AYOUB Posted February 13, 2004 Nice selection Gediid, here one I would add to that: M Mooge-Dadka ha iska weyneyn I also tried but failed to get the original version of gabbal daye Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted February 13, 2004 -"Ma ogtahay siraadeey, Soomaaliyoo idil, uma sidatid quruxduye... habla kula sin baa jira oonan saa u eeginee, waa su'aale kaligaa maxaan kaaga sahansaday?" .... male jacaylkuye, waan sidaaye ila qabo soo dhowoow ila qabo, oo haygu siidayn... sabaabtuna waxay tahay, sambabadiyo beerkiyo wadnahaygaad sudhantee.... wah waah ! gediid that song rocks....thnkx Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted March 5, 2004 """"Qormada Raadiyaha Codka Mucaashaqiinta waxan Todo-baad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay. Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa hees uu alifay Abwaan Maxamed Kaariye isla markaana uu ku luuqeeyo Fannaanka HANUUNIYE Heestani waxa ay miraheedu ka hadlaysaa isla markaana ay khuseysaa Jacayl dhex maray Abwaanka alifay ee Kaariye & Gabadha Fanka ku gaamurtay ee Shankaroon oo jacaylkii dhex maray uu ahaa mid shaac baxay, walow uusan sidii loogu talo galay u hirgelin ayay haddana heestani tilmaamaysaa luggooyo iyo in Shankaroon oo inta badan dad kale arrimaha Jacaylkeeda kala arrinsata, kuwaasoo dibindaabyo mooyee wax horumar gaarsiin ah aan u horseedin, iyadoo Jacaylka uu u hayay Abwaankana uu ahaa mid mudnaan gaar ah lahaa, balse ay iyadu ka sii jeeday, taasoo aad ka dhadhansan doontaan miraha heesta oo sidan u qormeysa:- =Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito u malayso, ku sire gacalkaada moodo. =Sideedaba garashadaadu, inay soof daran habowday, war miyuu kugu seegan yahay?. =Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?. =Malaha samir baa ka roon suddan…!!!. =Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa. =Su’aasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal mid saar sidoodaba. =Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?. =Malaha samir baa ka roon suddan…!!!.. W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)"""" Source: Aayaha Nolosha Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted March 11, 2004 Ahmed 'Hudeydi' Ismail Hussein Chatting to BBC Radio 3 Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted March 21, 2004 Ayaan - by Jaamac-yare I have come to like this song lately.... jaamac-yare doesn't sing these days, I heard... Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 4, 2004 My childhood favourite. Luckily, I met Saalax Qaasim in person and requested of me to sing the song for us. He did....and it was such a moment! One Song of Saalax Qaasim is: Ma Ogiye Waa Maxay jacayl! But another is a song oo uu Saalax Qaasim laxanka saaray kuna luuqaynayso none other than Qadro Daahir, waa Afka lagama sheegto, adigoon jacayl arag PS: Some audio links may not work due to a specific being site off-line. Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted June 4, 2004 Having read the eight pages of this thread J seems to be the man with the lyrics I wonder if you can help me with the lyrics of the this song : INAAN WELI KU JECELAHAAY by the one and only Ahmed Gacayte. If nobody has the full lyrics, never mind just enjoy the song. Share this post Link to post Share on other sites
