Sign in to follow this  
Wiilo

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?

Recommended Posts

Wiilo   

Af-qalaad Aqoontu Miyaa? Part I:

 

Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad?

 

W.Q A.C.M. Khayre iyo M.C.Cibaar

 

 

Hordhac

 

Qormadan aan ku magacownay af-qalaad aqoonta miyaa? Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay xaaladda qatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo, kaasoo la dhihi karo waa xididka ugu muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali weyn meel kasta oo ay joogto. Maadaama arimihii kale ee umadda isku hayey ay dhibaatooyin ka taagan yihiin; sida calankii,dhaqankii, dhulkii iyo wada dhalashadiiba.

 

Soomaaliya waxa ay nasiib u yeelatay in ay kamid noqoto saddexda wadan ee qaaradda Afrika looga hadlo halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaziland iyo Lesotho oo ah wadamo aad u yar yar. Bal akhristow u fiirso nimcada Ilaahey nasiiyey ee aan laga faa’iidaysanayn. Wadanka aan dariska nahay ee Itoobiya, waxaa looga hadlaa in kabadan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood.

 

Hadaba qormadan haddii Alle idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su'aalo ay udub dhexaad u tahay: maxaa keenay dadka soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galadaystay uuna siiyey hal af, in ay maanta kuwada xiriiraan luqado qalaad?

 

Quursiga iyo ku qanacsanaan la'aanta Af- Soomaaliga

 

Haddii aad u fiirsatid inta badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad isweydiinaysaa goorma ayay qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad ; sida kala qorashada telefoonada, cinwaanada iyo wixii lamid ah. Waxaa suurto gal ah in aan inteenna badan aragno laba qof oo soomaali ah oo ku xiiqsan ineey isku yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka yar, maadaama labadooda midkood ay ku adagtahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala duwan sida ( oow, two, sei, acht …..iwm.).taasoo laga yaabo in waqti dheer uga dhumo,oo haddana waliba ay suurto gal tahay in wixii leysku yeerinayay qalad loo kala qorto. Hadaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo, maxaa na geliyay dhibaato aan alle nabadin? Oo keenay inaan quursanno kuna qanci weyno afkeenna qaaliga ah.

 

Arinta kale oo aad layaabka u lehi waxa ay tahay, in qoraalada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoranyihiin luqadaha qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraaladda qaar loogu talo galay dad aan Soomaali ahayn. Waxase aan kahadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ,isla markaana lagu qorayo af ajnabi. Qormooyinkaas qaarkood malaha wax nuxur ah, waxaana intaa usii dheer dhaliil luqadeed.

 

Waxa kale oo jira in dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqadoodii asalka ahayd. Waxaana wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsanyihiin oo ayba ku faanayaan in aan caruurtoodu af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku gabyaan luqadaha qalaad!!.

 

Dadka luqadaha kale wax ku soo bartay ayaa iyagana ku tacadiya luqada Soomaaliga,waxaadna arkaysaa marar badan iyada oo aysan hadaladooda lasocon karin dad aan aqoon ulahayn luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo in ay jiraan erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in 'off course, allora, iyo Maca-daalika' laga dhamaan waayo.

 

Waxaa kale oo in laxuso mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada, kuwaasoo aad arkayso in la dafirayo af-soomaaligii laguna daadihinayo luqado qalaad. Shir dadka jooga ay 99% Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la yaabe, ma 1% ka ajnabiga ah ayaa lagu qadarinayaa arintaas, mise ku hadalka afka qalaad ayaaba, ammaan, iyo ilbaxnimo loo haystaa?

 

Heerka ay gaartay xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-soomaaliga waxaad si dhab ah uga arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la yimaadeen siyaasiyiin isku sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u fiirso qoraaladda ka waramaya qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hogaanka wadanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-soomaali? Imisa ayaase ku qoran af ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraaladani ma barnaamij loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ineey aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu qiimeeyaanbaa? Mise waa lifaaq lasocda arji ku socda qoom iyo qaarado kale?!!!

 

Qaybta labaad qoraalka way soo socotaa,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this