-Calaf. Markii ay guryo tageen ayey gabadhii tidhi: "Intaasi waxay dhaar iga tahay in aan nin aan Kabo-Calaf ahayni I guursanayn, haddii kale gurigayagii ayaan qabanayaa" ninkii Faarax talo ayaa ku cadaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, labo mid ayey isu soo taagtay in uu gabadhii dhibta uu u maray ay dib isa noqoto iyo in uu walaalkii oo ka weyn oo dhibtana la soo maray uu u guuriyo gabadha, wuxuu markiiba go'aansaday in uu Kabo-Calaf halkii gabadhii ugu dhiso, gabadhiina waxaa calfaday oo guursaday ninkii Kabo-Calaf. Ninkii Faaraxna halkii ayaa gabadh kale looga doonay. Sheekadii Kabo-Calaf iyo Faaraxna halkaa ayey ku dhamaatay. Sheekadan waxa qoray Yasin-Suldaan . Salaama Ka Dheh:.......... Share this post Link to post Share on other sites
Mafia Posted March 27, 2005 Sheekooying Cajiib ah ayaad soo bandhigteen akhyaarta, gaar ahaan wiilo. Wiilo, Kaba-Calaf, doqon ma'ahayn. waxaan filayaa wuxuu ahaa nin rageed "casilan." Nin fiiro dheer oo garasho badan ayuu ahaa. waxaan ladhacay marka uu isku walaagay subaga iyo caanaha. Gabadhuna waxay ahayd xigmad socota. siday ugu sheegtay ninmakii soo doonay inay caanaha cabaan oo ay kusugaan geedka. Midaas oo kale ayaan kuwada fiicnaan lahayn....lol Fadlan soo badiya sheekooyinkan xiisaha leh aniguna waan soo raadinayaa, inkastoo dhowr sano aan ku noolahay Maraykanka oo ay maskaxdu igu gabaabsi tahay (dhamaanayso). Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted March 28, 2005 NINKII SHAAHA JECLAA waxa jirey nin shaaha aad u jeclaa wax badan ayuu ka cabijirey maalintii danbe ayuu wuxuu ku soo baxay nin yare waalan oo reerkiisii la jooga wuu salaamay salaantii ayuu ka qaaday ninkii shaaha jeclaa ayaa ka codsaday inuu shaah u kariyo , ninkii waalaana wuu ka aqbalay , laakiin wuxuu kariyey laba killi oo mid aad u weyn yahay oo shaah ah , shaahii ayaa bislaaday , ninkii waalaa wuxuu soo qaaday hal kildhi oo kii aadka u weynaa ah 1- wuu ugu shubay wuu cabey 2-wuu ugu shubay wuu cabey 3- wuu ugu shubay wuu cabey 4-wuu ugu shubay wuu cabey 5- hadana wuu ugu shubay ninkii shaaha jeclaa wuxu yidhi bes ninkii yare waalaa ayaa yidhi may kana cab 6-wuu ugu shubay wuu cabey hadana mid kale ayuu ugu shubay ninkii shaaha jelaa wuxu yidhi waar bes igu filane ninkii waalaa ayaa yidhi may walaahi waad cabeysaa ninkii shaaha jeclaa dhaartii ayuu aqbalay oo 7- wuu cabey. ninkii waalaa baa koob kale ugu shubay, ninkii shaha jeclaa ayaa yidhi waar dee cabi karimaayo dee bes hadaba !ninkii waalaa ayaa yidhi waar xilahay furan kana waad cabaysaa ninkii shaaha jeclaa 8-ayaa diiq ku cabey isgoo isku dirqiyaya oo marba u nasanayaa oo is leh wax kastaaba ha ku gaadheene ninka yay naagtu ka furmin markuu laastay ayuu kiligii horedhamaday . ninkii waalaa ayaa intuu dhaqaaqay yidhi waar shaaha cab killi kalaanba kuu soo wadaaye ninkii shaaha jeclaa isagoo yaabsan oo beentii moodaya oo shaahii hore ku xiiqay ayuu arkay ninkii waalaa oo kiligii kale soo sida oo soo socda. ninkii shaaha jeclaa ayaa intuu dharkiisii urursaday cagaha wax ka deyey oo cararay isgoo