Wiilo Posted December 9, 2004 "Nin walbow digtoonow" Deelkiisa gabay waayadaan waanigaan deyine Hadaan oday dagaal noola iman maba danayeene Balaan didiyo maantoo kaloo diirad leeyahaye Odagii doolaalayoo waxbadan dunida soo meeray Oo wuxu damleeyaba u dhacay diinta inu maago Dawbuu u leeyahay khalqigu inay ladoodaane Dariiqii rasuulkiyo hadaad diidey hadalkiisa Oo aadan dooneyn waxyiga eebe nagu daahay Dacwadaadu maxamadow iima sii duxine Hayeeshee dad badan baa jiroo diinta garnayne Oon sahal u daalacana karin waxa ad dooneyso kuwaasaan digniin siinayaa yaadan dabargoyne Dadow maqal dabuubtana lasoco ama dan hawyeelan Dulucdiyo iyo ujeedada ninkani ma’aha diindoone Deelqaaf iyo wuxuu damacsan yahay xaqa inuu duugo Ninkii diin leh lama dagi karoo kaa damiir adage Dajaalanna horaa loo arkoo waan digtoonahaye Doqontiyo waxuu doonayaa ducuful iimaanka War intuu aayadaha daalacduu qayb dafirayaaye Hadii aanad doonayn inaad dawga ka habowdo Ruuxwalbow digtoonow Richard daahsan baa yimiye Hadii oday duqooboo ciradu duudka wada saaqday Uu qaar dafiro aayadaha xaqana dii daayo Durdurada xageebey ku tegi ubadkan duulaaya ? Markii aan daraasadaa cilmiga fiirshey dacalkooda Oon aan duruus badan kadeyey camalka dawgaaga Nin ibliis dureewal uyahoo duufsadaad tahaye Kol hadaad da’daas gaartayoo deelna garnaynin Oo xaqiina soo daahiroo diirka ka cadaaday Darooriga waxa kaaga roon diinta inad raacdo Dariiqaad ku joogtaan adeer kaaga digayaaye Cisyaankaad daldalaysaan walee lagu deynenye Jaxiimada intaan lagugu dubin dib uga soo joogso Naar buu durduurtaa ninkii diinta caasiya’e War si aan ilaah kuu dirin dalowga naaraaba Aan kula dardaarmee hadeer daacada u jeenso (daayinow alahayow soomaali daba qabo) Gabaygaan waxaa tiriyay Faisal Mussa Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 9, 2004 gooooooooooooooooood,, Laakiin yuu la hadlayaa ,,,, qofkan uu canaanayaa waa ayo ??? . . . . Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted December 10, 2004 I guess he is talking to Somaliweyn.............. Go figure:...... Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 10, 2004 ALLE TUUG - Waxa Tiriyay Abwaan Dhoodaan Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e Bari iyo adigaanay galbeed kula balaadhnayne Sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e Adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure Baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos galine Adigaa wixii aad burburin berina joogayne Baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye Barashada cilmiga diinta yaan baafiyaa waliye Masaladii la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye In aad diinta ii badisid baan kaa baryahayaaye Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye Baradaydii gaal baa fadhiya buuran tabartaye Mana badheedhi karoo ninkaa baaqsadaan ahaye Inaad iga bixisaan rabaa oon kaa baryahayaaye Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha Oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh Oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye Umad baylahda u diid yaan kaa baryahayaaye?? Bangi lacag ah geel badan rag loo adhigu uu buuxo Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii bowdka miranayso Oon bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye Ummad bixisa oon diidin baan kaa baryahayaaye Xeroow aan bilowgii cilmiga baran kitaabkiisa Oo imaamyadii wada billaa balah u sheegeeya Isaguna inuu ******* yahay baabka lagu sheegye Barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye Barbaar aan cibaada Alliyo Boqor adeecaynin Oo baarka siinaay kalkii bal u budlinaaya?? Oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay Inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye Dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo ku buuraanin Asturkii kolkii laga baxay bay sii burburiyeene Waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye Boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa Barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay Adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye Hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye Beeshii haddii aan wada marayoon baal walba u eegay Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba In halaag kusoo beegan yahay baabka lagu shegye Bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye Waxa Tiriyay Abwaan Dhoodaan Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted December 13, 2004 Asc wr wb; Kobtani ma labadiina basay u xidhan tahay mise waa la idinkula dabbaalan karaa; gabaygaan soo shanqadh raacay. Wiilo gabadhaha Soomaaliyeed waxaa ku jira kuwo aad u gabay fiican runtii Faiza cid ay la hadlaysayba way gabayday, ma jiraan gabayo kale oo ay tirisay ,,,,,,,,,, Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 13, 2004 Fandhaal, Cidna uma xidhan ee ku soo dhowow laakiin waa keliya hadii aad wax isla hayso ,, ,,,,, hadii kele yaan boodhku kugu diline iskaga carar Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted December 14, 2004 http://golkhatumo.com/Poet.htm Check this web site,,, Gabayo fara badan baa ku jiro waliba Qiima leh................. Go figure:........... Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 14, 2004 Mahadsanid Wiilo ,,,, kollayba hore umaan arag laakiin aad buu u fiican yahay ,,, adinaga kan ila fiiri : Aftahan Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted December 14, 2004 Thanks waan isnaqaanaa kan,,,,,,, Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted December 16, 2004 Jacayl baro mahadsanid sxb maansadaa isoo jiidatay marka waad garan kartaa inaan sidii ceel soo burqan doono lol Qarnigaa badalay maansadii qaaliga ahayd e kan qudh qudhiya geeraarka aad looma qaayibo e Dhoodaan ma cid gabaydaa iminka hadhay waxaan mooday in waa hore ay god galeen intii gabyi jirtaye bal site kan ila fiiriya anigana www.doollo.com Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted December 16, 2004 thanks walaalkiis Go figure:............. Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted December 18, 2004 Anigii iyo mar kale; Gabayaaga soomaaliyeed inta badan murtidooda waxay ku cabiri jireen wax kasta oo maankoodu dareemo maskaxdooduna u muuqda. waxaa inta badan caadi ahaan jirtay inay ka hadlaan guurka, geela, gulufka, deegaanka, jacaylka IWM. Laakiin waxaa jira gabayaa kooban oo murtidooda ku cabiri jiray waxa ka dhacay deegaamo aad uga fog fog oo sawir buuxa uga bixin jiray dadka ay la daganyihiin sidii iyagoo aqoon dheeri ah u leh. Haddaba ma haysaa gabayadaas, aniga midkan iga qabta; Eebow Casiisow adaa, caadiloo talinee Dadkii cudur ka yaabaa diloo, lagu cabsiiyaaye Waxaa colkiisa laga khoofayaa, caasi gaalo ahe Cadwa nimanka yaalaan hurdada, caafimaad ladine Cowbaartii Xamar looga caag, calafkii dheefeede Carradaynu joognana waa, caabuq lagu reebye Faransiiska soo cararayee, camanka tuuraaya Iyo Talyaanigaa colkiyo bursashada, looga caalwaayey Ee cagaha meel uu dhigo iyo, ciirsashaba waayey Jarmalkaan cadaan iyo madow, qollo ka ceesaynin Colka dumay cawayskii marshada, soo cidgali wayday Cadka waaga ciiryaamadaa, caddar la moodaayo Cirka waxa lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona Iyo saarkaa ciyaayeen ladayn, caw oiyo leyl Een cashana joogsanayn sanno, col weeyaane Rabbi nama cidhiidhyine dad, waa cabsanaayaaye Cawyaha badeed maydku waa, cowskan oo kale e Mowjadaha dhiigii camirray, maanyada caseeye Cumdow dhimo coomaadibaa, cunay ragoodii Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene Ceegada dadkii caydhsan jiray, dirirkii caatowye Caatibo la’aan buu Bankii, ceeg usoo dagaye Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye Caawimo haddii uu doonana waa, caynka raaciye e Gaaladan is cayntaarin ee la isku, cayn qaaday Ee qaarba qaar cunahayee, caymo kala wayday Culimadu siday sheegeen waa, camal jihaadkiiye Calankiyo Islaamkaa u dambayn, cudud la sheegtaaye Cilmi qaarkii laysma cudriyee, cayn kalaa imane Marbuu dirirku noo curan oo, ceesh naloo furiye Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted December 19, 2004 Very Good one indeed Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted December 19, 2004 Mahadsanid Wiilo; waan iloobay inaan xuso gabaygaa waxaa tiriyay Maxamed Cumar Dage, wuxuuna leeyaya dhawr gabay oo kale oo uu ka tiriyay dagaalkii II ee adduunka. Mahadsanidin. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 19, 2004 Haa gabay aad u fiican buu ahaa ,,,,, Share this post Link to post Share on other sites