Passion_4_Fashion Posted November 15, 2004 da'diina shaki baa iiga jirto....mid idinka mid ah wuxuu u gabyay sida aabahey oo kale....wadnaha aanba faraha ku haayaa inuu isagi yahay Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 16, 2004 Jalaqsan! Anagoo idil umaleynmayo inaan labaatanaadkii dhaafey! Weli Sodomaadkii dhuldheer ayaan u aragnaa; laakiin hade waxaa sharaf noo ah inaad nagu matasho Odayaal. Afkaaga caano dhey ah lagu qabey-- amabase wixii kaloo aad kasii jeceshahay inaad dhanto Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 16, 2004 Waa runteed cajuus ibna cajuus bini curri soo ma ninin . Jalaqsan mara waaxid! calashaan Sophist waa ku dhali karaa laakiin macnihii ciyaalka xaafada yuu wadaa. Groupo di benne waa lagu yaqaan howlahaa oo waa da' walba la fil . Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 16, 2004 Faanka iyo tookha waa la iga badiyaa laakiin maxaan yeelaa Jamaal iyo Sophist iyagaa halkaa is dhigay e...jeer rag ila baratama aan helo waa in aan sidii baarqabkii aan ku yara laadaa mar kale...hadde wiil hoog kor inta u kaleetiyey shafka isaga kaadshay wax walbaba waa u banaan yihiin hadaan mid maya yiraahda la helin. Awoowe wey ii ahaatey. Baaqaan direy, moolkaan buuxiyey, iyo macnahaan baaney, Iyo bartaad kula kuftay badawyahow, waaba kala baabe, Hadaadan sidayda beegsaneyn murtida, hadalka kiisa billan, Ama aadan bowsaneyn sida Jamaal, beydad hore iyo buugag Igala beydh cantra-baqashka, helimeysid boowe kaan rabay e. Car! Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 16, 2004 Roobka da'ey, ramaasyada baxay, maqasha baanowdey, Ceelka gurey, geelii gun go'ay iyo gamaskii ceydhoobey Guntii guuleysatey, geesigii jabay, guurtidii naafowdey, Giyigii barkacay, morryannta Maaleysatey, Dacartii miidowdey, --- Hadaan doonaayo inaan hilfaha kuuqaado saas ayaan kubilaabi lahaa afarleydeyda; laakiin maadaama tol iyo xidid layahay, waxaan ku oran: Baashoow murtidu waa maanso kaa maqan'e Beynoow fudeyd iyo carsha caan ku aheyde Hadurxamin suufigu waa walad aqooneede Waa wiil miinsaanka saara maanso oo idil e, Waa wiil aan mahiif iyo aqoon malawga baaruude Waa wiil mahiigaan sidiisii loo mahadiyaaye Waa wiil Wanaagiyo yaqaan War-ka hadalkiisa Ee beynoow hawiiqamin ragwaa kii hawaarsade. ......... Halkaa haka sii butiriso. Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 16, 2004 War bilaa tol iyo xidid . Maxaad ii keentay! :confused: Waligey tanoo kale awoowe halkaad la'aaday Ka daroo dibi dhal Ilaah bey iga tahay halkaad ka imaneyso iyo halkaad ku socoto inaan fahmin. War bal aan qirtee annigu wax badan ma aqaanee heedhe bal inoo jilci anaa ogol inaan is dhiibe e. Sophist bal ina-adeer ku laabo oo mar kale inoo tuuro goo oo hadde waa sidaad u sheegtay waxu waa kaftan wanaag ee ha ka boodin taa. Waan ku sugayaa Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted November 16, 2004 posted by baashi Baaqaan direy, moolkaan buuxiyey, iyo macnahaan baaney, Iyo bartaad kula kuftay badawyahow, waaba kala baabe, Hadaadan sidayda beegsaneyn murtida, hadalka kiisa billan, Ama aadan bowsaneyn sida Jamaal, beydad hore iyo buugag Igala beydh cantra-baqashka, helimeysid boowe kaan rabay e. Markaan intaan aqriyey, waxaan is iri "ninkii suufi ahaaa, nin baa helay, oo dhulka ku jidaaya" markaas buu suufi soo qoray Roobka da'ey, ramaasyada baxay, maqasha