Paragon Posted May 30, 2003 Allow yaa isku beega - by Hibo Nura and Cabdi Cali Baalwacaan Listen to this song with me coz it speaks volumes. It actually discusses an issue that exists amongst Somali youth in the dispora. Atleast is a song that many of us can relate to. Share this post Link to post Share on other sites
Batuulo Posted May 30, 2003 hmm.. woooooooooooow! waa isku beehan yihiin what a love song. Share this post Link to post Share on other sites
HONEY-D Posted May 30, 2003 Nice song but you havent completed the job where's the lyrics since u have mastered the somali language i'm sure it wouldnt be so hard. Consider it as the best gift for the nomads we will even pay you if we have to. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 31, 2003 RAXIIL: well i would have been the happiest ma alive, thats if i'd managed to master the Somali language. But hey let me see if I can write down the song. Atleast some of it . Thats your gift! Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 31, 2003 Dialogue: --- Hibo: Wax badan baan nafteena ku maaweeliney wax akhris, laakiin maanta hadii aan Kafanno wax miyaad ka qabtaa? Balwacaan: Ma labadeena? Hibo: Haa!iska un dee? Balwacaan: waa loo baahan yahay, aad baa baaloogu baahan yahay Hibo: Ruux haduu budo keeno iyo biyo kii la yimaada, alloow yaa isku beega wey isku baahan yihiine: Bal ka waran qisadaasi? Balwacaan: Badweyn roob ku da'aaya baad kasoo bixin maaye, bal abaar lagu riiqey alloow yaa isku beega weysku baahan yihiine! Hibo: Aqqal bannaan laga taagayoon, bartanka tiir ku lahayn, udub meel ku basaasay, kuwaana yaa isku beega, Weysku baa yahan yihiine! Balwacaan: Daar weynoo la bileeyey, balaadhanoo kala jiidan, oon wax bidhaamo lahayn, iyo illays yaalla bannaan, alloow yaa isku beega, weysku baahan yihiine! Hibo: Labadii isla barbaartee, beerkana iska jectaatay, inoo soo bandhigaanna, ka baqaaya jacaylku? Balwacaan: Alloow yaa isku beega! ----- End of dialogue ----- The song: Hibo Nuura; Wadnaha-iyo waxyaheeyga, kii waraabinaayey dhiigoow Waan-waanta sharaftayda, Midka iigu wacnaadee Waajibka iigu yeeshoow Ifka waxa ku nool Wiilkaan ka weheshanayoow Weynow hayna kala wadin e' waa qof laba isjeceloo Libaan ku waartoo Aan is waayin naga yeel aan is waayin naga yeel ----- Balwacaan: Wacadkii, illaah-iyo Wada dhalaashadeenii Weligeey ismaan odhan Cidbaa kuula siman weli Jawa'aabtii, adiguna dadka (cant hear it well) adigaan kuu wirwirayee Waxaan anigu jecelaahay Laba wada jirkeenee -- chorus -- Weynow hayna kala wadin e' waa qof laba isjeceloow Liibaan ku waartoo Aan is waayin naga yeel (* 2) ---- End chorus ---- Hibo: Waaya jacayl baan la walbahaare Kii aan dartiis u waashoow Weedhaha, sada caashaq, aaweyda u haayee - ----- walaaloow -- -- Weynow hayna kala wadin e' waa qof laba isjeceloow Liibaan ku waartoo Aan is waayin naga yeel (* 2) Balwacaan: Ha warwarin, anoo nool *WARDI-yeey (hibaad) mudan Wakhti baa iskeen badii Kherykaa baad ku hiirsani Waa adiga waxan heleyoo ((((couldnt hear it well))) Waxaan anigu jecelaahay Laba wada jirkeenee Weynow hayna kala wadin e' waa qof laba isjeceloow Liibaan ku waartoo Aan is waayin naga yeel (* 2) -- End of song -- PS: Nomads, please do correct me if I mis-spelt ot failled to grasped some of the words. I could get some of the words. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 31, 2003 --- WEJIYAAL IS JECLAADAA - KINSI XAAJI AADAN --- KINSI Wejiyaal isxasuustaa, .........Isxasuustaa Indha aan kala waarin On go'aan isla waayiin Laba aan kala weecan Wadnayaal isjeclaadaa Wadku daaya oo raagga Oon wadeeca casqeynin Oo wadaaga xanaano Inagaa ku wacnaynee Maxaad iiga wareegtey Inagaa ku wacnaynee Maxaad iiga wareegtey ----- ----- XARAGO Sida Waaxyaha jiidhkaa, .........yaha jiidhkaa Wadanaha iyo diirkaa Hal-bowlaha is-waraabshann U wadaagnay jeceyl'e - (*2) Markuu kaaga waraaqshey al wadeeca ku taaba'tay Inaan kaaga wareegoo ((Cidla)) kaaga dhaqaaqoo Hadii wakhti keeney, Nin waxtar leh miyaan ahay? ---- ---- KINSI Walbahaarka jacaylkaa, .........ka