Xafsa Posted August 17, 2003 he's not a good singer aa?....war aamus yaa lagu maqlinee.....yahooo....waa lugugu khasaaray walaahi Share this post Link to post Share on other sites
Macalin Posted August 17, 2003 hehehe! Ok someone is defensive...Yes samatar is not a gr8 singer i said!...he just famous..lol u gat a problem with da? Share this post Link to post Share on other sites
Faheema. Posted August 17, 2003 by Hibo Nura and Cabdi Cali Baalwacaan Jamaal-11 I believe that song was in the riwaayad/majaajilo named Hablooy hadmaad guursaneysaan I've heard bits of it but never actually watched the whole thing, if you know where I can get hold of the old riwaayads' such as the one above and Beenay waa run please let me know. thanks Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 18, 2003 LoL lakkad, manuurahaa tahay maxaan dhahaa... flying-still I think samatar is a good singer. unlike lakkad who only loves Doqoneey, I believe samatar is cool. Sida uu isku gariiriyo ma daawatay horta? he is like a vibrator...lol Shayma ... I think you are right. I watched hablayahow hadmaad guursan doontaan, but it was sometime ago. I think if you visit www.eaglemediapro.com you might find some somali ruwaayado. Beeneey waa run, was a good one too... actually I watched it several times and once with the singer Saalax Qaasim himself. He lives in my neighbourhood. ------ Qurux Caynigeeda dumarkiyo Assaageed kamudaaneey Afar suxul karooreen Edebt-iyo asluubtiyo Isha lagu hagoogeey Abuurtii, wacneydee Illaaheey sameeyee Soomaalida ahaydee * 2 Kaa deyran eeduhuu Kaa awdan ceebuhuu Idim Allah, rugtaadiyo Irdahaad ku nooshahay Alhumaduu ma gaadhoo Balaayadu ma aadee Ubaxii dalkaygiyoow Indhakuushi baa tee Inantii arligaay Araggii wadankaaay Xidigii dhulka hooyiyoo Quruxdii umadaay Li'i cawli la'aaw Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 25, 2003 Musanaabay - Magool iiyo Kuluc ::hello Share this post Link to post Share on other sites
QalQaali Posted August 29, 2003 Somallian Songs have golden Lyrics am sure u all will agree.. lemme post my Favort song too. It's not Complete so if u know it feel free tompost the complete version WABIGII JACAYLKA(RIVER OF LOVE) WABIGII QAADAYOOW TAAN WEHESHAANAAYE Ma .... naftaaydaa adaa adaa iiga wacaanee wabigii shabeeliiyoo Juba aan waraystee Juba aan waryastee Bal inaay wax sheegaan Naftu waano diidaayee wabiigii Jacaylko.. I wadoo adiguna ii wadoo hoo hoo.... _________________________________________ RAGU BELADA UU MARO(JUBA) ragu belada uu maroo Basihii Ka sheekee Dumarkuna BAdhaadhahaa Dumarkuna Badhaadhaa Ana waxan bad baadshoo soo buleeyey Caashaqa ma isaaray Buul dheer baxa degiisiooo habeenkoo Badhtegaybaan Soo baraarugaaya Boholyow La toosaa Adna imaad bogsiininoo hadalka bedelka laabtiyo BEEER QABOOJA IMAAD ODHAN. Maad dawayniin Boogtii Barna kama aan helin mahmaahbaan ka bogsaday ma waxaad ka boganbaa MA NIN TALO KU BAAHDAA isban baanan waayaa.. _________________________________ Waraar aa isoo Gaadhay Wajigaa ma fiicneee Yaa hoosta akaa waalaay >>>>>>>>>>>>> <<<<<<<<<<<<<<<< Peace 1 Share this post Link to post Share on other sites
