CARTAN Posted June 30, 2002 Salaamu Caleykum W.W. Gacalnimada, Gobonimada, Gaarinimada,Dabeecad wannaaga, Anshax-wannaagga, Dabacsanaanta, Suubanaanta, Samirka, Filsanaanta, Quruxda IWM. Waa sumad muunaddaysan oo u gaar ah Hablaha Soomaaliyeede, bal ka dhuggo hoos ....Tolow, maxaad dareemi doontaa? Gabaygii:-Innan yahay iyo....... Abwaan Cali Cilmi Afyare...... Innan yahay adduunyada haddaan dhab u ilaalleeyey Adimadda intii aan ku marray ama la ii sheegay Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaareeyo Illaah igu og inaad Seynabey ugu horaysaaye Asluubtaada goortaan arkiyo ooggadiyo jaaha Afka iyo indhaha nuurrayiyo edebta loo yeelay Adimmadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso Ashkharaar u dhimay Yuusufow eeg ninkii yiriye Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha'e Iimaankii baa iga qabsaday arragtideediiyee Aalaaba waa arroos iyo innay oorri noqotaaye Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye Iyaddoo agtaydaas fadhida oo ubaxna ii laacday Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye Siddii Geel ilmihi laga xirroo ololley oo reemmay Hadba annigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye Yurub iyo Aasiyiyo aqaladii Shiine Afrikaanka oo idil haddii laysu soo urrursho Axad kuu eg weligay ma arrag inna adeereeye Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogollaadaaye Afka inaan ka sheeggiyo amaan gibin ah mooyaan'e Asluubtaada lama gaarri karo aynigey tahaye Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood nahaye Waa inaad ayaan qurra qalbiga iiga olashaaye.... Waxbaa ka dhacay²!!!... ...SCS. :cool: __________________________________________ __________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN! Share this post Link to post Share on other sites
Abdinuur Posted July 1, 2002 SAFIYA CISMAAN Gabyagan waxaa tiriyey Cali Cilmi Afyare wuxuuna tilmaan fiican ka bixinayaa nin gabar uu jecelyahay u tiriyey gabay jacayl ah, wuxuuna yiri: Sabaan baa i helay sanada maanta ahe Samada iyo waxaan maraayaa saaniga dhexe e Hadba anigo oo suuxay baan oo hinqanayaayee Sahal hayga moodina cishqigu iga sal weeyaane; Xalayto saami leylkii kolkii uunku wada seexday Waxaan sugaayey mooyee cidlaan saankun ku ahaaye Sidii culimo soon xiratayoo soorti cuni weyday Ama qolo safayn noqotay oo saxalku meeraayo Waxaa sabarku ii dhuubtay waa faallo saayida e! Tan iyo Sababa seeraha Hobyood soolka cadodheero Sagag iyo waddadii saaxil iyo sebedkii Neyroobi Sangafuura Soodaniyo Seylac gudaheeda Soojada intii qoratay iyo magaca Soomaali Sebaad midabki leeyey hablaha way u sidataaye! Sanqaroorka laga saaray iyo sunniyada iyo foolka Salxanyaha wejiga iyo timaha aad Suuri carab mooddo Salaanta iyo sheekada kolkay sararta kaa joogto Sacabkeeda yarehe sii socota oo saanta tirinayso Alla suuqii bannaan iyo kolbaan marinka seegaaye: Sambabkiyo waxay igaga taal seedda dhabarka e Ka sahwiyey salaadiyo sunnahaan sii rukuuc idhiye Siinaadkeeda waa laga baxshaa soofka dunida e Sawir lama ammaantee yartani saxarla' weeyaan. Haddii aan sanadu ii diidin iyo Suuraddiyo Shiikhu Saaxiibnayaa iyo wax badan sabansabdheeyaaba Wallee aniyo Saafiya Cismaan waysku soconaayee! Taken straight from this source: Hassan, Mohammed Sh., Diiwaanka Gabayada Soomaaliyeed: A Collection of Somali Poems, Volume Three. Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted July 1, 2002 Abdinuur Aad ayaan ugu riyaaqay gabeygaas aad inoo soo gudbisay. Waxaan rajeynayaa in aad halkaa ka sii wadi doontid howshaa wacan insha'allah Malaga yaabaa in aad war u heysid meel xadidan ee laga heli karo suugaanta soomalida? CARTAN waxaan aad ugaga xumahay in aanan welli faro ku heyn dhameystirkii gabeygaa wacan ee Abwaan Afyare, waase ku maqanahay ee la soco. Nabad ayaan kaaga tagay. Share this post Link to post Share on other sites
