Som@li Posted January 18, 2005 Dakhli liita. Waxbarasho hoosaysa. Baagamuuddo badan. Dhallinyaro danbiilayaal ah. Kuwii wax caawinjirey oo khaati ka taagan. Markay Norway imaanayeen waxay u qabeen inay Jannadii soo galayaan. Qaarbadan oo soomaali ah waxayba soo galeen Cadaabtii"..................... maqaalkii oo dhana waaa kan. SOOMAALIDA NORWAY OO DAD-DILNIMO LAGU EEDEEYEY asalaamu calaykum, salaan ka dib,,arinkan soomaalida lagu eedaynayo maxaa ka jira? inte in le'eg baa barobagaando ,intee baa run ah,Waxaan aamin sanahay in wax badani run yihiin, ilayn duul la iska ma naco eh. Bal qolyihina yurub jooga sheekooyinkan waxa ka jira iyo waxaad ka qabtaan nala soo socodsiiya? inkastooyna yurub ku koobnayn. walaalkin farxaan Share this post Link to post Share on other sites
Golden Girl Posted January 26, 2005 Ilaaheey hau naxariisto somaliada Norwey, iyo soomali meelkastoo joogto, ayaantan dada waalan aa magaca somalida ku ciyaara! yaa rabbi Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 26, 2005 Haye ,, somaalidu istaraasho may noqdeen wixii wasakh ah oo dhan la iskaga tiro ,,,, Ilaahay ha inoo sahlo ,,,, Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 26, 2005 Aamiin , Maahmaah Soomaali baa oranaysa "Rag aamusay, iyo riyo aamusayba, reerkoodii gabe"....Raalli ahaada gabdhow kolleey maahmaahooyinka Soomaalida rag baa hogaanka u hayey waagii hore oo malaha gabdhahaba lagama qayb gelin jirin. Amaba luuqaddan faca yar baa kolley Rag (markaan oo kale ay u taagan tahay rag iyo dumarba). Ujeeddada aan u soo qaatay maahmaahdan haddaan u soo dhaadhaco Soomaali cidna u hadli mayso illaa ay inta iskuduubni muujiyaan ay meel kasta ay joogaanba si asluubi ku jirto sharaftooda u daaficin. Arrimaha eedeymaha khaldan ayaan duulkeenna ku cusbayn: Waxaa xitaa UK ka dhacday in la yiraahdo Soomaali baa dameero la waayey qalatay oo hilibkooda cuntay! waa yaab!!! Wax la qasho oo la banneeyey oo ilaahey badiyey waaba hilib dameer. Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 28, 2005 Umadi Ilaahay dhib ma galiyo ilaa ay ayagu lugahooda ku doontaan Soomaali ibtilo iyo dhib bay cagahooda ku doonteen dhibna ka dhammaan maayo ilaa ay u soo noqondaan Allaah diintiisa. Runtii waa arin naxdin leh in aynu is layno dilkuna uu wax qiimo ahi inoogu fadhiyin. Xumaan oo dhan waxay timaadaan kolka laga dheeraado Ilaahay diintiisa marka Allaah ha inoo dhambi dhaafo hanuunna asiga baan way diisanaynaa. Wabillaahi Towfiiq:........... Share this post Link to post Share on other sites