jacaylkaa Sida weyraxa geellee Ilmaha ugu wareegaan Kugu weerranayaayee Hadii i wakineysoo ood ka wiiqantey dhuuxa waaya caashaq ku raacday war kamaanan dhigaynee Inagaysku wacnaynee maxaad iiga wareegtey --- --- This song: Dhabta by Saynab Laba Dhagax Is on of my favourtites. Have a listen! If anyone could understand the words of this song, then he/she will realise the romanticism embedded in Somali music. Here are parts of the song: SAYNAB LABA DHAGAX - DHABTA --------- Ma ogtahay I geeyoow Ma dhaban u seexdaba Inan kugu dhadhabayoon Dhinaceyga kaa dayoo? --------- --------- Hadii aad dhiboon-tahay Amba kugu ma dhaafeen Howlo, ani dhankaaygee Dhinacaada ila qabo! -------- -------- Iminka dhudhumiyo Miyaan so dhawaadaa >>>Awalba igamaad dheerayn * 2 ------- Dhabta miyan, miyaan ku sdaraa!? >>> Dhibkaan kula nacaya *2 ----- Bal hadaba dhallaan sidii! Dhabarkaaga igu qaad (-word--) waan ka fududee! ----- Share this post Link to post Share on other sites
Ayaan8321 Posted May 31, 2003 woooooooooooooow...jamaal..bro i love these three songs especiallly seynab laba dhagax..That´s my usuall morning breakfast Share this post Link to post Share on other sites
HONEY-D Posted May 31, 2003 Thnx Jamaal-11 i knew u could do it. i've got the saynab cige's one i also happen to like her other song ninkii dhabkuu jecel waa lala dhadhamiyaa maryan mursal - somali u diida ceeb naftiina u diida caay. This is one of my favor songs enjoy it. http://www.hamarey.benadir.net/index.php/article/articleview/644/1/22/ ALAH ALAH ALAH SOMALI U DIIDA CEEB NAFTIINA U DIIDA CAAY. Dhulkeena dabeecadiisaa micna dadku dhexqaadoo labada wabi ee dureeraa dalaga ciida wanaagsan abuurkaa ku daadiweeyoo qayraadkaa ka doono weeyoo siduu geelaa ugu daaqoo lo'dana u diinaahiyeesoo haa danyarteena eegtoo siday diiftu ugu taalo labadu is dabooli waayo dunidu way nagula yaabtey dunidu waay nagula yaabtey way. dadiyow dadiyow u dadaala nabad nabad soomaali u diida ceeb naftina u diida cay dhulkeenaa dabeecadiisaa dabeyshiyo cimiladiisaa badweynta dhexnet ku deeran kaluunka dabaalanaayoo dubaxdu siday u taaloo siday macdantu danliigto siduu arigu dareeroo ugaadha is daabareyso HAA is dilkeena ceebtoo dalkeena xasuuqidiisa labadu is dabooli waayoo dunidu way nagula yaabtoo dunidu way nagula yaabtey way. dadiyow dadiyow u dadaala nabad nabad somaali u diida ceeb naftiina u diida cay soomali u diida caay naftiina u diida cay. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 1, 2003 STLH_Lady lol "That´s my usuall morning breakfast" lets say I take for all meals lol .. these songs are good songs. RAXIIL you are welcome sister... well you choice of songs are fantastic too ... for-example..."ninkii dhabkuu jecel waa lala dhadhamiyaa"! for me, i compare this song to ROMEO and JULIET ... the poisoning for the sake of love. The other songs good too... Maryan Mursal ... is has become famous for her jaxxy tracks. Sometimes if you listen to the FM you might her them playing her songs. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 1, 2003 There is one singer that I consider the best male Somali singer.... I have heard only few songs by him .... he is ----- MAXAMED BURCO ---- and his song, -- DHAKHTAR BAA ISU KEEN QORAY, has such lyrical superiority. If you guys/girls have any idea where to find of songs of him please do inform me, thankx. ---- Saalax Qaasim Naaji ---- Alla Barashooy - Listen Here ---- Aniguba beryaha qaar Waa taan bad iyo webi buuraha ka lali jirayee Anigubaa beryaha qaar Bulshada iyo sahankaba waataan budulka marin jirayee -- Waase bixiso bixisee Caashaqan biyo-iyo oon Badankeyga kaba jaray ......aniga u buseylee taan u beer caddaadee, ............caddaadee Buhda-iyo nafta ahayd .....iiyadayga beydhee ............ga beydhee Bariidaduna waa sade Ruux bukaanka kugu nacay Samo, samo kuma banaanee Alla barasho, barasha wacanaa Bi'i waaye aduunyoow Maxaad laba bogleysaa Howlahaagu badanaa (*3) Share this post Link to post Share on other sites
