Wiilo Posted January 25, 2005 Dhammaan Nomads waxaan idinka Codsanayaa Inaad soo Qortaan Heeso Wadani ah. Aad iyo aad ayaan oga helaa Fadlan Haddii aad Heyso ii soo Qor, waxaan Heysaataa Kuwo ay Qaadeen Maxamed Saleebaan Iyo Hibo iyo Hobodo kale balse waxaan rabaa kuwo Kale sida kuwii wadanka lagu Amaani Jiray. Waad Mahadsantihiin:...... Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted January 25, 2005 Wiilo, mahayo iyagoo qoraal ah, laakiin waxaad ka dhegaysankartaa iyagoo Maqal ah: ::: Hamarey.com - Wadani Nabad Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 25, 2005 Muad thanks walaalkiis waan fiirin nayaa insha allaah. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 26, 2005 Wiilo ,, anigu waxaan kuu hayaa gabay ,,, inkasta oo uu dheer yahay laakiin hadana waxaan filayaa inuu ku anfici doono ,,, Nin duddumo wacdiyayow Dan adaa u noogiye Dhagax inaad dubbaysiyo Dufan inaad marmarisaa Dareen waa isaga mide waxaan ula danleeyahay Ama taa la darajo ah Somaalidaan dedan Oo daqarro halisiyo Daabka culus ku dhacayee Misna aan dareenkiyo Caqli duxaba lagu arag !!. Dawladnimiyo sharafteed kuwa diiday ee nacay Ee daarad dhaxan badan Ku meersaday duggaalkee Dirri meel ah yuurura Dantiinnii gartaan iri. Masaakiinta daashee Dacaskiyo rafaadkiyo Darxumada ka dheregtee Wax u diirnaxaayiyo Duul caawinaayiyo Aan helayn daryeel iyo Daawiyo wax quudshiyo Wax daneeya oo raba Waa duul la ciilaye Halla daafacaan iri. Qabqablaha dibbirayee Doollaraadka haystee ******** wax dumisa le Oo darajo beeniyo Duub bililiqaa iyo Wax dhac tahay dantiisuba Dad-qalkaa wax jarayee Dam ka siiyay shacabkii Halla dayriyaan iri. Duunyadaan lahayn iyo Deeradiyo cawshii Qaalmaha la didiyee Dekedaha ka dhoofiyo Dheddigaan la daabulay Xooleheenna dabar-go’ay Dahab iyo macaadiin Dheemankeeni duugnaa Doqonkaan xaraashana Ha loo diro xabsaan iri. Halkaa diillin ii saar Dabra celi ujeeddada Daalaco wixii tagay Dulmanaha u buro daa Dacay geli cadaawaha Dalkiibaa hadlaayee Ha dacwiyo markiisoo Danihii ha sheegtee Su’aalahaan is-dabayaal Ummaddii u daabaca? Wuxuu yiri dadweynow Sow ma ahi dalkiinii Degelkaad ku dhalateen Degaankaad lahaydeen Maxaa lay duminayaa? Loo bur-buriyay daarihi? Waxa lay dayacayoo Lay dayrshay yaa garan? Nacab inuu i soo dago Miyaad doorbidaysaan? Maydin deeqi waayoo Ciriiri baad dareenteen? Dalagga iyo beeraha Miyaan iga dul-bixi Karin? Ninka yaambo daabtoo Dibjiryooday waa kuma?! Webiyada dur-durayiyo Dooxooyinkaygaan Dacar miyay dhadhamayaan? Baddaa deeqa Eebbaa Goormaad dayaysaan? Macaadiinta dihin iyo Daakhilkayga waxa yaal Nimcadaan ku daahnahay Yay dani kahaysaa?! Kuwa dibedda aadow Maxaa layga didayaa? Haddii aad i diiddeen Yaa iga dun wacanood Igu doorsanaysaan? Degaan miyaa qaxootigu? Dal ajnabi ma guri baa? Miyaa laygu kiin diray?! Aqoontiina dahabkaa Dunjigeeda yayska le? Maad igu dadaashaan Doqontiyo ma-garatada Dayradood miyaan ahay? Dhaxalkayga duuggaa Yaa dheefsan doonoo Hadhow loo dambariyaa?! Aawaye dadkaygii Digta igu dhacaysiyo Madfacaan i dooxiyo Dhiigga daadanaayee Dushaydii hareeyiyo Waxa daanno igu taal Yaan u dabagalaayoo Dacwaddayda yaa qori?! Tahriib doonayaashiyo Doonyaha la raacee Lagu daatay waayahan Daliil weeye igu filan Inaad iga rug-dayateen Dawladaha kaleetee Derisnimada ii xiga Way i daawadaanoo Dulligaan i haystay Dusha sare ka eegtaan !!. Ninkii dumi lahaa geel Uu sii didinayaa Ilayn doy ma celisee Hooyadii nin dayrshoo Daleel uga dhaqaaqana Inuu habaryar daadihin Diiwaan ma qorayee Jiilaal dangiigsaday Cawskiisa duuggaa Lama huro dabaadiye Midka iga dallacayow Adigiyo dadnimadaa!! Anigu daawadaan ahay Xummaantayda doonaha Duugaaya sharaftay Dibindaabyo taliyaha I duleedinaayiyo Midka daacaddayda ah Kala ogi dirkoodaba. Dad Islaama baan nahay Waayagaa ku doodee Diintay sheeganaayaan Ma dibnaha korkoodaa?! Haddaan ficilku daakhilin Oon lagu dabbakhin camal Aayad ruux dareershaa Dux miyuu ka helayaa?! Dulmi qoom bannaystaa Daal wuu ka haagiye ( ka dhargiye) Maxaa dirir ka xaasilay Aakhirana danab iyo Naar baa dambaysoo Diiwaan la qoraybaa Daabacan hortaadoo Dafir la is xaqiro iyo Doodi waa dhammaate Qof kastaa wuxuu dilay Wuxuu duudsiyoo dhacay Wuxuu daba-maryeeyoo Dulmanaha ka meersaday Dakanadiyo godobaha Deyn weeye laga rabo!! Dooddiina ii xiran. Xasan Bulxan Cali C/waaq, Soomaaliya Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 27, 2005 J'baro runtii aad iyo aad baan oga helay waadna ku mahadsantahay, haddii aad hesho heesana pls ii soo qoray. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 27, 2005 Halkan ayaad ka heli kartaa qaarkood iyaga oo maqal ah ,,, Wadani Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 27, 2005 here is another link Heeso Wadani Share this post Link to post Share on other sites
Shirwac Posted January 28, 2005 Can any one find these songs in MP3? Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 28, 2005 Inkasta oo aan aniga raadinayay Heeso wadani ah oo qoraal ah haddana waxaan filayaa in dhagaysiguba uu ok yahay, waad ku mahadsantihiin dhammaantiin. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 29, 2005 wiilo, intan yarta ah waxey ka hadleysaa calankeena iyo dhibka loo soo marey, translation in englsih as well Hinjinne u sara kaca Calankaan harraad iyo Haydaar u mudateen. Hir cagaarku qariyayiyo Habkay samadu tahayoo Xiddig dhiigleh hoorshoo Caddaan lagu hadheeyaay. Maxaa haybad kugu yaal. Arise with strength! For we have raised our flag, The flag which has cost us dear With extremes of thirst and pain. Our flag, whose colours are the everlasting green of the earth, The blue of the sky, and white, the colour of peace; And in the centre the red star of blood. Oh flag of ours, what a glorious sight! I hop u may like it Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 29, 2005 nuune sxb its excellent thanks Share this post Link to post Share on other sites