baanowdey, Ceelka gurey, geelii gun go'ay iyo gamaskii ceydhoobey Guntii guuleysatey, geesigii jabay, guurtidii naafowdey, Giyigii barkacay, morryannta Maaleysatey, Dacartii miidowdey, --- Hadaan doonaayo inaan hilfaha kuuqaado saas ayaan kubilaabi lahaa afarleydeyda; laakiin maadaama tol iyo xidid layahay, waxaan ku oran: Baashoow murtidu waa maanso kaa maqan'e Beynoow fudeyd iyo carsha caan ku aheyde Hadurxamin suufigu waa walad aqooneede Waa wiil miinsaanka saara maanso oo idil e, Waa wiil aan mahiif iyo aqoon malawga baaruude Waa wiil mahiigaan sidiisii loo mahadiyaaye Waa wiil Wanaagiyo yaqaan War-ka hadalkiisa Ee beynoow hawiiqamin ragwaa kii hawaarsade. ......... Waan fajacay, waxaan is iri " war bal ninkaan suufi la yiraahdo, waa nin caqli miiran ah, markuu arkay in luqunta lagu sito uusan meelna u baxsan karin, buu cirka isku lalay, meeshii uu baashi geela uga heesay buu isna buurihii uga heesay, oo uu intaas misina naxariisna doontay tolaysi iyo xididna isku xatooshay diric diric dhalay iyo idinkiis, alley lehe waa ragii la yaqaaney...haday gaajo u dhimanayaan xataa, subag bay afka marsadaan.... asxantu Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 16, 2004 ^^Shoobaraha jooji waryee Ninka ha igu carrin dee. Waan baqsan nahay oo waxay iga joogtaa Allow sahal Libaax seexday bey niman salaaxdeene! War bal wadeec Alla ila dheh sxb. Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted November 17, 2004 ^^^Walee Nin indho loo cabsado leh waa tahay baashiyoow,balse waxaan filanayaa dhaawacadaad gaarsiisey suufi in uusan ka soo kabsandoonin dhawaanahaan... ha iiga maleeysan in aan ahay nin diradiraale ah baashiyoow,hadaan rageeygii ku jiri lahaa maanta waxay oran lahaayeen "xaajadu waa xiniinyo taabsasho" Mana aqaan waxa aan meeshaan la towtowleeyahay oo aan ka faa'iidaayo, cabaadkaaga mooyee.balse "bartiroow buuga maku taaley" baa i haysata. Yaacey akhyaareey asxantu Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 17, 2004 Baashe, hade waleee inaad nin raga dhaaftey oo aad haatan mareyso maqaamka loo yaqaan NIN RAGEED-- Siiqatu mubaalaqa. Checkmate, Ha durqamin walaal rag waa kii daahiroo jiraye, Daduub gabey rag baa daa'imoo wada'e Diiwaanka nimanbaa kuqora oo u daacada'e Ee Dantaada raac wiilyahow, ragwaa kii aan doorin hadalkeyga. Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted November 17, 2004 all I can say is ......isku lood ma nihin....gadaal aan xaaji qamsiinta kasoo qabsanaa. Shirka idinkaan idiin daayay Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 17, 2004 ^^^ maxaa odayaasha ku dhex dhigey adiga inaad jinniya qabto Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted November 17, 2004 Anigu odey madaxeed ayaan ahay, laakiin hade inaan jalaqsan ka yarahay waan hubaa; nuunana uu Baashe la da' yahay Af-Soomali laqoraa da'a uma aha calaamad. Nabad Sophist Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 17, 2004 Siiqatu mubaalaq War ninyahaow af-Soomaaliga yaan badiyaa oo carabiga iskuma wanaagsanin Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted November 18, 2004 Waraa nuune sexist nimada iga dhaaf...be more open minded, will ya. Teeda kale odayaasha maxaa iskuugu daree? Nuune aaba tahee weli koritaan aa kuu dhiman Sophist, qarxiska iga dhaaf....ma anaaba qaan gaaray Share this post Link to post Share on other sites