HONEY-D Posted June 1, 2003 Nice collection thnx for sharing it with us. Unfortunetely i never heard of the artis you have mentioned sorry cant help you there. But I did hear the song b4 whether it was him who sang it or not i wouldnt know. How abt maxamed saleebaan tubeex or xasan aadan samatar.Or nuur eebow alaha u naxariistee i've got sum of his songs but i just cant listen to them sumhow he had the most beautiful voice i have ever heard. Here is a line from one of his songs Dumarkaan u fiirsado fanax yaraanta mujiyo idisheyey cabaaryaha isla gaaray gacaladaa. keep up the good work we need as much somali songs as we can get. With the lyrics if is not too much to ask. Share this post Link to post Share on other sites
Iffah Posted June 2, 2003 Jamaal...gacan baan kuu taagay. I love those songs...thanks for providing the lyrics. Zaynab labadhagax's song is my fav' too. I was crazy about it last summer...sidaan ugu soo celcelinaayay...I drove my friends nuts. Raxiil...I liked that song too..thanks for the lyrics. Hey can any of you post the lyrics to some of Saado Ali's songs. Some of my favs: Sida roon:...goes something like... "Naftu raaxa jacelaa, rafaad iyo dhib necebaa..."...Raggu Naaga jacelaa, dumarkuuna u roona" & Xamdi..."Siddii Xaawo iyo Aadan Rabbi baa isu keen qoray"..dhiin dhiin dhiin dhin... Thanks! Ps, Raxiil...I've come across some of X.A.Samatar's lyrics...I'll post it for u. Share this post Link to post Share on other sites
Iffah Posted June 2, 2003 Raxiil: Here's one of his songs. You can listen to it from where you got Maryan Mursal's song...I can't seem to post the song....it'll take a while... Dejiya: Damiir hal adeegnimiyo quruxda lagu daahayee darandar indhii arkaan marnaba daymada kadaaline timaha kala degay dusheediyo oo ilkaha dabarkaley dilee waxaan dumar daydayoon mid iidana raadiyaba hadaan taan doonayee ilaahay kaducaysan jiray anagu dejiyeyshelnee rabbow isu kaaya daaa dadnimo dhaqankeeda iyo quruxda lagu deyrayee dadkaba ruuxaysbartaan kolnaba diiqad aanan gelininee degeni socodkeeda iyooooo oooooooo dibnaha madowgaleey dileeeee waxaan dumar daydayoon mid iidana raadiyaba hadaan taan doonayee ilaahay kaducaysan jiray anagu dejiyeyshelnee rabbow isu kaaya daaa Share this post Link to post Share on other sites
mahdi- Posted June 3, 2003 can any one of you guys help me out, I mean I don't know the composer's name or even the singer of the following song. I have been looking this for so long. So if any one of you guys can help I'll be grateful for that. Inanyahay masheegaa Arrin igu shidnaa iyo Sheeko aan qarsanayoon Kaa shishaynin adigaba Mise waan shiraacdaa Intaan laygu soo shirin Shib baan kaa iraahdaa Shaxi nin iyo reerkii Shini waliba malabkeed Haku sidato shirixee Addigoon shidaba galin Hadday igu shiribantahay Waxba haw shinshirinine Shaacaba ka qaadoo Aan kala shiraynee Hashaqline ujeedada Warka shaaca ka cadee Shayga iga qarsoonaa Inaad caawa sheegtaa Sharaf baabay iitee Sidaa tahay shawaal galay Bishu ay shaniyo toban tahay Shabcisay aduunkee Qoraxdii shin dhalataay Wali shaahid kuma arag Sheekana kumaan maqal Wax shabaha naftaade Sharad baan dhiganayaa Hadii sharaf mid kula mida Lagu sheego dunide Shamsooy addi daraadaa Annigana ilaa shalay Cishqi baa ishidayee Ma,ishaafinaysaa? Sidaa tahay shabeel ciideed Ama geenyo shaaximan Shucurta iyo eegmada Rag ninkaad lashoowrtaa Shaaribaha salaaxdoo Addaa shicir amaan ka ah Shaxda lagu cayaaraay Sheekeey igu deeqdee Shafeecadii naftaydaay Waana kugu shugriyayaa Shamsooy addi daraadaa Annigana ilaa shalay Cishqi baa ishidayee Ma,ishaafinaysaa? Thanks for your time and help Share this post Link to post Share on other sites
HONEY-D Posted June 3, 2003 ILHAAM THNX FOR THE LYRICS I APRECIATED it. Some of my favs: Sida roon:...goes something like... "Naftu raaxa jacelaa, rafaad iyo dhib necebaa..."...Raggu Naaga jacelaa, dumarkuuna u roona" & Xamdi..."Siddii Xaawo iyo Aadan Rabbi baa isu keen qoray"..dhiin dhiin dhiin dhin... I'll have go and see what happens. Share this post Link to post Share on other sites