Iffah Posted August 5, 2004 I just wanted to add another one of my fav songs to this collection ONKOD Here are the lyrics... enjoy! onkod roobku madaayo ana taaha madaayo ana taa ma ilaawo jeceyl ood rogan maayo oon hilaac bi'inmaayo xeera weerar madaayo heleey aamusi maayo ergo geesi madiido ilaah tiisu ma oosho calaf leyskama oodo ubax dheyr maqarsoomo reyska leyskuma waayo ifkaa leysu turaayee iilka leysma gargaaro aboor leyskama daadshee nabsi heyga amaahan axdigii nadhexyiiliyo ha iloobin aqoontee asaageey usha toosan iyo ooda hagaagsan hayinkii afagaadee hilinkii afar deeqaay inantii la,ilwaadsan eey asluubi udheereyd sida aan u,adkeysan kuu eeganayaayee hadanaan mid iraahdo waa aqoonta haweenee ruuxa iiga danbeeyo halka ay kacaweyso uurkutaalada maada aramidiisa jaceylka anigu soow dhaxlimaayo nabsi heyga amaahan axdigii nadhexyiiliyo ha iloobin aqoontee sida oodda cilaaca hilinkeeda cadceeda amantaada libaaxa mala waanad ogeyne haya nuurkiyo maanka waadnahayga agtiisa sida aayad kutaalaan uumiyaha utusaayee hadii aanan ibliisku igakaa anbineynin inaad iituri weydo eegimaayo koleyee arin kuuma hanbeynine aaraartii haku deeqdo sina heyga adkeysan nabsi heyga amaahan axdigii nadhexyiiliyo ha iloobin aqoontee Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted August 10, 2004 Here's a lil something from the pen of Hadraawi.The poem is called Sirta Nolosha.I selected only parts of the poem.The poem is addressed to Sahra an orphan and the daughter of one of his closest friends from what I heard. Dharku Saadhi qudha maaha Saylooni garan maaha Iyo sabarandaa giiran Mana aha surwaal biid ah Haddaan saarku kuu diidin Saddex-qaydu ceeb maaha. Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha Heedhee Sahraay heedhe Dhulka iyo wixii saran Sare iyo wixii laalan Inta sudan intii seemman Waxa jira sir iyo caadba Rabbi qudha sax weedhiisa Sida uu ku yidhi buuxi Waxa hadhay salka iyo baarka Inta sool qarsoon joogta Inta seel xidhxidhan jiifta Inta saydha waabayda Maroodiga siddaa dheer leh Wiyil iyo sahboodkeeda Inta laga subxaanaysto Kolay tahay libaax sayn leh Marka aad Sahraay meel fog Uga suul-dhabaaleyso Deg-deg inay sujuuddaada Suxullada dhigtaan weeye! Sidashada awooddaasi Sahal iyo wax fudud maaha Qofba waa si garadkiisa. Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted August 10, 2004 This song is from Hanuuniye Daalo aragtideedaay I found its lyrics very deep. It is one of these songs that come from poets who seem to have touched the center of their sorrow. The poet realized, it's been said, that he is going to lose his love to one of the fat cats in Hamar at the time. He was addressing both of his love and the man who was going to marry her... Dambar iyo labeeniyo, dahab midabki leeyeey, xuural-ceyntii dunidee, daawashada u timidee dalka lagu maneystee. Hadduu diido calafkoo, aqal labo dayaanoo, aan xareed ku daaqnee, inaan dadab wadaagno, Waqtigana naka la diro. Anna kuuma dudayoo, Naxariis door weyn iyo, Ducaan kugu sagootiyey. Ninka damacu raacee, Dookhu calanka saartee, Guur aad ka doontee, Kugu gacan danbeeyana, Aan dardaaran siiyee. Waa libin dadnimaduye, Dunida kan ka doortee, Daji meel barwaaqa, Diihaalka gaajiyo, Dibindaabyo yey arag. Daranyadu ma fiicnee, Yey ka noqon maryuhu duug, ha u yaalo dahabkuna, Daris aan habooneyn, Yey dareemin qeyladii. Dibada iyo gudahaba , Meelaha la daawado, Ee dalxiiska loo tago, Ha ku doogsatee gee. Dusha nabar ha gaarsiin, Ha dagaalin waa gobe, Hadal doqon ma garata ah, Ha ku dayin ma yeeshee. Waxaa dihatay hooyadii, Dadnimada ku beertee, Aabaheedna waa diric, Ragna doorkii weeyee, Waa duriyad xalaalee, Waalidkeedna daadihi. Waxaa jira nin doorroo, Dantu ceeb u yeeshe, Waxaa ayaan darro ah Hadii waayu diidaan. .... After hearing the song from then Radio Mugadishu, the lady whose behave the song was composed felt in love all over again with the poet. The poor poet won her back... Share this post Link to post Share on other sites