Ayaan8321 Posted August 30, 2003 Thanx...^^^^qal qaali..i love that song.. RAGU BELADA UU MARO(JUBA)..Isn´t that very odd..I happen to like most of the songs posted in here ..lol keep them coming people Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 30, 2003 STHLM_Lady remember this? Malaika, nakupenda Malaika. (Angel, I love you Angel.) Malaika, nakupenda Malaika. Nami nifanyeje, kijana mwenzio, (What should I do, your lover?) Nashindwa na mali sina, we, (I don't have any money) (LITERALLY: I'm defeated by wealth, I don't have any.) Ningekuoa Malaika. (I would marry you, Angel.) Nashindwa na mali sina, we, Ningekuoa Malaika. Pesa zasumbua roho yangu ([/b]Money is troubling my soul[/b]) Pesa zasumbua roho yangu Nami nifanyeje, kijana mwenzio, Ningekuoa Malaika. Nashindwa na mali sina, we, Ningekuoa Malaika. Kidege, hukuwaza kidege. (Little bird, I always dream of you, little bird,) Kidege, hukuwaza kidege. Nami nifanyeje, kijana mwenzio, Nashindwa na mali sina, we, Ningekuoa kidege. Nashindwa na mali sina, we, Ningekuoa kidege. Share this post Link to post Share on other sites
Ayaan8321 Posted August 30, 2003 That song is really good....by miriam makeba..love it..she sings with emotions :cool: Share this post Link to post Share on other sites
Ayaan8321 Posted August 30, 2003 by the way...download this song from kazaa . the sing is called mpenzi..by swahili nation feat dr alban.. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 30, 2003 STHLM I will insha-allaah. Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted September 5, 2003 Jamaal or sthml lady. Do any of you have have the lyrics to that song by hassan aadan,,,its starts off with " jaceeyl dhiig ma lugu qoray....." If you do can you post it. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted September 6, 2003 Flying-Still is this the song? It is actually a lyric written by Hadraawi and posted by sister Siman some time ago. -Jacayl Dhiig Ma lagu qoray- Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen Weli laba is dhaarsaday Beryo dhacan nasiib iyo Dhul ku kala cillaalaa Subax dharabku kowsadey Dhedaduna cuddoon tahay Cidla aan dhir mooyee Wax dhaqaaqayaa jirin Jabaq maysku dhaadeen. Kulankii dhabta ahaa Riyo dhiifi keentiyo Dhalanteed ma moodeen Sida ay dhadhabayaan Dhawr jeer ma seleleen Af dhabaan dhab jamashada Ma ka dhoofay hadalkiii Bal dhaqaaq na kay tahay Dhihidii ma waayeen Ma ka dhabaqday xaajadu Ilma dhalatay xiisuhu Sida dhibic ma hiigaan Ma ka qubatay dhaayaha Ma ku qoyey dharkoodii Naxariis ma dhidideen Iyagoo dhanqalankii Dheel dheelli mooyee Dhegna aanay kaga jirin Kolba erey dhex roorkiyo Dhumucdii ka maqantahay Dhitinaaye keligii Ka dib tooban dharaarood Carrabkiyo dhanxanagii Dhirindhirid ma ku heleen Laba guul u dhalatoo Isu dhiganta weeyee Dabadeed dhabeeshii Hanadkii ku dheeraa Dhudi mays bariidsheen Dhubbad qaadka sheekada Qofba dhagarta caashaqa Wixii dhaaxo soo maray Ma dhex galay kalkiisii Ma akhriyey dhambaalkii Warka maysu dhiibeen. Kalgacayl dhito ahaa Dhamac iyo dab huriyeen Dhuxuliyo ladh soo kacay Hadba dhoon ma buuxsheen Kolba dhacan ma jiideen Dhacdadiyo u jeedada Qofba dhaadashada guud Qofka kale dhankiisii Inaan looga soo dhicin Ma ku dhaabadeeyeen Sannad mays dhegeysteen Ma dhalaalay waagii Dhag ma tidhi cadceedii Intay soo dhaqaaqeen Iyagoon ka dheeraan Dhaqankiyo xishoodkii Dhaymana u jeel qaba Iyadoo dhexdoodii Dhulka suxul banana