Baashi Posted November 26, 2002 On world politics: Shanta qaaradood waxaa ka riday qayladiyo buuqa Waxaa qamarka guudiyo hawada qaraxa loo saaray Waa quud nin haystiyo mid raba inuu ka qaataaye Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo waa qoqoba riixe On betrayal/rejection: Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco Layskuma ridaan rido haddaan ruuxu ku arkaynin On faith and prayers: Sune kama ansaxo nimuu tagay faralkii saaraaye On truth about loans: Waxaadan lahayn wiilkaygoow laguma waynaado Waxaad waaayo maashabaa nin laa weel isugu gaystay On spies: Gobonimada waad neceb tahay oo waad ka gubataaye Geestaad ka joogtaa kufrigu guul ka dhaliyaaye Kol haddaan gumaysiga aqaan gacan inaad siiso Wallee gaal-la-joog yahoow anaan garab ku waydiisan On miscalculations: Labi' caanaheed iyo anoo labanka fuudaaya Wiilal baa i looyaamiyoo ii lalabay fiide Libinna yaana geyninee haaddaan kaa lug baxo manta Walee aniga oo ladan Buslooy kuguma soo laabto Lost love: Labadii qofee igaga hadhay qaafadii dumarka Tii qurux badnaydiba haday Cali la qooqayso Tana qaado Naagaba ragbay qaac u shidataaye On Marriage: Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel unbaa go'ane Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 3, 2004 Nation of poets, that we are. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 4, 2004 Xaaji Baashi shall I add: On Liberty Hadaan Dhimano geeridu kolbay nolosha dhaantaayae Dhaqashiyo marbey kaa yihiin dharagtu xaaraane Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqashadeed maalye Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhowrataa abid e' Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 4, 2004 Malaaq Jamaal here are 2 more: On causes of nomadic inter-clan wars Meelay gooh ololleyso Gaabanow sumaciiyo, Gariireyso rasaastu, Ragga haadku gigaayo, Golxaaloow jabayeeyiyo, Gaalayuus ka baxaayo, Gabar layska dharbaaxiyo, Gaban leyska uleeyayiyo, Anagaa gob aheynee, Gun-gunaafka hoosoow, Nama gaadhi kartaaniyo, Gasab baa u horeeyey! On hopless and unnecessary rancor disputes Laan dheere gob ahaa jidhay ooy gocashadii heyso, Iyo kii ka gaabnaan jidhay oo haatan garab taagan, Gedda kaa yahay yaa kan kale gaadh is leeyahaye, Labadaa garaad ee gudboon yaw gar naqi doona? NB: We got something in common brother: Somali literature. It is one of my intellectual hobbies. Glad to find nomads like you in the net. Many nomads I’ve seen in other circles associate this hobby of mine with reer baadiyanimo. The funny thing is they value Shakespeare and other poets! All the while they look down what our literature offer. Why oh why? Keep them coming yaa shaacir. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 5, 2004 ^^^ I am glad brother. Our literature is our national asset and the craddle of our civilisation. Its somewhat illusionary and short-sight'dness if one dubs you with reer-baadiyanimo. Anyone one who does so lacks the mental ability to grasp the fact that there are other parallel civilisations to that of shakespeare! PS: Nothing stimulates me intellectually than the wisdoms contained in Somali literature. On lack of Patience Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted November 9, 2004 Baashi Only an true ignorant would think that is reer baadiyinimo. Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 15, 2004 War ileen tanoo kale, Soomali ayuun baan islahaa kobtan baad ka akhriye, laakiin hade hayaankeygii waxaad moodaa in kudeg degey. Baashi iyo raga lacaana maala, war hade toloow maad Soomaliga noogu noolaataan oo afka gaalka meehaan ka joojisaan. Rag waa kii ilduufa, laakiin indheergarad waa kii kagarqaata ilduugkiisa. Nabad Sophist Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted November 25, 2004 Baashi, J_11 and Sophist...masha allah you guys are linguisticly privileged...keep it up! you three are honestly motivating me to learn more about my culture and our righ language. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 25, 2004 In Addition to This : Mudanihii Afgaab waxaad tidhaa maalintaad aragto Muddo aad ah buu kala maqnaa muhindiskeeniiye Waxase igu maqaalo ah adaa meel gudoonshe ahe Arrin murugtay oo labada dhinac laysku mari waayey Kol hadaanad maarayn karayn maragna loo haysto Macno malaha badhasaabkan aad maanta sidataaye Waxaad tahay maqaarsaar la yidhi hay muftaaxyadane Kuwa furinka miis miisayaa kaa martabad roone Maamulkaad lahayd niman kalaa kaa maroorsadaye Ku maaweeli naagaha Milgooy mayla socotaa Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 25, 2004 Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane *** *** la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 25, 2004 Kibirka iyo Islaweynaanta: Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye. Ragoow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado. Siyaasad: Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo. -- Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey. Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted January 14, 2005 Socdaal/Tacabir Nin saboolay iyo awrba way sahal dhaqaaqaane Labadaba haddaan seeto celin socod ma daayaane Anna sahayda inaan qaato iyo socodku waa daw e Salaama iyo waa nabad galyee saas ha la ogaado Cali-Nuur M. Gaas Share this post Link to post Share on other sites
Fandhaal Posted January 14, 2005 Guurka aan xoolaha lahayn Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye Dhiiqay miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu kuu dhoobmin Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 17, 2005 Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 17, 2005 Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye Xikmad badanaa Inna Suldaan Timacade. Abdullaahi waxuu ahaa nin sal iyo baar u yaqaan Soomaalida laakiin qadiyadiisu ay ka sareeyso qoys, jifo, iyo qabiil oo ay gaarsiisan tahay qarran iyo diin. Alla yarxama. Share this post Link to post Share on other sites