Baashi Posted November 29, 2004 Dibadjoog waa nin dalmar ah oo ku nool magaalo ku taal Mareykanka oo la yiraahdo Alexandria (VA). Xagga muuqaalka waa nin dherer iyo lixaad u dhashay. Da’diisu qiyaastii waa 29 jir. Bidaar si xun u bilaabatay oo sii siqeysa laakiin yara cusub buu leeyahay. Lugta bidix wuu ka yara dhutiyaa marka uu soconayo. Dadka aadka u yaqaan waxay yiraahdeen waa nin hadal yar oo aan si sahal ah loo garan karin waxa uu aaminsan yahay. Sidiisaba nin shido-yarri u dhashay weeye Dibadjoog. Miyir, aamus, iyo gooni-u-socodnimo yuu caan ku yahay oo lagu yaqaan. Inkasta oo uu mudo badan joogey Mareykanka waa nin aysan ladnaan ka muuqan. Diif iyo daal badan yaa markastaba dhafoorkiisa ku yaal. Mararka qaar dariska waxay sheegeen in ay dhowr jeer arkeen issaga oo kaligii isla hadlaya oo waliba inta geesaha eega kor gacmaha u taagtaagaya. Markii ugu horeysey ee aan la kulmo Dibadjoog Warsame Liibaan waxay aheyd abaarihii sanadka 1998-dii. Waxa aanu isku aragnay maktabad xaafada ku taal. Bariidin ka dib, waxa uu i weydiiyey Hibaaq in aan aqaan. Markuu hubsaday in aan aqaan ayuu si degan waxa uu ii su’aalay aqoonta aan u leeyahy inta ay le’eg tahay. Hibaaq waa gabar 32 jir ah oo wax ka dhigta dugsiga sare ee Shekopee High. Waa innan aa la guursan wali. Xurmo badan iyo wanaag baa lagu yaqaan, aqoon maadi ahna waa lagu tuhmaa. Halkaa yaanu isku baranay sidaana isuma aanu arkin jirin intabadan. Mar mar ayuu imaan jiray halka aannu ku ciyaarno kubada issaga oo luga-baxsi iyo jimicsi dartii u ordaya. Inta badan dhallintu way ku qosli jirtay sideedana wax ka sheegiisa ma ahayn wax lala yaabo maadaama badanaa yar iyo weyn dadka xaafada degan ay sheekooyinkiisa la hadal heyn jiray. Sheekooyinka laga sheego inay ku dhacday Dibadjoog waa badan yihiin. Inta badan wey is khilaafsan yihiin oo hadba waxay ku xiran tahay qofka markaa k taariikheynaya. Laakiin waxay dhamaantood wadaagaan xiiso-badnida. Dhowr jeer hadii uu i bariidiyey oo uu waliba I weydiiyey su’aalo ujeedadoodu tahay barasho ayaan waxa aan bilaabay inaan anna weydiiyo su’aalo kuwaa la mid ah. Berrigaa fahamkeygu waxuu ahaa in ninkaanu wax u dhiman yihiin sida aan dadka ka maqlay sidaa aawadeed si feejignaan leh yaan u qaabiliyey Dibadjoog. Bal aan eego halka aan gaarsiiyo... Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 30, 2004 Haye ,, ka soco ! ! ! Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted December 1, 2004 Barasho guud ka dib, waxa ii cadaatay in ninkan Dibadjoog la yiraahdo aanu aheyn nin si sahal ah loo maleyn karo. Masjidka wuu tagaa oo salaada waa nin tukada, hadana waa daa’imal khamri daasadaha jara. Anshaxa, waa nin garanaya sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo misana ilaahay amarkii mararka qaar waxaa dhacda in uusan u jawaabin waayeel hor ilaahay u bariidinaya oo leh salaamu caleykum. Waa nin jecel in uu maarmo oo aanu qofna mudan misana marka la soo muto waa nin si gobonimo leh dadka mutay u hagaajiya. Ballanta waa nin dhowra hadii uu galo hadana waa nin aan caroon hadii laga soo daaho ama bilaa cudur-daar ballanxumo lagula kaco. Sagaal bilood muddo dhan yaanu anniga