Sign in to follow this  
Tuujiye

MURTI [(Saddexley)] for dhalinyarada Cireysatay

Recommended Posts

Tuujiye   

MURTI

(Saddexley)

 

Murti marka la leeyahay waxaa loo jedaaquluud duluc iyo ujeeddo leh iyo dhadhanka, macnaha, dhugta, iyo xigmada ay weero, tudco ama hadal leeyahay oo ka qaab iyo dhisme duwan afka iswareysiga, hasaawaha aan sugaanta la lahayn, iyo iska sheekeysiga caadiga ah; waana kasmo aqoon shishe ku dhisan, oo mid fac weyn iyo mid cusub labadaba leh.

 

Saddexley

 

1. Sadex baa waxey tiri:

“Marag illaahay waxaan ka nahay inaan macaannahayâ€.

 

2. Sadex baa ka daba tiri:

“Marag Illaahay waxaan ka nahay in aad macaan tihiinâ€.

 

3. Sadex kalaa ka daba tiri:

“Marag Illaahay waxaan ka nahay macaan iyo kharaar waxaad tihiin midna inaanan aqoonâ€

 

1a. Malab baa wuxuu yiri:

“Marag illaahay waxaan ka ahay in aan macaanahayâ€

 

1e. Carab baa ugu maekhaati furay oo yiri:

“Marqaati illaahay waxaan ka ahay malaboow in aad macaan tahayâ€

 

1i. Far baa waxey tiri:

“Marag ilaahey waxaan ka ahay malaboow macaan iyo kharaar waxaad tahay midna inaanan aqoon, carabkana anigaa kaaga hor maraâ€

 

2a. Qur’aan (diinta) baa wuxuu yiri:

“ Marag Illaahay waxaan ka ahay in aan macanahayâ€

 

2e. Caalim (shiikh) bartay baa ugu markhaati furay, ooye:

“Marag Illaahay waxaan ka ahay Qur’aanow in aad macaan tahayâ€.

 

2i. Jaahil (xaga diinta) aan wiligii fooda dhigin waxna ka aqoon baa yiri:

“Marag Illaahay waxaan ka ahay Qur’aanow macaan iyo kharaar waxaad tahay midna inaanan aqoon.

 

3a. Gabar baa waxay tiri:

“ Marag Illaahay waxaan ka ahay inaan macaanahayâ€.

 

3e. Nin geya oo geda-yaqaan oo ragannimadiisu dhan tahay baa yiri:

“Marag Illaahay waxaan ka ahay gabareey inaad macaan tahayâ€.

 

3i. Khaniis baa wuxuu kadaba yiri:

“Marag Illaahay waxaan ka ahay gabareey macaan iyo kharaar waxaad tahay midna in aan aqoonâ€.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War hayaaaay! War Feebaro, sxb waad inoo dhuumatey. Illeen rag isma yaqaan oo weli laisma wareysan. Saaxiib, sadexleeydaas inoo soo gudbisey aad ayaan uga heley ...ee bal inuu Illaaheey kheyr iyo murti kuu siyaadsho, murti kale inoo soo daabac...

 

Muxuu: Fartaa tiri hee? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooo@ laga roonaha

 

sadaxleey/dhagaxleey

 

Nir baa wuxuu yiri

"marag alla waxaan ka ahay in ay timahaan timaheeyga yihiin"

 

saaxiibtiis ba waxay tiri

"marag alla waxaan ka ahay in ay timahaas timihiisa yihiin

 

Barkin baa waxay tiri

"marag alla waxaan ka ahay in ay timahaan igu kor seexanin habeenkii"

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

lol shoobaro..Nice try..

 

Jamal sxb ma qarsoneyn.

 

Saddexlaha waxa uu ka mid yahay farsamoyinka lagu barto luqada iyo wax fahanka.