kabaqa inuu kiligana ku madhiyo , ninkii waalaana wuu kala daba orday wuu baacsaday ,laakiin ninkii shaaha jeclaa ayaa niman meel ku shiraya intuu dhexda u galay yidhi war ninkan waalan iga reeba !! ninkii waalaa oo shaahii sida ayaa yidhi war wuu iska carrarayaa,e shaahan uun baan siinayaa!!! niman kii ayaa yidhi waar ma intaa saa? waar shaaha cab laakiin nikii shaaha jeclaa dhaar ayuu ku maray inaanu shaah danbeba cabi doonin intuu nool yahay Waxa soo diyaariyey: IBRAHIM AXMED SACIID GR Share this post Link to post Share on other sites
Kulmiye Posted October 17, 2008 walahay sheekoyin fiican baad soo bandhig'teen. aad baad u mahadsan'tahiin. thank you all! NIN BAA WARQAD DIRAY Nin baa u tegay saxibkii oo ka shaqeeya immigration office, markasu ku yidhi saxibki " waxaan islahaa uqor warqad nin saxibkay ah oo london jooga. markaa aad iga eeg inaan wax khalday. oo hadda soomaalidda meelahan joogta lugooyaddaay taqanaaye iga ilaali." ***waatanaa warqaddii*** You cut my leg, when you told me to go to-Canada- (waad ilug gooysay, markad i tiri aad canada) now my shop stands up(iminkana dukaankaygii wuu kacay) and three months later i opened my wife (sadex bilod ka'bacdi xaaskaygiina waan fury) the oldest girl got married and threw up baby ( gabadhii ugu weyneyd, waa la guursaday oo ilmay tuurtay). Delete Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 17, 2008 ^looooooooooooooooooooooooooooooool@now my shop stands up(iminkana dukaankaygii wuu kacay). That is classic! Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 14, 2008 Sheeekoy sheeko, Sheeko xariir. Shini baa wax qortay, Gofanaa akhriyey. Sheekooyin wanaagsan ayaad dhamaantiin soo bandhigteen, halkaa ka sii wada mararka aad wakhti firaaqo ah heshaan ama marka aad caajistaan. Sheekooyinka aa soo bandhigaysaan ha gaabnaadan,kuwo aad alifteena ha ahaadaan. Bal hadda ana tayda tuuran lahaa,laakiin waxaan maanta ka soo tagay pepsidii marka int aan hal pepsi ah meelahan dhow ka soo qabsan rabo kuraastiina soo jiita oo sii fariista shanqartana yareeya marka aad qoslaysaana gacmaha saara dhafoorka marka aad ilmayn rabtaan iyadna gacmaha saara dhegahiina marwalbana shahaadada yaan la hilmaamin. Waxaan idiin soo wadaa sheekooyin badan oo idin ka qoslin doona, idinka farxin doona, idinka oohin doona, idinka caraysiin doona, isku dhex yaac, acmal. Waxaa suuro gala in aan isticmaalo magac yadiina SOL, gaar ahan akhyarta magacyadoodu ku xusan yihiin hoos: Baashe, Bishaaro,Mafia, Wiilo, Tuujiye, Jabarjaan Xiin, Fandhaal, Kulmiye, iyo Afro. Qofkii aan rali ka ahayn in magaciisa loo isticmaalo sheekooyinka soo socda isla haddaba horay hangu soo wergeliyo inta aanaan ka laftaha kala bixin magaciisa. Sheekooyinka aan idiin soo wado waxay u badnaan doonaan kuwo aydaan horay u maqal oo jacbur ah. Sidooni a ahaate iska soo dhawaada, aan isku afuufnee. Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 14, 2008 Sheekadan hoos ku qoran waa tu tijaabo ah sidaa awgeed hadday idinku socon weydo fadlan galaas biyo ah iskaga dejiya. Maalin maalmaha ka mida ayaa xariif ay Tuujite dhahaan oo meel ardaa ah rag badan kula cawaynaaya ayaa xariifadiisa oo la oran jiray Afro ayaa iyada oo ayna inaba ka qasneyn soo hormartay meeshii ay xariifkeeda Tuujiye iyo ragii kale fadhiyeen. Xariifadii Afro ahayd iyada oona libiqsanin ayey hal lows ah oo ay maalin cadaydii isha ku sii dhufsatay horaydiiba ka dhufsatay. Afro oo ku fikiraysa waa habeen oo lagu ma arko ayaa isla markiiba bishimaha intay kala fayday ku riixday halkii lowska ahaa. Nasiib daro Tuujiye oo ahaa nin aad u fiiro dheer ayaa isla il bidhiqsi gudaheed isha intuu ku xaday waxa ay Afro meesha ka waday dabadeed isa soo kala baaciyey isagoo ku hadaqaya "Hooy! Hooy! Afrooy! Haddaad halkaa lawska ah liqdo iyo hadddii aad soo tuftoba intaba waad iga furantahay ee la soco." Afro waxay ahayd gabar Illaahay caqli iyo maskax badan ku manaystay markay digniinta loo jeediyey maqashay waxba ma ayna nixine waxay horay ooga gaarsiisay jab halkii lowska ahaa ka mida halka ay jabkii kalana banaanka usoo tuftay iyadoo dhahaysa : " Xabiibi ma rabo in aan hal lows ah ku kala tagno markaa jab anaa inoo khaarajiyey jabkii kalena waa kane hoo oo adu inoo khaaraji." Ninkii Tijaabo ahaa intuu jabkii ay Afro soo reebtay horay ooga dhuftay ayuu waxuu ku yiri orod oo gurigii qabo. Markuu Afro diray ka dib ayuu ragii oo qaar culumo yihiin dib ugu soo noqday isagoo waydiinaya in ay Afro saa ooga furantay iyo in kale. Ragii meesha joogay wax yar mooyee intooda badani waxay isku raaceen in arin tani xujo adag tahay oo culumada waa weyn loola tago. Sheekh magaciisa la oran Jiray Sheekh Faran ayaa loo la tagay si uu bal u furo xujada qabsatay xariifkii Tuujiye ahaa. Markii loo sharaxay ee uu sheekaddii dhuuxay ka dib wuxuu Sh.Faran ku soo gunaanaday in Tuujiye iyo Afro ay sii wada joogi karaan. Tuujiye markuu gaaray gurigiisii ayuu u waramay xaajiyadiisii Afro ka dibna dood gaaban oo sidan u dhacday ayaa dhex martay : Tuujiye: Xaajiyo ma ogtahay haduuna maanta Sheekh Faran cariga joogilahayn in dib oo danbeysa aadan indho ii saarteen? Afro: Maxaa? Tuujiye: Anoo ku dhahay halka lowska ah haddii aad liqdo iyo haddii aad tufto labada waad iga furantahay ayad jab idil iska cuntay. Afro: Ma ogtahay Tuujiyow haddaan markaa iyada ah rabilahaa in aan kala tagno jab baad tiriye in isaga dhan aan liqi lahaa oo aadan dib oo danbaysa indho ii saarteen? Tuujiye: Bal maxaad u wada liqi wayday aan aragno meesha aad ka dhacdee? Afro: Waan ogahay in aad baryahan danbe tii xumayd ee Wiilo la lahaa aad meelahaa iska qadhaafataan bal car hal danbe aan meelaha ku arko haddaanan gabigiisa dhanba hortaada liqin. Tuujiye: Haddaba waan kuu sheegay oo haddii aad hadda ka dib hal lows ah wada liqdo iyo haddii aad jab kaliya ka liqdo iyo haddii aad kiilooyin dhan dam ka siiso intaba waad iga furantahaye ee saa ula soco. Afro: War sow horta ma ogid markaan lowska cunaba in uu jacaylkeenu laba jibaarmo? Tuujiye: Warka badan naga dhaaf oo haddalkaanaga maqal waxan ku dhahay haddii lows danbe aan kugu arko banaanka ayaad tahay ama dhul ka qaad ama beer ka soo guro ama