iyo Dibadjoog ugu yaraan hal mar bishii kobta shaaha lagu iibsho ee Starbuck-ga isku arkeyney. Goor fiid ah abbaaraha waqtiga, dabayl ufo leh ay ka dhaceyso dibada, oo markaa inta aan cirka sare u eegay aan is-leeyahay tolow ma roob mahiigaan ah baa malaha caawa di’i doona, yaan waxaan sheeda bidix iiga muuqday ninkii Dibadjoog ahaa oo dhoola cadeeynaya. Saa xagiisaan inta u dhaqaaqay is iri la fariiso. Markaan soo dul istaagay buu aayar issaga oo aan ila hadlin inta sara-kacay iska dhaqaaqay. Waxaan is iri malaha suuliguu qabtay. Miiska uu fadhiyey wargeys af-dheer oo la yiraahdo HARPERS oo aalaaba ka faalooda suugaanta iyo curinta sheekooyinka halaasiga ah ee buugta lagu qoro baa dul saaraa. Kii baan ku yara mashquuley. Ka tag! Ninkii Dibadjoog ahaa bal addigu sheeg halka uu jaan iyo cirib dhigay. Waan iska hoyday. Bil ka dib, maktabada dibadadeeda hore, kobta gawaarida lagu tiirsho baa gacanta la iiga haadiyey. Saa geesahaan dhugtay bal in cid kale ay tahay cida gacanta loo haadinayo. La ima wahelin. Waxaan tagay halka la iiga baaqay. Mise waa Hibaaq oo si wax ka yihiin. Boowe maxaa ninka ‘loooseeer’ ka ah ku daba galiyey oo aad ula saaxiibtay? bey I tiri oo inta codka kor u qaaday bey sii wadatay oo misana weydiin kale ii calisey ayadoo leh wali ma isweydiisey waxa ninkaan lagu takooray. Waxaan damcay dhowr jeer inaan inta is gariirixiyo iraahdo ma intaa baad iigu yeertay misana waxaan is iri bal hadalka ha dhameys tirto ee ha ku kala gooyn. Aamus yar ka dib, Hibaaq way is garatay in ay yara deg-degtay. Inta cabaar I sugtay bey tiri aboowe hadii aad ogtahay waxa aan maqlay oo la iiga sheegay wallaahi addiguba sideydaad yeeli lahayd oo waad ii naxi lahayd hadaad igu aragtid agtiisa. Maxaad maqashiyo maxaa lagaaga sheegay midna ma oran ee inta u mahad-celiyey baan waxa aan ku iri bal waan u dhaba-gelayaa sida wax yihiin. Waxaan maankeyga ku soo dhacday tixgelinta iyo maamuuska ay ku leedahay Hibaaq issaga agtiisa iyo qadarinta uu u hayo iyadda Dibadjoog. La soco... **akhris kaliya** Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted December 1, 2004 Baashi, font ka inaga badal ina eedo, indhahii baa igu wareeraye. Mahadsanid. Share this post Link to post Share on other sites
Maymuunah Posted December 3, 2004 I am just curious..ninka maxaa lagu arkay taloow.taasaanba sugi la'ahay Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted December 27, 2004 Ayaan hadii la joogay baan waxaan isku aragnay ninkii Dibadjoog ahaa suuqa laga adeegto. Waan is bariidinay deetana waxaanu ku ballanay in aan wada qaxweyno habeenka Sabtiga ah. Waxaannu isugu nimid Barnes and Nobles Book Stores oo kaabiga u saaran xaafada aan degenahay. Cabaar iyo sheeko guud ka dib, waxaan gartay in aaney jirin arrin gaar ah oo aan ka wada hadleyno. Inta badan anniga ayaa sheekeynayay. Waxay ila noqotay in aan weydiiyo arrin aan xiiso badan u qabay in aan gunteeda soo taabto, waxaan u sheegay in aan maqley warar badan iyo sheekooyin iska hor imaanaya oo assaga ku saabsan. Waxaan fahansiiyey in aan door biday in ay haboon tahay inaan issaga ka hubsado bal arrimahaa in ay wax ka jiraan iyo in kale. Dibadjoog waxuu iigu jawaabay “Maxay yihiin sheekooyinka iyo wararka aad maqashay?