Nomadman Posted July 1, 2002 Waan ka haley baydkan sida fiican uu iskugu dhacayo, lakiin waxaan iga su'aal ah maadama aan ku cusubahay meeshaan,in aan kolka hore su'aal idan waydiiyo oo ah " is this a private party, or can anyone joint in?" waxaan sugaa waa jawaab waafiya. Shaqo wacan dhamaan Geel iyo gabdho! Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 2, 2002 Nomadman Sxb marka hore soo dhowoow, Secondly, if nomadman can join and enjoy this topic, the only thing you need to be is a nomadman or woman. Enjoy your stay sxb.... Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted July 3, 2002 Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh CARTAN Helpful as usual.. Halkaas aan ku ekeeyo wanaag sheegaaga hadii kale marka xiga ee lees aadinayo "reer Nomad" waxa laga yaabaa aqayaarta goobtan isugu yimada in ay u qaataan in aan ill gaar ah kuugu eeganayo, midaas oo albaabo badan kaa xiri doonto! Nomadman Soo dhawoow walaal...mininka minankaaga waaye, weliba marti ayaad la iman kartaa hadii aad afkeenii hooyo nagu madadaalisid Jamaal-11 Gabadha Baas ee Jewishka ah ee lagugu sheegayo maxay aheyd?!Subxaanulaahiyeeee! :eek: :eek: Ma aniga iyo Kaamila ayaad dooni in aan budkeenii la soo cararno? :mad: :mad: ooooooooops! May bad! I meant sis Hibo Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted July 6, 2002 Sallaan Kal iyo Laab ah kadib. NomadMan..sxb laggu soo dhawee oo nasiib ayaad yeelatay marba haddii ay kullankaagii ogu horeeyey aad la kulantay soo dhaweeyntii asxaabtii maddaxda ka ahayd goobtan.... NomadMan, anna in kastoo aad mooddo in aan soo daahay hadana waxa keliya oo aan ku orran lahaa Gacmo furrin iyo qalbi saliim ah oo Soomaalinimo ku dheehan tahay ku soo dhawoow. Golluhuna ma ahan mid si gaar ah loo leeyahay ee waxa uu ka dhexeeyaa dhammaan Nomad Fimaly, taasi oo soo gelitaanka qofku ay ku xirran tahay haddba issaga iyo doonkiis... Inkastoo aad mooddo in ey meesha ka dhax muuqdaan dhawr qofood oo intaan u yimaado maddadaalo ahaan, ayaa waxaa laga yaabbaa in uu gallo shaki yar oo aan saas u sii xoogbadneyn qofkii meesha ku cusub,ayadoo ay dhici karto in qofkii ah sidda addiga ( NomadMan) oo kale, uu markaas u qaato meel khaas u ah dad gaar ah. MaandeeQ: Raxmaddaa Illaahay Roobkaa nicmada badan Ramayskii ka soo baxay Saw raacdadiisii Rooda ishu kumay dhicin Anna maan riyoonine Raad raaca Caashaqa..... .................. ................ "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: _______________________________________ _________________CARTAN________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!! Share this post Link to post Share on other sites
Nomadman Posted July 15, 2002 Maandeeq maankaadba deeqdey lol waad ku mahadsantahay soo dhoweeyntaada. Jamaal iyo Cartan aad baad ugu mahadsan tahiin soo dhown tiina. Thanks Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 30, 2002 Over 18s only ************ Parental advisory ************ sayidka ayaa tirshey gabaygan, wuxuu tirshey ayaa la yiri markii uu maqley in Koofil walaashhii amartey in sayidka lasoo diro. Warning, this poem contains some graphic words. I have never heard of this particular gabay but i thought i should let others tell me whether the poem is "phoney" or genuwine. ----------- waa ilaahay mahadii hadii koofil meyd yahaye waxa mawtigii galay midkii maanta soo baxa;e midgaantii walaashii ahayd waatan mirigoone intay calal madow qaadatay oohin mirataaye k****r bay la meer meeraysaa mooye wayn le;ege hadii aan masuubada ku taal maare kaga toogto dhurwaagii midkii hore cunow madhaxso s***keda maldhafkeeda heerkale markaad miida ka idlayso g**kaagii maraaryaha laha meel walba u jooji Share this post Link to post Share on other sites