Adna Posted August 21, 2004 salaam. can some one please write the lyrics of M. mooge's song which is called dadka ha'iska weynayn. thank you i will really apriciate. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 22, 2004 Doqoneey Dabkaa Ba' - Hassan Aadan Samatar Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2 daamankey meermeerisaa * 2 Docdeey kaa jirtaabeey, Dhaxani kaa dashaayee,* 2 Ma diirsado walaalkeed, Intay dunida joogteee; Doqoney dabkaa ba'. Da'deeda hawl u darban Bey hurudaa -Hoogeeda oo u diidin bey daayacdaa! Dawars-iyo tuugmasheey Ka doorataaye - ma dadbaa? Doqoneey, doqoneey: Dabkaa Ba'! Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2 daamankey meermeerisaa * 2 Ruux dagga ma weydee Dabin kama foggatee * 2 Markay dalaq tiraahdeey, Markeey dalaq tiraahdeey Ilmada daadisaaye, Doqoneey dabkaa ba' Xarigga laba-dibleeynayey; Soohataa, dabarka lagu Xirxarayaa loo dirtaa, Daleedahey sidaa ka doorataaye, ma dadbaa?! Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2 daamankey meermeerisaa * 2 Ma taqaano dowgoo, Dabool baa ka saarane Dareen ma laha garan kara Arrimaha danteed-iyo, Doqoneey dabkaa ba' TACLIINTA loo dareerey bey dacal martaa, daruusta oo la qaadan sahashataa, JAHILNIMEY ku daayintaate, ma dadbaa? Doqoneey, doqoneey dabkaa ba'! PS: I don't know who has written the song. Suggestions are welcome, thankx. Share this post Link to post Share on other sites
raula Posted August 22, 2004 guys I need help with the lyrics and the originality of this song(i.e. whose lyrics is this originally, I have only heard the new version of this song) here goes:- oonba biyaha lo caba, omatana gaajo indhaheygu waxey uu oyaane, iney kuegaane afkeyguna amaantada aad utiriyaa ala ilahe wadnaha iyo bogad iga gatalaye (*2) *the lyrics might be crude and out of order,plus the spellings are still a puzzle to me..but if you recognize this song..plz let me know where I would be able to find it or its origins. APPRECIATED Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 28, 2004 ^^^ I can't seem to identify the song you requested. Hopefully others will. Here's: Billaneey, Maryaneey! Hadaad Mooddey Caashaqu - By Bashiir Cali Xussein Enjoy! Mudda badan ayaan wadey Maweeladda naaftaadoo, Kuu miraayey hadalkoo Si aan kuu maqsuudiyo Meermeerinaayeye Anoo, haa haaa haaa, Moodaayey xaajadu Meel wacan iney mareysa Oo Meher keliya noo haray, Ayaad muran ka taagtood Mac-salaama igu tiri Kaa mana mutteysanin Axdi aad u meel dayan Waxaad [ahaato maya dhihi] Bilaneey, Maryaneeey*2 Marna kaama fillaneyn, Inaad maya illeedayahay Walow maanta aad tiri Isma naqaan! Hadaad moodey caashaqu Maalmaal qudha inuu yahay Micnihiisa maad baran Maweeliyo cayaarbaad Moodeeysaa aduunyadu Si toosa igu ma ahane Macida igu adkeeysan Mahaddadiisa igu badan Mid kalaan la haystaa Marna imaadan odhaninee! Uurkoo, aah haa haa Mariid ahbaa afka - malaa ka yeeshoood- Isku key maceysee Murug aan i hayniyo Mushkilad igu abuurtee Misna muran ka taagtoo Mac salaam iigu tiri Kaa mana mutteysane --- Filanneyn, Bilaneey Marna kaa ma filanneyn Inaad maya illeedahay Walow maanta aad tiri : Isma naqaan! Hadaad moodey caashaqu Maalmaal qudha inuu yahay Micnihiisa maad baran Maweeliyo cayaarbaad Moodeeysaa aduunyadu Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted September 9, 2004 Another heart-broken singer!, expressing his sorrow for commitment not kept by his love - pleading for change of heart in his favor. Jaceyl kala awood weyne, Kii iilka dhigey Qeys, Leylana ag seexshaa, Anna igu abuurmee. Oogaduu ku faafoo, Diidey inan adkeystee, Ii kaa asqeeyoo, Igu kaa eryaayoo. Imisaa adoo kale, Arji iila timidoo, Oofin maayo aan idhi, Aawadaa u joojee. Wadnahey ololayee, I dhigo abaaloo, Arrinteyda meel mari. ************************** Axdi beena lama galo, Wacad lama ilaabo, Ruuxii ku aamina, Lagama indhasaabtee. Afar sanno iyo dheeraad, Arrimahaan dhiseynee, Aan is idhi idlaade, Sow addigan irdheeyey. Imisaa adoo kale, Arji iila timidoo, Oofin maayo aan idhi, Aawadaa u joojee. Wadnahey ololayee, I dhigo abaaloo, Arrinteyda meel mari. Share this post Link to post Share on other sites