†Halkii baan ka bilaabay. Waxaan u sheegay in sida aan dariska iyo asxaabta aan ka maqlay uu yahay: nin xabsi Philadelphia ku yaal ku xirnaa mudo 4 sanno ah...Inuu yahay nin aan ehel iyo qaraabo aan lahayn...Inuu yahay nin dhiig Muslim qaba oo issaga gacantiisa ku dilay xaaskiisii. Inuu ku barbaaray Italy oo ay soo korsadeen dad ajnabi ah...inuu mar waashay...iyo inuu mar ka ahaa mu’adin masjidka Toronta ku yaal ka adima. “Ilaa hada sheekooyin iska hor imaanaya iima aadan sheegin†si sahal inta u yiri, oo sare istaagay, buu iska dhaqaaqay! Yaab iyo amakaag! Aad baan u carooday. Xushmad iyo qadarin la’aan baan is tusay in uu igula dhaqmay. Waa markii labaad...dib danbe ha ula hadlin wax dambena ha ku darsan, yaan niyada is ka iri. Ilaa muddo ah is maanu arag. Waxaa xaafada ka dhacay meher, dariska inta badan waa la marti galiyey. Meesha aan fadhinay waxay ahayd meel ragga kaliya loogu talogalay oo wax dumar ah ma joogin kamana muuqan agagaarka oo dhan. Sida caadada ah, wiilka guursanaya xigtadiisa nin wakiil ka ah yaa hadalka furay. Waxa uu ka sheekeeyey in gabadha iyo wiilkuba ay yihiin dad aan kala fogeyn. Waxa uu ku soo gabagabeeyey in ay doonayaan gabadha la yiraahdo Hibaaq Gallad Ahmed. Gabadha aabaheed baa hadalkii qaatay, issagana hadal dheer buu jeediyey waxa uuna ku soo gabagabeeyey in uu siiyey Hibaaq wiilka soo doonay Mukhtaar Ali Calas. Sheekh Abdixaamid ayaa marka uu baaqay Mukhtaar inuu soo dhawaado si uu meherka u fuliyo. Halkaa marka ay mareyso oo dadku wada aamusan yahay farxad iyo reynreyn badanna ay wajigooda ka muuqato. Yaa nin meel aan ka fogeyn sheekh Abdixaamid oo aan markaa ii muuqan yiri “Sheekh Hibaaq annigey igu mehersan tahay oo ay xaaskeygii tahayâ€. Hal mar baa buuq iyo bulaan meeshii ka bilowdey. Dhallintii horteyda fadhiday waa istaagteen si ay u arkaan ninka hadlaya ee leh Hibaaq ninkeedii baan ahay. Dibada baan u soo baxay markii buuqii iyo qeyladii ay badatay. Dadka qaar baa lahaa Adeer Gallad Ahmed waxuu yiri waa nin waalan ninkan ee police ha loogu yeero deetana meherka ha la dhameys tiro. Laakiin Sheekh Abdixaamid baa diiday.... Share this post Link to post Share on other sites
Dhagax-Tuur Posted December 27, 2004 Baashi, Qoraa kobcayaa tahay. Shaqada hanaanka wacan leh, daadihi, walaal. Isticmaalkaaga ereyada iyo sida ay sheekadu iskugu duba-dhacayso, dhamaan waa astaan qoraa kobcaya oo leh dhamaan ifa-faalihii qoraa faraha looga guban doono. nasiib wacan. Ha iga iloobin markii buugo soo baxo inaan saxiix iigu dhufato. Dabcan, waana dhiibayaa qarashka. Nasiib wacan, saaxiib. Salaam... Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 28, 2004 Sxb akhrin fiican. haye xagee maroosaa ninka waalnaa jeelka maa lagu tuuray. Baashi jini maa qabtaa dad maa soo dishe maa kudhehee hadiis soo dilay xitaa, arabaciinkaa kujirtaa walahi adiga. Share this post Link to post Share on other sites