Nomadman Posted July 31, 2002 lol Jamaal that is too x rated, I did not know this poem existed any where else. This is the first time I am seeing it on the net. The guy if he did not like you, he will wipe you on the floor worse then a mama Buulo's mop Cartan: Safiya ... that poem was great, I wish I could talk to a girl like that. Man, the guy was a player Salaama dhamaan ka sii wada meesha Share this post Link to post Share on other sites
Kamila Posted August 1, 2002 Salaamu caleeykum, Walaalayaal iga gudooma salaan qaali ah kuligiin sidaad u wada dhantihiin, Mida kale Cartan, Jamaal, Abdinuur, Maasha alaah gabayada aad aan uga daba dhacay ee haweenkeena soomaaliyeed sida wacan loogu amaanaayo waan idinku mahad celinayaa gabayada wacan aad soo qorteen lakiinse su'aale ma jiraan miyaa gabayo lagu amaanaayo nimankeena soomaaliyeed?? hadii uu jira qof haayo waan jeclaan lahaa in uu noo soo gudbiyo. MaandeeQ waa kuu jeedaa sis Hibo ayaa meesha keentay iyaa saas maa isku ogeen hee....lol ________________Kamila________________________ Love is the quest, Marriage is the conquest, Divorce is the inquest. Share this post Link to post Share on other sites
Blossom Posted August 7, 2002 Nin qalaadow gacalow qoomkoo wada nabadoo qosol iyo jareexiyo haasaawe is qudhqudhsiiyoo aanayba kaba qasnay sow gabay qaab daranoo deel qaafkana ka buuxoo qolka maadan soo dhigin qabiil aan la sheegina shaaca kamaadanba qaadin qaalulaahi hadaad taqaan innaga daaya qaybtiyo waxii qaran jab nagu ridey qalbigiina naga gubey qaaradah nakeenee haatan intaanu qaska ina galin oo qaar kale cadhooninoo qalaalaasahuna sii badan quful warkaa ku soo goo Qofku waxa sharaf u ah ama lagu qoweeyaa intuu dadka kale qadariyee Nin qalaadow adiguna sharuucaha iyo qodobada ee nidaamkiisu qeexan yahay oo baydkan lagu qorey qabiil waa ka mamnuuce inkastoo qalad kaa dhacay hadana waa laguu qaleyniye qowl wanaagsan lagu dariyoo lagu odhan qoyska ku soo biir wacaan naganna qaad dee salaamaha! Qul-wale iyo wailba faataxa Nin qalaad, ku soo dhowow baydkan ay bahda reer Nomad ku caweeyaan, geeraarkaa yarna u qaado sidii loo qorey " no malice intended" walaahi/ I am just in a mood. :cool: Maandeeq, Kamila, Cartan, Jamaal Nomadbro-idin lama dhaafi karo salaam dhamaan dhalinyarada meeshan ku bahowdey. keep it up! Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted August 7, 2002 Asalaamu Caleykum Wr Wb Blossom, qalbi N gacmo furn ku soo dhawoow Gacalo. Aad ayaad ugu mahadsan tahay sida sharafta leh ee aad u wergelisay walaalkeen, midki qaata Allah ha ka dhigo insha'allah. Mood-kaa wacan baan kugu ogahay Ubaxeeeeeeeey Share this post Link to post Share on other sites
Armstrong Posted August 7, 2002 Salaamu Alaikum, Blossom and Mandeeq translation please Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted August 7, 2002 Asallaamu Caleykum W.W. Blossom, adna soo kale Salaantaasi mid la mid ah. Qofkaasi yuu ahaa waa I-dhaafee.. Blossom.Allaah Ya Cizak, Geeraarkaas caqli celinta ah ee aad ku tusaaleysay qofkaas isaga ah. Waxa kale oo aan filayaa in aad hor istaagtey qaxar iyo qaylo dhaan qaabdaraan maahee aan qiimo kale lahaateen.. Caweys Wacan iyo Camal Suuban. :cool: Share this post Link to post Share on other sites