Paragon Posted January 26, 2004 Courtesy of aayaha_nolosha magazine... NIN AY AFDUUBATAY HAWEENEY UU GUUR KA DIIDEY Nin lagu magacaabo Maxamed Cumar oo 37-jir ah oo degan degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay koox dablay ah oo ay soo adeejisay haweeney uu horey u qabay oo ka codsatay inuu dib ugu laabto, balse uu isaguna a diiday. Dablayda ayaa markii la weydiiyey sababta ay u heystaan ninkaa ku sheegay inay ku leeyihiin 3-kun oo doollar, balse mar dambe la ogaaday in xaaskiisii uu furay ay arrinta ka dambeyso, waxaana Isniintii dorraad lagu guulaystay in shuruud la’aan lagu soo daayo. Wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame(Bidaaye) oo warkan inoo soo gudbiyey ayaa inoo soo sheegay in wiilkaas markii afduubka laga soo daayay uu u baqoolay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan si uu halkaa ugu badbaado. --- GABAR TOOGASHO KU DISHAY GABAR SAAXIIBTEED AHEYD OO ARIN QARSOODI AH KA KASHIFTAY Arrin mucjiso leh ayaa ka dhacday xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho kadib markii gabar magaceeda naloogu sheegay Faadumo oo degan carwada Taleex ay toogasho ku dishay gabar saaxibteed ahayd oo lagu magacaabo Xamdi, sidoo kalena dhaawac daran u geysatay gabar kale oo Xamdi la dhalatay oo lagu magacaabo Fardowza. Arrintan ayaa waxay dhacday kadib markii Faadumo & Xamdi oo saaxiibo ahaa ay is khilaafeen kadibna ay Xamdi kashiftay arrin qarsoodi u ahayd Faadumo oo ay labadooda isla ogaayeen taas oo ahayd Meher Faadumo ay la gashay wiil ay saaxiibo ahaayeen, taasina ay ka carootay Faadumo oo qori Ak-47 u soo qaadatay Xamdi oo ku sugnayd Shineemo ku taala Xaafadda Taleex oo lagu magacaabo Shineemada Gabadha. Dhacdadan oo dhacday Jimcihii la soo dhaafay ayaa warku sheegayaa in Faadumo markii ay falka geysatay la waayay meel ay jaan & cirib dhigtay, welina la baadigoobayo. --- 13 Jir dhacay Gaari Wiil da’diisa lagu qiyaasay 13 sano ayaa saakay dhacay gaari noociisu yahay HOMY ( Caasi). Wiilkaani ayaa gaariga ku dhacay xaafada Labo dhagax ee magaalada Muqdisho asagoo sitay Bastoolad dhafoorkana ka saaray darawalkii gaarigaasi waday. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaarigaasi lala aaday dhanka Xararyaale. Source: Ruunkinet --- Wiil gabar muddo uu jeclaa jacaylka ku cidleeyay oo jiro mucjiso leh ay ku dhacday Wiil magaciisa la iigu sheegay Sanweyne oo ka mid ah shaqaalaha mid ka mid ah warshadaha yaryar ee Muqdisho ka dhisan ayaa gabar muddo badan Jacayl kala dhexeeyay oo u baxday degmada Ceelbuur inta uu fasax qaatay ka daba tagay, kadibna reerkeeda oo ay qaraabo ahaayeen ku wargeliyey in isaga & gabadha ay isku ogaadaan oo Xamar uu kula aqal galayo, kadibna ay ka ogolaadeen. Markii la isku soo daray oo Gaariga ay isla soo raaceen ayuu inta Gaarigii uu ka haray wiil Saaxibkiis ah gabadhii soo raaciyey kadibna uu ka dhuuntay, mar ay Muqdisho ka soo baadigoobtayna wuxuu u sheegay inuu ballantii uga baxay oo wiil kale ay raadsato, laakiin maalmo kadib ayay gabadhii ka dul hadashay oo habeen & maalin ka dul qeylinaysay, waxaana markii dambe la saaray Qur’aan. Source: ugaar.com ---- Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted January 26, 2004 Originally posted by JamaaL-11: Courtesy of aayaha_nolosha magazine... .... mar ay Muqdisho ka soo baadigoobtayna wuxuu u sheegay inuu ballantii uga baxay oo wiil kale ay raadsato, laakiin maalmo kadib ayay gabadhii ka dul hadashay oo habeen & maalin ka dul qeylinaysay, waxaana markii dambe la saaray Qur’aan. Source: ugaar.com ---- Ragga shabaqa iyo shaqshaqa watoow is ilaaliya, ama aan idin aragno idinkoo la idinka dhex qeylinayo. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted January 29, 2004 Ragga shabaqa iyo shaqshaqa watoow is ilaaliya, ama aan idin aragno idinkoo la idinka dhex qeylinayo. Muraad loooooooooooooooool...oo yaad ka ula dan leedahay hadalkaana? Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted January 29, 2004 Originally posted by JamaaL-11: oo yaad ka ula dan leedahay hadalkaana? Ayalp Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted January 30, 2004 asalaamu calaykum Qof wax ka qayliyaan oo aan arko Afrika baaba iigu danbayasay..... Share this post Link to post Share on other sites