Jabarjaan Posted December 29, 2004 waa wareeey sheekadaan wey igu socotaa cirbad camal baashi soo boobsii abaa qiso igu dhacday u egtahee kix kix kix Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted December 30, 2004 ^ **Ha ilaabina (ilaawina) waxu waa sheeko-baraleey laakiinse macnaa ku jira...ma maqasheen ninkii isbartiibada ku orod la yiri ee inta daalay yiri aryaa maha dhulaa ku juro ** ------ Halkaa markay botorineyso Buuqii iyo bulaankii baa sii kordhay. Martidii baa laba loo kala baxay bar difaacaya gabadha la mehersanayay iyo bar leh gabadha xarig meherba kuma xirmo marba hadii la qabo oo ninku la soo taagan yahay waa xaaskeygii. Labada qoys ee wiilka iyo gabadha aan meherkooda u fadhinay ka socday, ninkii sheeganayey in Hibaaq uu ninkeedii issagu yahay oo meherkiisu ka horeeyey midkan, Sheekh Abdixaamid, iyo rag wax-garad ah yaa gooni daarta dabaqa shanaad is la aaday. Waxa la wariyey in ay wax ka jiraan ninkan warka uu sheegay. Qaar baa lahaa ninkan issagaa reer Gallad sabab u ahaa imaanshahooda oo waaba ninkii ka codsadey waaxda socdaalka in loo keeno afadiisa iyo qoyskeeda. Qaar kale baa lahaa waa run e laakiin meherku meher dhab ah ma aheyn e waxuu ahaa mid uu ku caawinayey reerka oo daruuf adag kala kulmey dagaalkii sokeeye. Nin aanan markaa garaneynin horeyna aanan xaafada ugu arag baa yiri “annaa aqoon gaar ah u leh arrintanâ€. Waxuu noo sheegay in Hibaaq iyo ninkan sheeko ka dhaxeysey oo ay ku ballameen in ay is guursadaan. Markii ay halakan isugu yimaadeena ay gabadhu ninkan ku aragtay cillado aysan ku guursan karin. Issagana cidna uguma ashtakoon hawshuna labadooda maba ay soo dhaafin. Waxuu intaa raaciyey in ninkan haatan mudaciga ah uuba isagga tagay Virginia oo uu aaday halkaa iyo Atlanta. Qoyska Hibaaq oo aan marna macaariif nahay marna aannu daris nahay marna aan walaalkeed saaxiib nahay talaa ku cadaatey. Anniga laftigeygu waan wareeray oo aad baan u dhibsaday ninkan reerka shidada kula dhex dhacay. Waxaa la iiga yeeray gurriga qoyska Hibaaq oo ku yiil dabaqa kow iyo tobonaad. Saaxiibkey Madaxeey baa I weydiistey caawimo ay ka mid aheyd qadada bal in aan wax ka qeybiy inta aysan qaboobin iyo in aan bal hawsha wax ka maamulo. Martidii dibada dhoobneyd baanu gudaha ka codsaney in ay ku laabtaan. Dad goobta baabuurta la dhigto taagnaa iyagana waanu soo xareyney. Qadadii baan qeybin ugu dhaqaaqney... Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 15, 2005 Mar Alla markii aan hawsha qeybsanay ee aan iclaaminay in la qeybinayo qadada yaa waxaa hal mar nagu soo dhex dhacay haweeneey dhiileysan oo aad moodo inay leedahay yaan la qeybin qadada. Mudo yar ka dib dhowr dumar ah yaa ku soo biiray haweeneydii. Madaxay oo aad moodo in si wax ka yihiin oo marna dumarkii la hadlaya marna hadba rag aan is iri malaha waa qaraabo ay u yeerayaan oo dhegta wax ugu sheegayaan oo hor iyo gadaal u socda yaan u yeeray. Waxaan kula taliyey in uu oday Gallad inta u tago la soo tasahado sidii arrinta qadada laga yeeli lahaa. Sidii buu yeelay. Oday dhalinyarada xaafadu ay u yaqaanaan Sheeko-xariir baa dusha iiga muuqday. Waxa igu soo dhacday in aan iraahdo adeer martida madadaali misana waxaan is iro maamuulka reerkaa lehe addigu waxii caawimaad ah ee lagaa codsado yeel hadaad karto. Madaxay baa igu soo laabtey oo waxuu yiri saaxiib odaygii