Sign in to follow this  
Caveman

Nin Sabool ah, Sodog xoolo jecel…iyo Gabar Garaad badan.

Recommended Posts

Caveman   

Nin Sabool ah, Sodog xoolo jecel…iyo Gabar Garaad badan.

 

Nin Sabool ah = Raage

Sodoga xoolaha jecel = Cigaal

Gabadha Garaadka badan = Hibo

 

 

Qisadani waxay dhacday damaadkii qarnigii hore, waxaa la yidhi nin(Raage) aad iyo aad sabool u ah baa gabar damcay in uu doono. Markaasuu wuxuu utagay Gabadhii uu rabay aabaheed (Cigaal), markaasu aabaheed u sheegay in uusan ahayn nin Geel leh, ee uu yahay nin haystay xayn ari ah iyo beer uu arigiisa daaqin jiray. Nin ari haystana uu ahaa nin sabool ah xiligaas. Gabadhii aabaheed wuxuu ahaa nin aad u maal iyo xoolo jecel, markaasuu Wiilkii gabadhiisa kasoo doonay ku yiri, adigoon 100 hal iyo rati baarqab ah ii keenin Gabadhayda ku ma siinayo. Raage talaa ku cadaadatay, Xoolo wuxuu kalahaa xayn ari ah oo kaliya 100 hal iyo rati baana lagarabaa.

 

Raage wuxuu u tilaabo qaaday siduu arintaa u fulinlahaa intay ku qaadataba, maadaana Hibo guurkeeda uu aad u damcay, markaasuu wuxuu sameeyay wax alla wuxuu hanti lahaa geel u bedalay. Ehelkiisana intay amaah & deeq Geel u siinkareen ka qaatay, ayuu ugudambayntii isu keenay 100 hal & ratigii. Markaasaa Gabadhii lagu daray isagoo maal aduun cayr ka ah oo beertiisii iyo arigiisii ka gacmo maran.

 

Raage gabadhii wuxuu ag dajiyay nin ugaarsade ahaa, oo isagaba waxba dhaamin. Subaxwalbo aroortii ayuu Raage u ugaarsi tagi jiray duurka si uu reerkiisa u nooleeyo, siduu reerku xaalkaas ugu jiray, ayaa waa dambe waxaa reerkii u soo martiyay Hibo aabaheed Cigaal. Markaasay noqotay in la marti sooro oo la soo dhaweeyo, Habeenkaa uu Cigaal soo hoyanayo, nasiibdaro Raage wax ugaar ah ma uusan soo halin oo isagoo gacmo maran ayuu soo hoyday.

 

Hibo markay aragtay aabaheed oo gurigeeda ugu soo martiyay, ninkeediina uusan wax ugaar ah fiidkii guriga la imaanin. Hibo waxay aaday ninkii dariskooda ahaa oo isaguna ugaarsanjiray, oo kutiri walaaloow aabahay baa noo soo martiyay, Raage na maanta wax ugaarsi ah ma uusan so helin, ee waxaan kaa codsanayaa in aad garab sagaaro aad isiisid si aan ugu kariyo aabahay iyo ninkayga. Ninkii wuxuu ugu jawaabay aan kusiiyee aniga maxaa faa’iido ah oo iigugu jiro.

 

Hibo waxay kutiri wax ala waxaad doonto diyaarbaan kuula ahay, Ninkii wuxuu yiri hadaad wax kasto isiinaysid Waa in aad ila seexataa hada intaadan gurigaada ku noqonin. Hibo waxay ku tiri war hooge taasi dhib maleh oo waxaa ka sii fiican bari markuu Raage ugaarsiga aado ee bal marka hore igu taabo garabka sagaaro aan aabahay iyo ninkayga u shiilee. Hibo garabkii sagaaro markay karisay, oo uu diyaar noqday bay waxay u yeertay ninkii dariskooda ahaa oo ay garabka sagaaro ka soo qaaday sii uu abaheed iyo ninkeeda oola casheeyo. Sadexdii nin markay garabkii sagaaro cuneen oo ka faro xasheen, markaasay Hibo ragii oo wali fadhiya soo dulistaagtay oo ku tiri aduunka sadaxdiinaa ugu caqli xun:

1). Ninkaan ugaarsadaha ah baana idinkugu caqliga xun, oo wuxuu rabaa in gabar 100 hal & Rati baarqab ah laga soo bixiyay in u garab sagaaro ku w**so

1).Asagana ninkayga raage ah baa kasii caqliga xun,..oo reer uu waxay xaalo lahayeen dhiibay ayuu hadana rabaa in uu marti qaad sodogii u sameeyo isagoo ugaarsade ah.

3), Labadiinana aabahay Cigaal baa idinka qacli xun oo reer uu waxay xoolo lahayeen uu ka qaatay, waxay ku noolaadaana u reebin buu marti u yahay oo uu karabaa waxuu cuno.

 

Odaygii Cigaal wuxuu aad oolayaabay gabadhiisa garaadkeeda, markaasuu inta reerkiisii ku laabtay 100kii Geel usoo caliyay dib dambana uusan ugu soo martiyin.

 

 

Ps.

Sidaas bay Raage iyo Hibo caruur badaan oo badan ku dhaldhaleen oo qaarkood laga yaabo kuway sii dhaleen in ay SOL member ka yihiin.. = smile.gif )

Magac yada jeebkaygaan kala soo baxan, laakiin qisadu waa qiso jirta…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this