IL CAPO Posted November 16, 2004 Jamaal_11, taas waxbo ma aha sxb markii loo eego waxaan akhriyey shalay... wiil 17 jir ah ayaa wuxuu xoogay (kufsaday) habar 98 jir ah :eek: :eek: . bal habaar allah ukeenkaas ka waran? ma waxkaluu waayey isaga 98 jirka nafta ka raadin? wallee wax walbo waa la arkay oo la maqlay. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 1, 2009 NIN AY AFDUUBATAY HAWEENEY UU GUUR KA DIIDEY Nin lagu magacaabo Maxamed Cumar oo 37-jir ah oo degan degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay koox dablay ah oo ay soo adeejisay haweeney uu horey u qabay oo ka codsatay inuu dib ugu laabto, balse uu isaguna a diiday. Dablayda ayaa markii la weydiiyey sababta ay u heystaan ninkaa ku sheegay inay ku leeyihiin 3-kun oo doollar, balse mar dambe la ogaaday in xaaskiisii uu furay ay arrinta ka dambeyso, waxaana Isniintii dorraad lagu guulaystay in shuruud la’aan lagu soo daayo. Wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame(Bidaaye) oo warkan inoo soo gudbiyey ayaa inoo soo sheegay in wiilkaas markii afduubka laga soo daayay uu u baqoolay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan si uu halkaa ugu badbaado. Waxaad beri ka sheekeyso kol beey ku qabsataa. Alloow sahal umuuraha aan ku daro. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 1, 2009 ^^^ kolleey hal ma ahan, laba ma ahan, waa iney ka bataan afar kuwa ku af duubey sxb, nafba kuguma harin Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 1, 2009 qisadu maxay tahay? nuunoow, sxboow, waaba raxan raxan. kuwa aniga iskood isoo weeraray, inkastoon dhuumaalaysto, raxan tilmaan weerar ku soo qaaddey, iyo reerka uu soo taxay horey iyo mid soo socota oon hubo.. war hadmaad guursan ood hablahan iyo labada un ka dooran unbaa lagu leeyahay.. war haddaanan convenient u arkinna? weestaran baad noqotey baa la leeyahay, ninkii dhamaa ee hidaha iyo dhaqanka cudud ku taageeraayey. ...it seems there is little currency in free will and dookh. ninyoow inaan mid ay ku aamusaan ama samraan weeye bilahan inagu soo aaddan, idin Alle. xaajadu waa cakkiran xiligan. it's disturbing my precious peaceful and solitary moments to philosophise. for the last 7 years of my journey towards it, waxaan iska dhaadhicinaayey 'i have ultimately dis-engaged myself from trivial worldy things', even all my body/mind sensors baan tababaray but it seems worldy things do not detatch themselves as you think you did. the end of my own fantastic, beyond the pale voyages into locating the 'eternal truth' within my mortal breast is the only resentment i harbour - laakin i reach a milestone while in that voyage which has given me enough insight to allow jamaal to turn serious, putting a full stop to laid-backness. now i must embrace the 'real world' and be the best husband and father i am easily capable of becoming... i will let them get me in few weeks time, insha-Allah, because i simply can't afford the ransom anymore. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 2, 2009 ^^ abwaan waaxid, aamusii da critics, oo ghaniimada gacmaha ku gurubso Hada bal ila soo socodsii aan go'eyga shaalka horey u soo qaatee si aan maalintaas u bururo oon ciyaar iyo waxyaala la kala garan waayo isku daro. Share this post Link to post Share on other sites
Buuxo Posted October 2, 2009 ^ Jamal,trust you to find the funny in anything .Is dhiib marka Funny list of event.Wax weeyne baan sugaaye. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 2, 2009 Buux iyo nuune, waa sidaad sheegteen. Miidaamo dhego maleh hadduu malag dhawaaqaayo, baa la yiri. Anna madax madax ayaan u galayaa. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 2, 2009 ^^^ Kaa danbeyn maayo, anigu madax madax u gali maayo, si taraarax ah Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 2, 2009 ^adeer nuunoow, wa taan iri: midkii timaha soo qoystay ee madaxa loo xiiray muskii duleelaba waa in uu maqiiqda maagaaye waa inuu makkaankii tagoon mairnku siideeyne uu maalku geeyaa mooradii madowga weyneyde Marka madaxmadaxda weeye, sxb. Taraaraxa yuusan ku sirin. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 2, 2009 Allaylahay runtaad sheegtay, taraarax warkiis ma jiro. waa inuu makkaankii tagoon mairnku siideeyne alaabtan ayaa i marayso Share this post Link to post Share on other sites