Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Qaababka Guurska Soomaaliyeed

Recommended Posts

bilan   

sorry laakiin guurkaas badankooda waxay ula dhaqmaan gadhahu inay xoolo yihiin oo kale, somalida gabdhaha waxay u dhici jireen dida xoolaha oo kale. ever heard tafadhiig.laakiin siduu u jiraa udub qabsi,waligay maan maqlin sideese loo casriyeeyey hada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Bilan macaanto waan kuugu raacsanahay in markii horre Soomaalida ay si xun ula dhaqmi jireen Dumarka laakiin haddana maahan in Soomaali oo dhan sidaa Dumarku ula dhaqmi jireen.

 

 

Waxaan jeclaanlahaa inaan wax yar ka iraahdo Soomaalida ku dhaqan Gobolka aan daganahay iyo qaabka guurka iyo waliba sida fudud ee had iyo jeer guurku u bur buro, balse hadda xoogaa baan yara mashquulsanahay balse I'll get back to it insha Allaah.

 

Wabillaah:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalida ayaa ugu fiican sida dumarka loola dhaqmo waqtigan hadda lagu jiro ,,,, way dhacday in taariikhdeenii hore si xun oo bani aadam nimada ka baxsan loola dhaqmi jiray laakiin hadda waa la ilbaxay marka caalamka oo dhan la fiirshana soomaalidaa ugu wanaagsan gaar ahaan kuwa wadamada debedaha ku nool,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro sxb dunida oo idil marka la eego ee lacabiro fiicnaanta iyo xumaanta waxaa miisaankiisu bataa xumaanta guurka Soomaalidana waa sidoo kale. Xiliyadan dambe waxaad moodaa ama aad aragtaa in uu guurku sidiisaba uu Qiime lahayn taasina waxaa sabab u ah ama dhaliya sida kolka horre uu guurku ku bilowdo.

 

Tusaale ahaan haddii aan u soo qaayo Gobolkani aan ku noolahay waxaa arkaysaa Gabar iyo wiil baa is baranaya markii ay in muddo ahi wada socdaan bay waxay go'aan ku gaaraan inay iskuursadaan runtii taasi ma xuma oo guurku waa arin muhim ah oo loo baahan yahay bulsho ahaan balse guurku wuxuu la yimaadaa ama uu wataa masuuliyad fara badan oo ka iman karta dhan walba. Waxaa dhici karaysa in uu wiilku ku jiro Dugsi Sare Gabadhuna sidoo kale waxayna doonayaan inay is guursadaan wiilkii baa ka tagaya iskuulka laba sano buu shaqaynayaa kolkii uu ururiyo ilaa iyo dhowr kun buu ku yiraahdaa Gabadhii intan baan sameeyay ama aan ururriyay marka aynu dhiganno aroos sidii bay ku dhigtaan aroos kolkii laga baxo todobada aa waxaa la gartaa inaan la hayn iskuul iyo qasho toona wax lacagina aan la haysan oo intii inanka uu sameeyay waxay ku baxday arooskii oo lagu qarash gareeyay marka waa hadda iyo dan gabadhu waxay tiraahdaa haddii aan shaqayn lahaa gaari mahaysto adigana sidoo kale dee maxaynu samaynaa dee waxba ii ma haysid anna dee waxba kuu mahayo maxaynu yeelnaa dee aan is furno oon laga tagno qof walibana dee dantiisu ha raacdo markaa baa laba bilood kadib baa maqlaysaa oo hebal iyo heblaayo way is fureen. Horaa Soomaali u tiri "Geed fudeyd lagu koraa fudeyd baa looga soo degtaa."

 

Marka guurku aad buu u qiima jabay tan kaliyana maahan runtii wax yaabaha sababa in lays furo. Waxaa kaloo jirta in rag badan oo Soomaali ah ay caadaysteen kolka ay shaqada ka yimaadaan intii ay soo aadi lahaayeen guryahooda bay aadan STARTBUCKS ama Maqaayadaha Soomaalidu ay leeyihiin oo ay ilaa iyo inta laga xerayo soo joogaan gabadhiina ay dhax bood boodo shantii caruur ee uu ilaahay siiyay markaasay ku wareertaa oo ku dhibtoodaa markii ay qaadan waysane tiraahdaa war haddii aadan caruurtu ila korinaynin dee kagu kala kaxee oo sidaa qooskii ku dumaa ama uu ku burburaa. Marka Allaah inuu u gargaaro mooyee ummaddani dhib fara badan baa haysta haba ugu darnaadeenne kuwa ku nool dulalkan reer galbeedku leeyihiin.

 

Wabillaahi Towfiiq:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this