 

Saddexle 2

 

1. Saddex waa rag.

2. Saddexna waa Rag-karooni

3. Saddexna waa runtood.

 

1. Saddex waa rag

1a. Ninkii nin wax u doonta waa rag.

1e. Ninkii wixii loo doontay baxsha waa rag-karooni.

1i. Ninkii “Illaahay baa wex heli kara†yiraahdana waa runtii.

 

2. Saddexna waa ragoo :

1a. Ninkii naag garooba guursada waa rag.

1e. Ninkay nolosha isla dhameysaana waa rag-karooni

1i. Ninkii furaana waa runtiis, oo horey wixii loogu furay baa ku wacan kara.

 

3. Saddex kalana waa ragoo :

1a. Ninkii libaax raadsadaa waa rag.

1e. Ninkii soo dilaana waa rag-karooni.

1i. Ninkii ka baqaana waa runtiis, oo waxa waa libaax.

 

Wareer badanaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waxaan u maleynayaa in ee yaryihiin dadka Murtida fahma. Ha yaraadaan ama ha weynadaanba.

 

Murtida fahankeeda maqadato da (age). Maxaa yeelay anigu afsomaliga badan kiisa waxan ku bartay dhulka aan ku bar baaray oo ah Canada.

 

Marka hadii aad fahan teen Saddexlaha iyo murtidisa; ka qeeb qaata oo isku daya sida walalkeen shoobaro.

 

waraa shoobaro adi beesani le iska ahoo yaah.lol.

 

wareer badanaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Cajeeb!

Very interesting, saaxib. Don't expect me to join in though. Waxaad ka fahmayso ba eska yar. gaalada markay yedhaahdan caroorto mala'ekday(angels) hadalkeed ayaay fahmaan so mad maqlin? anba af somaligaan qoro caroorta kaleya fahanta. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

2. Saddexna waa ragoo :

1a. Ninkii naag garooba guursada waa rag.

1e. Ninkay nolosha isla dhameysaana waa rag-karooni

1i. Ninkii furaana waa runtiis, oo horey wixii loogu furay baa ku wacan kara.

 

3. Saddex kalana waa ragoo :

1a. Ninkii libaax raadsadaa waa rag.

1e. Ninkii soo dilaana waa rag-karooni.

1i. Ninkii ka baqaana waa runtiis, oo waxa waa libaax.

Loooooooooooooooooooool@Ninkii ka baqaana waa runtiis, oo waxa waa libaax.

 

War ninyow Feebaro, murtida iska qor ma ahee waxay u baahan tahay hirfad. Marka adiga waxaad soo qortay ayaanba ka heley, inkastoo aanan sidaas u murtiyeysneen sxb.

 

1 - Saddex waa rag

1a. Ninkii akhriya murtidaad qortey waa rag

1e. Ninkii taadoo kalena qora waa rag-karooni

1i, Ninkiise aan qori-karinna waa runtis,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^lol

 

Koley annigu waan akhriyey lakin feebaro ma gaari karo dee waaba murti soconeysa oo luga loo yeeley.

 

ahem! sadexleyda aan maqli jidhey waa tan.

 

Sadex baa rag ugu liita (sadexduba faa'iido ma leh :D )

 

1. Ma tashade

2. Ma tashiishe

3. Iyo Ma toshe.

 

Mid kale waa tan: Rag waa sadex rujaal, nisful-rujaal, iyo laa walaa.

 

1. Ninka talo issagu uu leeyahay kuu meel maraa waa rujaal.

2. Ninka tiisu meel marin weydey ee rag la tashadana oo talada doon-doonana waa nisful-rujaal.

3. Kan aan miduu issagu leeyahay aan ku meel marin, ragna la tashan, taladii la siiyana aan qaadan ee iskala weyn waa Laa walaa.

 

Nin aan isku da' aheyn oo issagoo waayeel ah dhintey baa iiga taariikheeya xikmadaas :D . Bal tan bilcaamahana soo daaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

LOL baashi..that was good man. Waraa wayeelka ma usan dhime ee wa adiga naga indho wa weyn.lol.