suuq ka soo kiilo miiso lows danbe yaana kaamaqlin oo yaana kugu arkin. Afro: Tuujiyow haddaas ayaad iska yeel-yeel-yeeshaa war lowska aan beeraha ka soo falan ama aan suuqa kasoo gadan muxuu yahay waa ogtahay inta jafadaqa yar ee xun la gado'e markaa gacaliye lows danbe igu arki maysid haddaad igu aragto anaa kaa gar daran'e ii soo fariiso bal oo kaalay shaahan cab. Tuujiye: Afro imaqal oo imaqal waxa aan ku sheegayo war ama aan kugu arko ama la dhuumo laakiin lows danbe hadduu bishimahaaga taabto banaanka ayaad tahay. Afro: Aboowe naga dhaaf wareerka badan oo kaalay aan cashaynee. Tuujiye: Ani ma kula cashaynaayi inta aa ka oranayso lows danbe bishimahayga saari maayo. Afro: Waa taan ku waayaa lows danbe bishimahayga saari maayo'e ee haddaba kaalay oo naga cashee niyow. Tuujiye: Horta orod oo soo rumayo dee. Afro: War wax yahow qalaadi haddaa cashada cunayso soo cun haddiikale intaada waan kuu ridayaa ee la soco. Tuujiye: Intayda ii rid, wax yahay gudaafada cuntaayi. Afro: Haddii aad ila cashayn waydo intaan beri baxo oon soo gato kiilo dhan ayaan hortaada ku dhilan doona haddii kale ila soo cun raashinka intuuna qaboobin. Tuujiye: Okey, Afro. Waan kula cashayni laakiin lows danbe yaana kaa maqlin. Afro: Balan waaye. ~//~ Share this post Link to post Share on other sites
Buuxo Posted December 15, 2008 ^LOL@galaas biya iskaga dhajiya. Armuun glass biya'ah nagu fiilneyn Maxaa looska la'iskugu diidaa ,Tuujiyey ma allergy ku ah. Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 15, 2008 LOL^Huuno intii aad ku saxan lahayd mid caano ah ka daba kabo oo si fiican bahasha iskooga deji. Tuujiye siduu u arkay xariifadiisa Afro oo dadka hortooda dhulka ka qaraabsanaysa hal laws ah wuu ka guban jiray wixii magaca lawska ku soo hadal qaada ilamaa waagii danbe loo bixiyey magac u eg lawsle, Mr.Laws. Reer Tuujiye baryihii danbe waxa loogu yeeri jiray 'Reer Laws' sidii reer weligood ka soo ganacsan jirtay lawska. Markaa, Tuujiye intii hore allergy buu ku ahaa inkastoo markii danbe isaga iyo reerkiisaba loogu yeeri jiray isla lawskii uu marka hore allergy-ga ku ahaa. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted December 18, 2008 @ "Hooy! Hooy! Afrooy! Haddaad halkaa lawska ah liqdo iyo hadddii aad soo tuftoba intaba waad iga furantahay ee la soco." War ileen! Oo looska maxaa loogu diiday Afro? Al macnaa, maxay tahay, calaashaan? Waxaa suuro gala in aan isticmaalo magac yadiina SOL, gaar ahan akhyarta magacyadoodu ku xusan yihiin hoos: Baashe, Bishaaro,Mafia, Wiilo, Tuujiye, Jabarjaan Xiin, Fandhaal, Kulmiye, iyo Afro. Habo, iska isticmaal, laakin axsaan samee, naag jamaljaan ah ha u isticmaalin magacayga or mid jaad ruugeeyso, lol thanks. Sida kale, waa OK. Oh, ragganna xaas oogama dhigi kadhid. Thanks. Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 18, 2008 Afro sheekadeedu tijaabo ayey ahayd markaa bal ii yara kaadi aan dib ugu noqdee. Sheekada soo socota adi iyo baashe waaye. Walaashiis oo ka weyn ayaad inoo ma talaysaa, saas ka waran habo? Share this post Link to post Share on other sites