yahay Dhibta maysla taageen Wax intaa ka sii dhow Ma ku dhiiran waayeen Dhayal laysu taabtiyo Dhallinyaro habkeedii Ma ka dhega adaygeen Dhadhansiga miliilica Isha mayska dhawreen Dhabbaday is taageen Qofba dhaabaddiisii Sara joog dhankiisii Kun habeen ma dherernaa Dhudhummada aboorkii Dhulka hoose kaga baxay Dhilashada jidhkoodii Ma dhanbalay sartii guud Ma dhammeeyey hilibkii Xidididada ma dhaawacay Ma u dhaafay seedaha Lafta hoose maw dhacay Dhiilluu ku geliyaa Ama waad dhalliishaa Dhagartiyo wedkaagee Dhimashada kal iyo laab Ma ku soo dhaweeyeen Dhoollaha ma ka qosleen Ubax dheelka subaxdii Naxariis ku dhaashtoo Afka dhiin cas mariyoo Dhaddigiyo labkisii Laba dhude isugu maran Ma is dhaafsadeenoo Dhaxal maysu siiyeen Dhuuni kawlka caashaqa Maysu sii dhadhamiyeen Ereygii dhinaa hadal Dhegta maysu saareen Dhafan dhaaf aboorkii Ma dhufsaday cammuudii Ma u qaatay dhoobada Dhab-dhabkiyo kabkabidii Labadaba ma dhalan rogey Dhismo kale ma soo baxay Ma ka dhigay wax yaabliyo Dudun dherer ku caanoo Dhumuc iyo laxaad weyn Dhalan dhoolka maantii Dadku dhacarta jiilaal Ma dhasaday dharaartii Ma ka dheelmay galabtii Iyadoon la dhaadayn Sheekada dhabteediyo Dhabar weyntan hooska leh In dhexdeeda laba ruux Runta kaga dhur sugayaan Haddaan laysu dhamanayn Nafta laysu dhiibayn Ama dhaxal tis qaadiyo Dhismo aqal la taagiyo Ubad iyo dhaqaaliyo Dhaqan reer la kala sugin Dhunkashiyo u jeedadu Tahay dhaayo guudkood Waabay la dhabaqsado Dhereg iyo markaas qudha Ama sida dhurwaayada Hilbo gabadh dheg roonoo Higlo loogu dhuuntoo Dhakhso loogu kala baxo Ninba waxa dhabbacashada Dabinkiisa ugu dhaca Dhidar iyo xabaashii Sharaf lagu dhabcaaliyo Dhawrsooni laga tegey Dhalanteedka beenta ah Bulshadaa u dhaawacan Hab jacayl u dhaqan galo Ma holladay ka ugu dheer Maamuusna ugu dhow Mise weli wax baa dhiman Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted September 6, 2003 jamaal this is the one I'm talking about...damn its heartbreaking!!! Bisinka! Ok one more song I don't know who sings it but it starts off with " barbaarta kaan ka doortay.." or something like that. Its in that new Album called "2004". Let me know if you find it. thanks Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted September 27, 2003 Here is one of the songs that I love so much: Caashaqa daadihi( I think) Sahra Baydkii Koobaad Dawadii nafteydow bal aan kula dar-daarme Nabada aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo Weligaa hasii dayn duushayey allow nabadey Qoraxduna dalaalnimo Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn Baydkii ninka Koobaad Darmaantan jeclaayey bal aan kula dar-daarme Dantu wadajir weeye docdaada yeyka baylihin anna teyda igu daa Dunidoo barwaaqo ah dalka nabad kusii joog Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn Sahra Baydkii Labbaad Dayixii iftiimow bal aan kula dar-daarme Dumarka adookale taa hesha madeysee dookhaaga ka adkow Duushayey allow nabadey Qoraxduna dalaalnimo Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn Ninka Baydkii Labbaad Daymada urooney bal aan kula dar-daarme Kuwa loogu dowgalay labadii is doorte Kala dila dadka is jecel Ayaaney isku keen dirine Dalka nabad kusii joog Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn Share this post Link to post Share on other sites