Nephissa Posted March 1, 2005 Muqdisho-(BOL) -Fanaanka caanka ah ee soomaaliyeed oo lagu magacaabo xasan aadan samatar ayaa hees uu ku luqeeyo si la yaab leh loo badalay marka aad dhuuxdo guud ahaan miraha heestaasi oo lagu saleeyay marxaladaha qalafsan ee dalkeena soomaaliya ee mudooyonika 12 sano ee burburka, barakaca iyo baaba'a dadka soomaliyeed uu ku dhacay. Heestu waa hees ay dadka soomaaliyeed si aad ah u yaqaanaan waxaana lagu magacaabaa "Duceysane" miraha waxaa u sameeyay "Abwaan Tukaale" codka, laxanka iyo musiga waxaa iska leh "xasan aadan samatar" oo xiliga heestan ay soo baxaysay ku aadan abaarihii 1983, waxaana heestaas loogu tala galay ardaydii dugsiyada sare ka qalin jabisay ee dalka soomaaliya kana qeyb qaadanayay ololihii gurmadka, mashaariicda, horumarinta qaranka soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo ahayd (G.M.H.Q.). Mira ahaan heesta duceysane waxay ka tarjumeysay wiil dhalanyaro ah oo uu markuu dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare go'aansaday inuusan dalka ka dhoofin ee dalka iyo dadka daryeelo aabihiina sidaa uug duceeyay. Laakiin 12 sano ee dalka soomaaliya waxaa la oran karaa lama arkin duceysane ee waxaa la arkey duleysane taa waxaa daliil u ah dalka yaa burburiyay xabaalaha badan yaa keenay yaa ka dhoofshay warshadihii iyo waxyaabihii kale ee dalku lahaa marka heestan iyadoo xaaladahaan haatan markii la arkay ayay sidaan noqotay ileen duceysane ma jiree heestiina waa sedan:- Duleysane Duleysane wiilkeygiyow Anoo qori wataan ku dhalay Dabadeed waxaan gatay dhasiike Anoo waligay zuu wadan iyo Jiib baan kugu soo korshow Dalkeyga intaan duminaayay Ugaaskeyga daaro jeexday Dartaana saasaan u riday Rabigay iguma dilee Dib baan kaaga sheegayaa Markaad tarantasate dhameysay Adoon dibada u hilowbin Inaad qabiil daafac noqoto Hadaa dooratoo jeclaatay Hoobiyaan kuugu duceeyay -------------------------------- Aduunkaan intaad dul joogto Tareeso yaryareysi ma lahee Hadii rabi hub kuugu deeqo Ha noqon doqon fuley ahaado Beebeeshey yaan laguu xaman Dabajeex waligaa lahow Isbaaradana tixgali Dagaaladana daacad u ahow Hadiidinee tolkaaga raac Qabiilkaaga naftaada u hibay Waxaan daf iyo hirig ahayn Duleysanow kuguma ogi Murtidu duugowbi meysee Adiga & Inta kula duleysan Dardaaran idinka dhigayaa Raali ahow loolama jeedo erayadan waqtigu badalay shaqsi, koox ama qabiil balse su'aashu waxay tahay: a) dalka ma dad shisheeyaa burburiyay? b) mise dad duleysan ? c) mise dad duceysan? Waxaana erayaadaan loogu talagalay si qof kasta uu burburinta dalka u naco. Reported by: MAXAMED CUMAR "BAAKAAY" Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted March 2, 2005 Dabajeex waligaa lahow Isbaaradana tixgali Dagaaladana daacad u ahow Hadiidinee tolkaaga raac Qabiilkaaga naftaada u hibay Waxaan daf iyo hirig ahayn Duleysanow kuguma ogi Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted March 2, 2005 waaw bishaaro iyo baashi sidey iskuugu qurxanyihiin hadaad ogaan leheedeen sorry off-topic Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 2, 2005 ^^^^^ haye macda, duur-xul aa billaawdey miyaa Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted March 3, 2005 ^waxaan jeclahay inaan dadka caawiyo, when they can't see the obvious ...ajir raadiska maka heshay Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 3, 2005 ^^^^ lool, meelahaas meela ka daran aan aniga ajjir ka raadiyaa, adiga taada aaba fiican, ajjarkaagu waa laban-laab. Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted March 3, 2005 HEY! Waan idin maqlaayaa. sweeter then my tea, I lost my appetite after my breakup with Duleysane thanks anyways. How about you and Nuune hadaad isku qabataan Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted March 3, 2005 posted by bishaaro How about you and Nuune hadaad isku qabataan Afkaaga caano lagu qabay, labo qof oo laba dooda iska fiican aduunkaan ma jiraan, waa match made in heaven. Imagine Nuune iyo Sweeter_then_your_tea oo Ilmo isku dhaleen, what would they name their KIDS Gabar: Sour_than_your_RAQAY Wiil: Yariisoow or Babiyoow maansha allaaah, maansha allaah asxantu Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted March 4, 2005 ^^^caqliga aan kugu jeclahay......aabahaa la janee, ilaaheey hortaada qeer ha dhigo bishaaro - horta maku caawiyay mase maku caawinin? Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted March 4, 2005 How about you and Nuune hadaad isku qabataan ^^Bishaaro dear she cant do that, 'cause see nuune wuxuu u carbuunan yahay gabar la yiraahdo raula (Who is my best friend) marka haddii uu ka tillaabsado balantiisii ani iyo asiya waan isku dhecaynaa Go figure:.......... Share this post Link to post Share on other sites