Jacaylbaro Posted January 18, 2005 Wuxuu weliba ahaa nin dadka ka horeeya oo xiligan imika aynu noolnahay waagaas noolaa ,,, i think inuu weli noolyahay ,,, body giisii keliyaa inaga maqan laakiin ruuxdiisu way inala joogtaa ,,,,, Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 18, 2005 Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo.... By: Allaha u naxariistee Cabdulle Raage markii Af-Soomaaliga la qoray! Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 24, 2005 Baashi wrote: Labadii qofee igaga hadhay qaafadii dumarka Tii qurux badnaydiba haday Cali la qooqayso Tana qaado Naagaba ragbay qaac u shidataaye Mahadsanid Baashi.Kani wuxuu ka mid yahay gabayada naadirka ah. Marka waxay ila noqotay inaan gabayga oo kaamil aha dhajiyo. Marka hore se waxyar oo taariikh ah. Gabaygan waxaa tiriyey Xusseen-Dhiqle oo ahaa afhayeenkii Sayidka. asaga iyo Naado Buraale(xaaskii Sayidka) iyo Jammaad Cabdille(Sayidka walaashii) iyo dadka kale ayyaa carra caruusaad u qaxay. Waxay isu dhiibeen oo magangeliyey Suldaankii Caruusada Cali Daadhi. Naado oo quruxbadneyd buu Cali markiiba isha geliyey. Wuuna guursadey illeen waa dad qax ah oo aan waxba diidi karine! Maalmo ka dib baa waxaa Jammaad u soo dhigtey Nuux Daadhi oo dhaxaltooyada saldanada caruusaad lahaa. Xusseen oo bililaqada lagu hayyo aad uga xun, ogna inuusan maanta wax diidi karin baa Jammaad la weydiistay. Tallo baa ku caddaatay. Gabaygan qayb-libaax la baxay buuna Nuux Daadhi u marshay! Wuxuu yiri: Qayaashow Libaax baa dhurwaa qeybi yiri soore Wuxuu yiri hilbaha jeex bal qabo qoom dhan baa nahaye Markaasuu qabbaa-bilihii qoonsadoo dilaye Dharbaaxuu il kaga qaaday oo hoor ka soo qubaye Af-qushuushle goortuu dhintuu sii qataabsadeye Qanburuursi iyo oohinbuu ku qunuunacaye Dawacuu kolkaa soo qabsaday sida qisaaseede Iyadoo qar-qari buu ilkaha qoorqabkii xoqaye Wuxuu yiri qanjaafallo xumeey tali qaddaarkaaga Adder gacalle qaar iyo dalool qaaxo iyo feero Qumud iyo badhiyo leg iyo qawdho iyo kuruska Kuuwada qorsheeyeye islow neefka wada qaado Markaasuu wixii qaday qabsaday qoobab kadafley’e Wax layiri qabiil maleh dayoy qaylliyaha aare Annagoo quruun dhana maxaa qado inoo diiday? Qacdii hore haddaan dayey kobtii weerku sii qururay Bar baa kuu qismaa waa wuxuu eeday qaaryare’e Aniguna qudhaas baan ahoo lay qul-qulateeye Duqii noo qabweynaa wakaa qooqa loo dilaye’e Qaddarkii Ilaah iyo Rabbaan quud ka sugayaaye Qudhaydaan u yaabaye warmiyaan idin qasaateeyey! Warmaanoon qudraba haynin baa qirish ka soo waaqsan? Anna qeyb libaax weeye taad igu qasbaysaane Dadkaa igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi-diidaayo Qadayeey! Adduunyo uma socon waad I qaxarteene Qarankii dhariiqiyo haddaan qamirindii waayey Labadii qofoo nagaga haray qaafadii dumarka Tii quruxda roonay haddey Cali la qooqayso Qudhoo kaliya baa nagu hartoo qarafku noo yiile Tanna qaata Naadoba rag bay qaac u shidataaye! Nuux sidii buu Jammaad isaga daayey. Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 25, 2005 War ninyahoow xiinfaniin bal xiinfaniin farskii ahaa akhyaarta bal uga sheekee. Soo ma ahayn faraskii Inna Cabdille Xassan yarada kala bakheylay ee uu Islaanku ninkii ergada uu u soo direy yiri Sayid faraska Islaanku ku weydiiseytey bixi! Awoowe bal innoga taariikhee oo gabaygaa soo raadi fadlan. Abwaan Soomaaliya ka tiiraanyeeysan oo inta gartay tabarta iyo lixaadkiisu inaan waxba ka qaban karin markaa afka ka fatahmey umal daraadii. Waa gabay aad u qiimo badan oo la yiraahdo waa wax ula jeedo. Waqtigii yimaadaba xilligu waayo soo curiye, Walbahaarku waa ii egyahay inaan walaacaaye, Kol hadaan wabigaa fatahay, waabin kari heynin, Oo aan waaxyaha kabeyn cududahaa wiiqmey, Nafta waxaan ku maaweeliyaa samirkii taag waaye, Mar haduu wadajirkeedii lumoo, wacadkii beenoobey, Oo geedka kii waab la yidhi, weel ku kala qeybshay, Wadaantaan nin-tooxsiga ah, iyo waa kumaa darane, Waji baa far lagu meyrayaa, beesha wadi meyso! Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted January 25, 2005 Gabaygii Xiin-Finiin: This is for Baashi Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen sayid maxamed baa doonay Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay islaan Faarax Aadan oo madaxda degmada Mudug . ka mid ahaa.Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey,xurmo iyo xididtinimo wanaagsanna waa muujiyey.Hase yeeshee,dhugi geel dhaantay,dhex socotana dhul dhaantaye,hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey Xididtinnimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan farax iyo dadkiisa uga helo si uu jahaadku u xoogooba.Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuuna buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku Yidhi Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone dabadeed,Islaan faarx wuxuu Sayidkii weydiistey faraskii Xiin Finiin sayidkuna aad buu u jeclaa,hase ahatee, sidii loo yiri,dhegtaa kaa war dheer ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna,isagoo xil iska reebaya faraskana xarragadiisa u dhammeeyey ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray kadibna markii gabaygaan soo socda qaybsiiyey waxuu yidhi:- Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye Markaad Xiin Finiin damacday baa,n kaa xanuunsadaye Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag Xaggii loo eryaba waa Gammaan, xulashadiisiye Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode Xujey-reebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise Wuxuun bay xushleeyan sidii,xabashi ******e Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe Goorteer anoo xaajiyaan,xinif awoodaaye Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene. By: Ahmed H Aden (Shaxda.com) ---------- Isagoo Maqal Ah: Xiin Finiin - Sayid Maxamed Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 25, 2005 Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene. Wiil dheh. Muad iyo xiin waa mahadsan tihiin. Share this post Link to post Share on other sites