 

Baashi saddexla aad ka hadashay walaal waa nooc caan ah. Bal aan xogaa kaaga taab taabto.

 

Murtida saddeleyda ahi waa mida hees cayaareedda oo wax isu ekaanshohooda ama meelo iska saawayntooda layku barbardhigayo. Teeda kule, dhinaca asluubta iyo anshaxa, gabadha soomaaliyeed dhaxanka lugu yaqaan buu ahaa tilmaanta murtidu cutubka koowaad.

 

Waxay tiri murtidii:

 

1. Saddex baan la yaabaa:

 

a. Geel baan la yaabaa.

e. Gorayaan la yaabaa.

i. gabar baan la yaabaa.

 

A. geelbaan la yaabaa.

Waa wax duud abeesa leh

oo doonida ka qaab weyn.

 

e. Gorayaan la yaabaa.

Waa wax bawda habareedloo

baabuur ka orod dheer.

 

i. Gabar baan la yaabaa.

Waa wax uurka kaa jecel

oo afka kaaga yeereyn.

 

 

2. Saddex way gebleeysaa:

Gorgorka iyo nin geel badan

Gobta wey gebleysaa.

 

3. Saddex way gollacas tahay:

Golcas gaban ugaareed

Gabbal sii dhacaayiyo

Gudguduudka wabberi.

 

4. Saddex qorijab weynaa.

Meel geel ku dheelmaday

Meel goray ilmaha dhigay

Meel geesi ku halgamay.

 

5. Saddey way gurguurtaan:

Cadka iyo cid geeddiya iyo colka

wey gurguurtan.

 

Baashi waakaa noocaga saddexlaha sxb..lol..

 

ha ila yaabina. Sotaan idiin sheegay in aan ahay dhalinyaro cireysatay...lol..na'mean.

 

wareer badanaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ Wallee Baashiyow, mar hadaad kaa dhaanteysey halkii disko dansa laga rabey, in murti waxay ay gabdhaha ka sheegtay baratid way haboon tahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

lol jamal.

 

Baashi walaal hadee islama meshan ku jira weerar igu hayaan. Hadaan Murti sheego amay gabrasaaro iyo daruuc iyo shaash igu soo tuuraan. lol.

 

waa hagaag.

 

Murti naageed hada uma hayo waqti ee aan kuu sheego arin dhex martay nin dad qalato ah oo bur sanaye naag. Marka uu gaari wayena yiri sidan.

 

Cakuye buuraha Xargaaga

Nin duulahayay dabraan

Nin xiimahayay xiraan

Bal naagtaas barida daya

Bal buluqbuluqdeeda daya

Fankiyo bawdada bal daya

Boolcaddahay sidatana bal daya.

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
SJ   

lol@Ina Bakhti Lagde, sxb mutidiibaaba sabaaxad kala daashay, bal siiwady, waaban ka helay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

posted by jamaal

1 - Saddex waa rag

1a. Ninkii akhriya murtidaad qortey waa rag

1e. Ninkii taadoo kalena qora waa rag-karooni

1i, Ninkiise aan qori-karinna waa runtis,

jamaaloow waa in aan gogol kuu dhiganaa...maxaad ka waday arinka kore oo BOLDka aan ka dhigay....BAASHI IYO FEEBARO waad u jeediin in uu jamaal meel nooga dhacay..ee nooga xaal qaada :D

 

FEEBARO halkaan waxaa iiga muuqata in aad tahay nin abwaan ah, wax garad ah oo rag yaqaan ka sii ah...

Cakuye buuraha Xargaaga

Nin duulahayay dabraan

Nin xiimahayay xiraan

Bal naagtaas barida daya

Bal buluqbuluqdeeda daya

Fankiyo bawdada bal daya

Boolcaddahay sidatana bal daya

alla tan waxaan ku maqli jiray XAMAR cadeey....

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this