Gallad ahaa waxba iguma soo kordhin. Waxaan ku iri war odaygii Sheeko-xariir ahaa bal u yeer oo waxaad tiraahdaa adeer martida madadaali. Sheeko-xariir waa ka aqbalay codsiga Madaxay. Inta hor istaagay oo codka sare u qaaday buu salaan ka dib martidii waxuu u sheegay in arrintan aysan ahayn arrin ugub ah oo marar hore ay dhacday. Sideedana buu yiri marka ay dhacdo wax badan oo qorshihii iyo habsami u socodkii xaflada ah baa khaldama. Waxuu ka codsaday in la dul qaato oo buuqa iyo sawaxanka faraha badana la yareeyo. Sheekooyin iyo waano ku jeeda dhallinta meesha fadhiday ka dib ayuu waxauu bilaabey Gabay uu ka soo xigtay abwaan aanan markii maqal magaciisa. Waxa uu yiri gabayga magaciisa waxaa la yiraahdaa "Duco". Waxaa la tiriyey buu yiri horaantii sideetanaadkii. Waxa uu ka hadlay sida uu ugu haboon yahay munaasabadan oo uu yiri waxaanu joognaa meel qurbo ah, wax badan oo innga qaldana waa jiraan. Sida munaasibka ah buu yiri waa in la xeeriyaa wax badan oo sida maanta dhacday aysan dhicin. Sheeko-xariir waxuu ka taariikheeyey sababta ku kaliftay abwaankan inuu gabaygaan tiriyo iyo waxa uu qoonsaday oo buu yiri ahayd sida Soomaalidu ay u sii lumeyso oo diin, dhaqan, iyo xilkasnimadiiba ay uga sii wiiqmeyso. Markaasuu bilaabey gabeygii "Duco"; waxuu yiri: Cabdillahiyoow gabayga waa la cilmi baadhaaye, Kolkuu sidii cadceed soo baxdiyo calanka kuu muuqdo, Markaasaa qiyaas la cabiraa, lagu cadeeyaaye, Tixdaan calool doonayee, caawa tirinaayo, Ee aan Rabigay ugu cawday, ee ann ku cawil weydiistey, Addigaa abwaan caan baxay ahe oo ciroole ahe, Codsigaa inuu iga aqbalo calala aamiin dheh; Ubadkii calaameey noqdeen, col iyo laayaane, Ma cisaan cirooliyo nin weyn, caalim iyo shiikhe, Waxay caayayaan waalidkii caano siin jiraye, Caasi aan wax baraneynin bey caadadood tahaye, Caruurteena edebtii Allahayow noogu soo celi; Haweenkii casrigu wawga daray, lagan caal waaye, Carmal habliyo xaas, in yar oo camal san mooyaane, Codkoodiyo cagtooda midnaba lama cabsoodaane, Cawranna asturane, waa horaa cawda loo jaraye, Wax kastoo ka wada caaganaa loo cambaaburiye, Xishood dumarka caabiya Allahayoow noogu soo celi; Raggu badankii caqiibo ma leh, oo reer ma ciil tiro e, Ma gutaan xilkoodii cuslaa oo ceyn wareeg noqoye, Gar ciriiri, cuudkana badh qari, ceynta kula leexo! Marwo cadarsatay oo kuu fadhida, labo-canleyn raadi! Ciladahaana yaan legu garan care wir juuq ii dheh! Waa reerka cudur kala diliyo, caabuq aan harine, Ragga daacadnimadii Allahyoow noogu soo celi; Shanta qaaradoode camiran, ee uunku ku caweeyo, Cadaan iyo madow, beelaha ceynba yahay ceynka, Cilmiyo farsamadow dhex ah oo lesyku caawimo e, Qolo waliba dhaqan la cuskadoo caaney leedahaye, Curdankeeniyo barbaartii kacdey, keenii caasiye e, Ka caraabe sidii cusbiyo geel ceel dhanaan raba e, Dhalinyaradii caadadii Allahayow noogu soo celi; Halkaa markuu marinayo baa oday Gallad oo aanan ogeyn goortuu soo laabtey dhegta Sheeko-xariir wax ugu sheegay. Sheeko-xariir waxuu madashii u baneeyey oday Gallad. Oday Galladna waxuu iclaamiyey in qadadii la cunni doono meherkiina dib loo dhigay... Share this post Link to post Share on other sites